SAWIRRO+VIDEO : Madaxwayne Farmaajo oo soo Xidhay Shirka Garsoorka iyo Arimaha uu ka hadlay

Muqdisho ( Kalshaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xidhay Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay Xidhiidhka dhow ee ka dhaxeeya cadaaladda, horumarka, amniga iyo midnimada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha Dowladda, gaar ahaan garsoorka in ay ilaaliyaan cadaaladda, dadaal muuqdana ay geliyaan sixidda kiis-dacwadeed kasta oo ay xaqooda ugu soo celinayaan muwaadiniinta la duudsiyey.

“Markii labo qof oo isdacweeyey uu garsooruhu eedda dusha ka saaro kii dulmanaha ahaa ee dhibbanaa, taas macnaheedu waa garsoorahaasi in aanu nabadda iyo xasilloonida ka shaqeyn.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in laga garaabo, lana toosiyo gabood-falladii horseeday in dad Soomaaliyeed ay maanta tirsadaan cadaaladd daro, waxa uuna soo jeediyey in wadajir la isu cafiyo, si dhidibbada loogu taago hannaan ku dhisan caddaalad loo dhanyahay.

“Waxaa loo baahan yahay garoowshiyo. Wixii xumaa ee dhacay oo la iska cafiyo, dibna aan u saxno bog kasta oo madow oo taariikhdeenna soo galay. Dhibaatadii loo geystay walaalaha Gobollada Waqooyi ma ahayn mid ku saleysan Koonfur oo Waqooyi ku duushay iyo qabiil midna ee waxa ay ahayd hab dowladeed oo markaas jiray.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yiri “Anigoo ah Madaxweynihii Qaranka waxaan rabaa in aan cudurdaarkaas sameeyo oo raali-gelintaas aan gaarsiino walaalaheen reer Waqooyi. idinkuna aad ila qaadataan”

Munaasabaddu inta ay socotay, waxaa Madaxweynaha loo soo bandhigay nuxurka aragti wadaagga khuburada garsoorka Soomaaliyeed -heer Federaal iyo heer dowlad goboleed- oo ku saleysan tayeynta hannaanka cadaaladda dalka, caqabadaha ku xeeran, qorsheyaasha hirgalay iyo kuwa hortabinta u leh mustaqbalka dhow iyo kan dheerba.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 12)

  1. Dabshid says:

    Madaxweyne Waxaan Rabnaa inaan kugu Qorno
    BUUG AAN NIN REER QURAC AH, hortaa lagu Qorin.

    – Buuga Madaxweyne Doorasho kuyimid oo Doorasho Ku degay
    ( Waliba waxaad noqon Madaxweynihii ” SEDEXAAD ” ee Lagu DHEXDOORTEY XAMAR oo hadana Xilka ku wareejiyey Doorasho Xamar looga adkaadey).

    Wiilkaan ABTIGA u aheyn C/Rashiid Sharma’arke ayaan Buugaas ku qorirabney lkn waxaa Dile Tolkiis,

    Adiga lagama ayaabo inaan Heylah kaaga dhigno Tolkaa oo sidii Sharmarke meydkaada ku kordagaalan.

    * Ama Abti Fiican la how ama Seedi fiican lahow, hadaad haweysato/damacdo XORIYO.

  2. Dabshid says:

    = Beylah kaa dhigno

  3. xaange says:

    Dilalal,musuqmaasuq,qarinta xaqiiqa wararka.Wariyayaasha oo wajahay cabudhin iyo cadaadis dheeriya intii Farmaajo yimid.
    Amesty oo ka dayrisay warbixin xaaliada wariyayaasha iyo xoriyatul qowlk soomalya
    https://www.amnesty.org/en/latest/news/2020/02/somalia-killings-corruption-and-censorship-besiege-media-freedom/

  4. Land of Punt says:

    Dabshid
    Reer Qurac Xamar weligood ayagaa weligood horbooday maalintii, macal Aden Cabdille oo reer Muse Mataan lagu xisaabiyo iyo Cabdulahi Ciise oo reer Kenadiid lagu tiriyo.
    kkkkkkk.
    Jaale Siyaad markuu dalka qabsay cidi Hiraab kama niiko badnayn.
    Markaas dhahdeen goofka anukaa leh oo dowladnimo ku wareerteen ayaa ”Farmaajo ii geeya” ka dhacday…kkkkkkk
    Hadana Karbaashii kacaanka ayuu Farmaajo wataa oo car juuq dheh ku xigta.
    Hiraanonline maanta waxaan ka aqriyey in Xamar weriye hadli karin…dheesha waa bilow.
    Marka dhuuso foox nooga dhigayso naga jooji.
    Reer Qurac laga maarmi waa, ayagaaba kala baqaya… kkkkkk
    Jeedal Ugandese iyo mid reer Qurac kala dooro.
    Kuye: Waxaan rabnay, oo ma fadhidaa boos aad wax kala rabi karto….
    Farmaajo Majeerteen oo maanta dowlad ah ayaa macal shahaado school loo diiday oo gacan ku gabad ah…..Laakiin ciidan u haysanaa maanta, maaha waagii mid Iidoor inta loosoo diro caruurta ka kufsanayey oo barkadaha ka sumaynayey?
    Sxb talo marbay kuu ekayd in Hiraab dal hogaamin karaan markiina magaaladii Al-Cabaas ku dumiseen…
    Diqda qaayib oo aniga bootada iga kala yaree.
    Ma ajnabi ayaa u sheekayn.

  5. Land of Punt says:

    Walaahi in Khayre iyo Farmaajo Hiraab liiska ugu jirin.
    Marhore ayaa maato caano laga dhigay, sow bililiqo ma dayn waayin.
    Farmaajo waa ogyahay ragga in ka adkaago tahay in Kab&Lax yihiin…waddo dheersugeyso haddaaan wax lagu heshiin.
    Aniga Mareexaan iyo Farmaajo ma diidani ee Somali xor ahayn iyo gobolo burbursan ayaan yeelayn.
    Federal, democratic, free and presperous Somalia ayaa rabaa….!
    I don’t even care who, has the keys of Villa Somalia.
    Waa la isku dhunsanyahay🥱
    Macal caruurtii Mareexaan barwaaqo ku jiray in duurka aqoon dan baday in mardame dhicin ayaa ka dagaalayaa..
    Ayaga u doodayaa… in other words.
    Goboladeena iyo dalkeena oo nolol&nabad kawada jirto ayaa u socdaa.
    Walaahi in eray ka badeleen waxa qoro hadday dalka xukumi lahayd hooyaday.
    run👊

  6. Mr BaHaL says:

    Land
    Hadaad dawlad tihiin maxaad ku falaysaan shahaadada Somaliya ee suuqa bakaaraha lagu iibiyo kkkkkkkk

    Somalidu malaayan sanaa

    Dalmida

  7. Kalsame says:

    Lop

    Waa kuugu dhaaran karaa inaad Farmaajo ku diiddantahay kaliya beeshaa uu ka dhashay… Waxba geedaha foodda ha ku qaban ee bareerahaaga caddayso jaalle…

  8. Land of Punt says:

    Mr Bahal
    20 sano Puntland waxbarashooda waa meelaha Somalia ugu horeeyey.
    Caddayn waxaa ii ah, ciyaal dugsi sare uga baxay Puntland ayaan ka bixiyey aniga jaamacado ku yaala Indonesia, Malaysia, Addis Abeba iyo Kambala..
    Maanta Nairobi mid la igu yiri wax ka caawi…
    India mid loo diray in ka dabaashay war kama hayo.
    Maanta waa takhadir, electronic Engineers, Social workers…..eray been ah kuuguma darin..
    marka ma Goodax/Farmaajo ayaa macne ku fadhiya in aqoon ka hor istaago.. Miskiin.
    Taas waaba waxa Federal ugu dhaganahay…run
    Dee ha haysto Shahaado bug ah..calooshiisa na tusay iyo in laga tashado muhiim tahay….Waa daanyeer aqli xun..
    Allow kuwaas irsiq hanoogu dhiibin…
    Daanyeer qabiil dardaray.
    I am proud in lacagtaas iga khasaarin oo dad dalkooda iyo dadkooda afacay noqdeen maanta.
    Walaahi mid ka mid wuxuu igu yiri: Lacagta xajkaaga anaa bixinaya……UN u jooga Asia dalka ka mid ah.
    Run.

  9. Land of Punt says:

    Mr Bahal
    20 sano Puntland waxbarashooda waa meelaha Somalia ugu horeeyey.
    Caddayn waxaa ii ah, ciyaal dugsi sare uga baxay Puntland ayaan ka bixiyey aniga jaamacado ku yaala Indonesia, Malaysia, Addis Abeba iyo Kambala..
    Maanta Nairobi mid la igu yiri wax ka caawi…
    India mid loo diray in ka dabaashay war kama hayo.
    Maanta waa takhadir, electronic Engineers, Social workers…..eray been ah kuuguma darin..
    marka ma Goodax/Farmaajo ayaa macne ku fadhiya in aqoon ka hor istaago.. Miskiin.
    Taas waaba waxa Federal ugu dhaganahay…run
    Dee ha haysto Shahaado bug ah..calooshiisa na tusay iyo in laga tashado muhiim tahay….Waa daanyeer aqli xun..
    Allow kuwaas irsiq hanoogu dhiibin…
    Daanyeer qabiil dardaray.
    I am proud in lacagtaas iga khasaarin oo dad dalkooda iyo dadkooda afacay noqdeen maanta.
    Walaahi mid ka mid wuxuu igu yiri: Lacagta xajkaaga anaa bixinaya……UN u jooga Asia dalka ka mid ah.
    Run.

  10. Land of Punt says:

    Kalsame
    Haddaad aqli leedahay, Farmaajo kuma taageerteen in Mareexaan yahay.
    Muxuu Maxamed Siyaad uga dhintay Gedo ama Caabudwaaq? xutaa jid jaay ah ma u dhisay?
    Haddaad aqli leedahay in gobolkaaga nolosha Xamar taal ama taalay waagi Kacaanka ka samysato ayaad fahmi lahayd.
    In Xamar dhisanto oo caasumad adduunka la tartanto noqoto cidna ma diidana, waxaa la diidan yahay waa: dumiya dalka inta kale oo lugooya..cidda idin diida dila oo dabadhilif ku shaabadeeya.
    Waa haddii la idinka yeelo, yaa lagu celinayaa wadadii qodxaha badnayd oo lagu hoogay.
    Farmaajo waa daanyeer buugii Kacaanka oo jeexjeexan wata…..
    Car Baraxley iisoo dhaafa.😎

  11. NuurkaNederland says:

    WAA SHIMBIRAYOHOW HEESA,IIDHEH & IGU SAWIR.
    SHIRKAANA WAX FAA’IIDO AH OO INOOGU JIRA MA JIRTO!!!.
    IN LA SHIRO OO CADAALAD LAGA SHIRO WAXAA KA FIICAN IN TOOS LOOLA XISAABTAMO SHAQAALAHA WAZ.CADAALADA HOOS TAGA.
    SHIR WAXBA KUMA HAGAAGAAN WAANA IIDHEH.
    WAXAAN ARKAA IN CIA,MI6,NISA & ALSHABAB WADA SHAQAYTAAN MADAXTOOYADUNA OGTAHAY.
    FARMAJO WAXAAN LEEYAHAY:
    FARMAAJOOW SHACABKA BEENTA KA DAA!!!.HADII LAGU YEESHAY,ANAGA LAMA YEELAN KARO,MID NAGA SII LIITANA NALOOMA DULEYN KARO!!.

  12. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Akhyaarta BARXADDA Kalshaale WAXAAN weydiina, WADDAN aan rajjo lahayn Miyey Dawladaha adduunku u soo dirsan lahaayeen SAFIIRRO? Bal suàaashaa kaliya isweydiiya. WBT




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!