MUUQAAL: C.raxmaan Cirro “Muuse Biixi ha soo bandhigo Waxay Farmaajo kawada Hadleen”

Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Hargeisa dib ugu soo laabtay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani C.raxmaan Cabdillaahi Cirro, Wuxuuna Muuse biixi ugu baaqay inuu ka Warbixiyo Kulankii uu la qaatay Madaxwaynaha DFS .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

 “Kulanka Farmaajo iyo Muuse anagu Qayb kamaanu ahayn, Balse wuxuu yahay Waajibka saran  Madaxwaynaha inuu Shacabka si daah furan ula wadaago”. Ayuu yidhi C.raxmaan Cirro

Wuxuu sidoo kale sheegay in Wadahadalka DF Somalia iyo Somaliland   loo baahan yahay inay Qayb ka noqdaan Xisbiyadda iyo Gobolada kala duwan ee Somaliland.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay kulan uu la qaatay dhowaan Muuse Biixi kaasi oo looga hadlay Muranka Mudooyinkii dambe ka taagnaa Somaliland ee la xidhiidha Gudiga Doorashooyinka, Wuxuuna sheegay inaysan waxba iska badalin Go’aankii Xisbiyaddu ay qaateen.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Hayaan says:

    Asc

    Maxay kawada had leen oo meesha yaala aanka ahayn Midnimadda Soomaliya waayo waxaa lagu Hungoobay wixii aad oran jirteen ((ICTIRAAF)) 30 sano ayay Sanduuq ku xidhnaayeen ilaa dhalin yaradoodii ay u hayaameen Muqdisho qaarna badaha Iyo Saxaaraha ku dhamaadeen intii hadhayna gidaarada Hargaisa ayay Busaarad la taagan yihiin.

  2. Hayaan says:

    Mr Ciro iska daa waxay kawada hadleene waxaad kawarantaa 8 dii qodob ee BUURTA Gacan libaax ay kasoo saareen Garxajis?! Iyadoo kuwa ugu adagi ay ahaayeen jaanibka Habaryoonis.

    Riyo raacse ma laga saaray gudigii Doorashooyinka fake ga ah ee SNM? Buurmadoow wuu ka dhabeeyey dhaartiisii ahayd Riyo Raac lama taaban karo ama qalayl ku liqa ama qabow ku liqa Sank ayaa idiin daloola waxaasaa Dowlad ah.




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!