Madaxwayne Farmaajo oo Raaligelin ka Bixiyey Dhibkii Gobolada WAQOOYI gaadhay, Kadib kulankii Biixi [Muuqaal]

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Farmaajo, Ayaa Cudur-daar iyo Raali galin ka bixiyay  Xasuuqii ay dawladdii Milatariga Soomaaliya uu Hogaaminayey  Maxamed Siyaad Barre u gaysatay Shacabkii  gobolada Waqooyi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne  farmaajo ayaa cafis ka dalbaday shacabka Somaliland isagoo maanta khudbad ka jeediyay Shirka Garsoorka oo maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho.

“Wixii Waqooyi ka dhacay ma ahayn Koofur oo wuqooyi ku duushay,wax qabiil ku saleysanna ma ahayn,waxay ahayd Nidaam Dowli ah oo markaas jiray, Anigoo madaxweynihii Qaranka ah inaan cudurdaarkaas sameeyo oo aan gaadhsiino walaalaheen, Idinkuna aad ila qaadataan ayaa loo baahan yahay”ayuu yidhi Madaxwayne Farmaajo.

Isagoo hadalkiisa sii wata isla markaana xoojinaya raaligelinta ayuu ku daray “Madaxweyne ahaan cudur daar ayaan ka sameynayaa waana ka raali galinayaa dadka dhibku ka soo gaadhay nidaamka dowliga ah”.

Hadalka kasoo yeedhay Madaxwayne Farmaajo ayaa imaanaya iyaddoo maalin kahor uu caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kula kulmay Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 25)

  1. warsame Guutaale says:

    Hadeee waakaa gudooney haduun nahay gobolada waqooyi
    hadee majeerteeniyana ka raaligeli wixii loogeystay ee adeerkaa ugeystay Madaxweyne

  2. Dabshid says:

    Haddaad heysaa Tubtii HAG Congress.

    Maanta ayaad u muuqataa Little Leader inkastoo lagu jiro Waqtigii doorashada, horeyna aad hadalo sahlan codka ugu heshey.

    Sikastaba Raaligalintan waa tilaabo fiican
    Haddaad Hargeysa ka degtana waxaan kuu aqoonsaneynaa QAANGAAR QARAN HOGAAMINKARO.

    * Midnimo Guud waaye Tubtey Jeexday Towraddeena.

    F.G
    raaligelintaan Awgeed Dib ayaan u dhigney Marnaalijkeeni Maxey Qabatey Towraddu.

  3. Dabshid says:

    = Barnaamijkeeni

  4. Ismail says:

    Waa geesinimo in Farmaajo ku dhiirado isla markaasna raaligelin ka bixiyo foolxumooyinkii iyo xasuuqii dawlad-ku-sheegii uu hoggaanka u ahaa daaquudkii Siyaad Bare ay u geesteen dadkii deggannaa Gobolladii la odhan jirey Waqooyiga Jamhuuriyaddii Somaliyeed. Waxaan ku kalsoonahay in raaligelintaas uu Farmaajo bixiyey ay bog cusub oo lagu wada hadlo furi doonto, waayo, markii hore waabay dafirsanaayeen xasuuqii iyo burburkii ay u geesteen dadka reer Somaliland.

  5. sOmalilander says:

    Dr Abiye Ahmed baa Intaas usooo dhiibay EYAHIISA … saan ufahmay .. markaa your apology will never ever accepted!!

    God bless Somaliland!

  6. Oday jaamac says:

    YAA LA RAALI GALINAYAA

    CIDII DAD LAYSAY XISAABBAA SUGAYDA
    SHAADKAAD DOONTO GASHANOOWE DAWLAD, DABADHILIF AMXAARO,JABHAD AMA MUCAARAD KALE . NIN WALBA WUXUU FALAY WAA SUGAYDAA
    SHEEKO SIYAASADEED ALLE AGTIIS MA KA SHAQAYSO..

  7. Oday jaamac says:

    SHEEKADA HARGAISA TAALA SIDAAN U FAHMAY
    DANAHA HAL QOYS BAA LAGU QARIYAA TABASHADA
    LA SHEEGO, WAXAN DHAGAYSTAY AAYATULAHA
    REER AWDAL OO GOOB JOOG KA AHAA XASUUQ
    LAGA GAYSTAY BOORAME 1991 KII, MIYAAD MAQASHEEN WAX SIYAASI XASUUQAAS KA HADLA
    MUUSE AMA MID KALE OO KA HOOSEEYA??..

  8. Dabshid says:

    Somalilander

    Raaligelintu waxey ku socotaa
    Relatives of dictator’s victims

    Not

    Political Activists

  9. Leopon says:

    Goboloda waqooyi waxaa laysku yidhaahdaa 5 gobol SOOL.SANAAG TOGDHERR. WAQOOYI GALBEED. IYO AWDAL.iminka raaligalintu waxay ku socotaa 5 taas gobol oo ay degaan (8) beelood. Somaliland ayagaa loo yaqaan. Waxaan lasoconaa 8 daa beelood beel kamid ah iyo dawladii dagaal qadhaadh dhexMaray 7 beelood oo kale iyo goboloda kale dhib masheeganayaan.waa in beeshaas laraaligaliyaa iyaguna ay raaligalin bixiyaan dhibkii ay gaysteen iyo qarankii ay dumintiisa qayb ka qaateen.hadaan run loo wadahadlin waligeed lama dawoobi doono.

  10. Zaki says:

    Waa arrin wanaagsan ka garaabidda dhibkii nidaamkii milaterigu geystay,keentayna in arimuhu sidan ahaadaan 30 Sano kadib,waxbase soo kordhin mayso,mana jirto riyo midnimo oo suurtoobaysa mar labaad.

    Doodda Somaliland way caddahay,halkeediina bay ahaan,waxa keliya ee laga wada-hadli karaa waa kala gurasho arimaha yar ee isaga keen xidhan,su’aashu se waxay tahay xiligan ma tahay xiligii ku habboonaa,mana tahay Maafiyada 2-aad ee Somalia ka jirt ee N&N wax wada-hadal lala galo kadib markay u caddaatay inay ku jabtay dagaalkeedii ku waajahnaa Somaliland,wakhtigiina ka dhamaaday????

    Maafiyada 1-aad waa macruuf ayaan filayaa
    Kkk

    Is-dhiibid bay taagan tahay Maafiyadii la waardiyaynayay

    Abiyow ila kulansii Muuse Biixi !!
    Kkkkkkkkkkkkkkkk

  11. Idoor Liqe says:

    Aabe Farmaajo waa inuu dhaha Gobolada half Togdheer iyo Gobolka waqooyi Galbeed ee Hargiesa . Gobolada waqooyi Sool iyo sanaag baa soo Galeysa !!!!!

  12. Waran says:

    Qofka bini-aadamka ah waxa deeqa waa gartaa iyo raali noqo. Cida la raali geliyey waa intii dhibanaha ayd laakiin afku dhiiglayaashu kuma jiraan.
    Dhibtii ka dhacday Burco iyo Hargaysa labadii garab ee sababta u ahaa garab tiisii qaaday garabkii Muuse ayaa haray. Mudo waxa dhegeystay warbixin BBC somali ka siidaysay oo lagu waraystay Axmed Siilaayo iyo Axmed Mirre, sidaan qorshaynay ayey wax walba u dhaceen ayey isku raacsanayeen. Waraysigii Youtube ka ayaa laga heli.

  13. Ismail says:

    Qodobbadii furaha u ahaa wada hadallada mid ka mid ah ayuu maanta fuliyey Farmaajo, waxaase u hadhsan kuwan soo socda:
    1) Inuusan dafirin aqoonsadana in Somaliland iyo Somalia ahaayeen laba dal oo isutegey 1.7.1960kii kuna midoobey magaca “Jamhuuriyadda Somaliyeed ama Somali Republic” not Somalia repeat not Somalia.
    2) In reer Somalia yaqiinsadaan in dadka Somaliland xaq buuxa u leeyihiin gooni isutaagga iyo haddii ay cid kale la midoobayaanba.
    3) In wada hadalladu noqdaan fagaare caalamku goobjoog iyo marqaadiba ka yahay isla markaasna ka garniqi karaan.
    4) In go’aanadii hore loogu heshiiyey Somalia dhaqan geliso.
    5) Iyo iyo …….

    Somaliland warkeedu waa cadyahay mana laha warwareeg iyo shuqul maafiyo.

  14. Barwaaqo says:

    Wuu iska hadlay! Talo ayaa ku cadaatay oo runtu ka dhuumanayey ayaa farta laga soo saaray. Somaliland dib ugu soo noqon mayso midawgii lagu halaagmay.

  15. Caamir says:

    Beedha Isaaq iyadana Waa Ineey Raaligilin bixisaa Kaasoo Ah Iney Qaran Dumis Yahiin

  16. Ali Zubeer says:

    Asa Akhyaarta

    Waar Farmaajo waa uu khaldamay wuxuuna ku dhacay beentii Iidoor waana nin fikrad gaaban.

    Iidoor dhibka gaadhay kama duwana

    * dhibka ay ka gaysteen gayiga Soomaalida iyagoo gaalkii saanacadda Ingiriis rukuub u ahaa

    * Xasuuqii ay ka gaysteen gobollada woqooyi

    * Xasuuqii ay ka gaysteen xeryihii qaxootiga sida saba cade iwm iyagoo dilay in ka badan boqol kun

    * Xasuuqii ay ka gaysteen gobolka Awdal

    * Xasuuqii ay ka sameeyeen gobolka Sool

    * Xasuuqii USC ka gaysteen koonfurta Soomaaliya

    * Xasuuqii ay dowladda ku qaadday puntland

    * Inay soo raaceen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Xabashida

    * Dhibkii lagu sameeyay reer Jubbaland

    * Xasuuqii Death City ee Baydhaba

    iwm

    Marka cudurdaarka Farmaajo waa mid isaga ku kooban oo aan matalin waddaniyiinta Soomaaliya.

    Soomaalidu way is wada dishay. Waxaana loo baahan yahay in gogol qaran la dhigo oo si dhab ah loo xisaabtamo. Looma baahna raalli gelinta beel gaar ah oo qarannimada iyo midnimada Soomaaliya dhaawacahaya.

    Iidoorku haddii ay ciyaartan khiyaali ah sii wadaan waxaa dhici doontaa in ciidamada Soomaaliya ku dhaanteeyaan Hargaysa.

    Diidnay cudurdaarka Farmaajo on the expenses of the Somalia territorial integrity.

    Nin war hayaa hakuu warramo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  17. Khalil says:

    Malaha dhibka uu isagu ugaystay intuu xafiiska joogay buu ka cudur daaranayaa, ileen tiisaaba yarayne.

    waxaa hubaal ah,tii siyaad haduu qirsanaan lahaa inuusan culays kale ogusii dareene,damqasho iyo naxariis laga arki lahaa intuu xafiiska joogay

  18. Garqaad says:

    Waaaw waa soo dhawaynayaa hadalka madaxweynaha. In laysu garaabo waa muhiim.

    Ninka rabo in uu xukumo goof hiraab waa ku qasban yahay in uu maro wadadii sheekh shariif iyo xasan sheekh.

    Hambalyo mudane madaxweyne.

  19. Wadaniboy says:

    Gadabuursi dhulbahante goormaa jegaanta raali galin cajiib cajiib. Kalshaale dila boorama lascaano yube tukaraq burtinle garoowe gaalkacyo waxa dhib ugaysatay sarakisha isqa. Marka see wax yhiin see wax loosax a waa run 77 kadib snm ssdf usc iyaga cadawga utagay ee dhibka dadka wa wada gaaray. Wardadkaan waxbaa ka khaldan.

  20. Mr BaHaL says:

    Muuse wuu is-dhiibay.Ilaa maalintii uu u isku qaaday Guinea Conakry ee uu qaylada bilaabay wixii ka dambeeyay wuxuu ku jiray Go’doon siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

    Wadanka ku yaala africa oo qaabilayaa ma jiro wax la yidhaa somaliland – xataa carabaha kuma dhacaan.Emaaraatka ayaa u dambeeyay oo raba inay la heshiiyaan somaliya.

    Muuse wuu is-dhiibay oo wuxuu qaadayay “- aar Formaajo ii geeya”.Waa sax inuu sidaa sameeyaa.Saa xal kale ma jiro oo dawlada somaliya ayaa wadanka somaliya ka masuul ah.Sheekada qayilaada ee Hargeisa arinkii wuu dhaafay.waxaa hogaanka haya Wiilashii uu wax soo baray Kacaankii Jaale Siyaad.In la gaabsado oo marka ay safarka ku jiraan meelahaa dhexda loo joogsado waa lagu qasabyahay.

    Adis ama Nairobi in loo istaago waa lagu qasban yahay – saa wadamadaasi laguma tagi karo si kale.

    Intaa waxaa dheer in runta la wajaho oo Tuugta ku habsaday degaanada somaliyeed – halka ay doonaan ha ahaadaane waa soa dhawaynayaa.

    Dalmida

    Caydii Formaajo iyo Baqabqadii way soo gudhay.Meesha waxaa maraya nin yaqaana luuqada siyaasada ee aduunka.Islaamo laga oohiyo iyo waa lana dilay maaha wax dadka lagu qaldikaro.

    Intaa waxaa dheer waxaybaao badan.

    Somaliland waxaa ku yaalay dhawr Airportd 1990-kii,intuma way shaqaynayeen.Maanta waxaa shaqeeya Hargeisa Airport oo kaliya,isna maalin wuu xidhan yahay maalin wuu furan yahay waxa ka soo degaa.Bilihii u dameeyay wuuba iska xidhnaa inta badan.Dhalinyartii Somaliland waxay u yaaceen Muqdisho.Musse inuu is-dhiibo oo uu qaylada yareeyo dan ayuu mooday.
    Anyway,runta in indhaha lagaga dhufto Tuug kasta oo Tulo ku habsaday waa soo dhawaynayaa.

    Xidhibaan Nacnacbaa yaabay kkkk

    Dalmida

  21. C/Raxmaan says:

    Farmaajoow isoo raaligeli anigana , waayo adeerkaa ayuu ahaa Jaalle Siyaad ! Waxuuna igu kalifay inaan ka qaxa iskuulkeygii iyo Kuuseydii aan la cayaarijiray .
    ” Mental trauma “

  22. Laalays says:

    Bacaac. Wax raali gelina oo aanu ka aqbalaynu mariidkan la haystaa ah ee Farmaajo. Yuu metelaa ee raali gelinta ka bixinayaa? 100% waan hubaa in Axmed Ibiy intaan warqad ugu qoray kuna amray inuu raali gelin bixiyo!

    Raali gelin taa anoo ah mr Laalays ayaa calaa duul teneg xashiish ka ugu riday!
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  23. Laalays says:

    C/Raxmaan

    kkkk

    Adiga Siyaad abaal buu kuu Qalay haduu ku qixiyay. Hadaanad qixin waxaad la mid noqonlahayd qotidan amxaaradu rarato, mara yidhaa waa dhaantaynaynaa madaxa ruxa.

    Lol

    kkkkkkkkkkk
    kkkkkkkk
    kkkkk
    kkk
    kk
    k

  24. Kalsame says:

    Waan soo dhawaynayaa in uu Head of State Official Apology siiyo walaalaha waqooyi, waxaa sugnaaba waa inuu Hargaysa ka dego oo geeyo calanka buluugga ah siday iyaguba u keeneen Muqdisho…

    Waa tallaabo xagga midnimada loo qaaday…

  25. Wadani says:

    Waxa la yaab ah Qof qarankii Dumayay oo Dadkii Xasuuqay inuu hadana u dhaqmaya Kaligii talis kuna faanaya inuu wax laayay hadana laynayo
    Rabana raali galin oo waliba isla saxan,
    Soomaali uun baa lagu arkaa noocaas??!!!!




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!