Khilaafka Alshabaab oo Xoogaystay iyo NISA oo Xog Cusub shaacisay Maanta

Muqdisho ( Kalshaale ) Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa qoraal cusub oo ay maanta soo saartay ku sheegtay” inuu xoogeystay khilaaf ka dhex taagan kooxda alshabaab.”

Qoraal kooban oo NISA ayay ku sheegtay in khilaafka labada garab ee Al-Shabaab uu horseeday inuu is-casilo Muuse Macalin (Mucaawiye), oo ahaa madaxa amniyaatka Al-Shabaab ee Muqdisho.

Sida ay sheegtay NISA, Muuse Macalin Mucaawiye, oo ah 39 jir, ayaa ka tirsan garabka raacsan Mahad Karataay. NISA ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer.

Qoraalka NISA ayaa ka dambeeyey qoraal kale oo ay baahisay 3-dii bishan, kaasi oo ay ku sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ee xarakada Al-Shabaab, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen xarakada.

NISA ayaa sheegtay in sababta uu Axmed Diiriye u qaaday tallaabadan ay tahay kadib markii ay ka dalbadeen joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!