Ciidamada Maraykanka iyo Maleeshiyaad dagaal ku dhexmaray Dalka Suuriya

Nairobi ( Kalshaale ) Ciiddamada Dowladda Maraykanka iyo Maleeshiyaad deegaan ah ayaa ku dagaalamay Waqooyiga dalka Suuriya,ka dib banaan bax looga soo horjeedo Maraykanka oo ka dhacay Gobolkaasi.

Dagaalkaasi oo ka dhacay Tuulladda lagu magacaabo Khirbet Ammo oo u dhow Xuduudka Degmadda Qamishli ayaa la sheegay in lagu dilay Wiil 14-jir ah, halka Oday kalena lagu dhaawacay.

Milliteriga Maraykanka ayaa la sheegay in ay rasaas fureen, kadib, markii ay Dadka Deegaanka isku dayeen in ay ka dibad-baxaan Kolonyo Gaadiidka Ciiddankaasi  oo doonaya inay gudaha u galaan Deegaan ay Dowwladda Syria maamusho.

Saxafi la socda Milliteriga Syria ayaa waxa uu Muuqaal ka qabtay Diyaarad Dagaal oo ay Maraykanka leeyihiin oo duqeyn ka geysatay Fariisimo ay Ciiddanka Dowladda Syria ku leeyihiin gudaha Degmadda Qamishli.

Muuqaalka waxaa ka muuqday Diyaarad nooceedu ahaa F 15 Jet oo ay Ciiddanka Cirka Maraykanka leeyihiin oo dul martay Deegaanka ay Ciiddanka Maraykanka iyo dadka Deegaanka ku dagaalameen.

Isbahaysiga Maraykanka weli war kama soosaarin Muquaalka Diyaaradda duqeynta geysatay, balse, Afhayeen u hadlay Milliteriga Maraykanka oo lagu magacaabo Mayles Kajins waxa uu sheegay  inay Isbahaysiga rasaas ku fureen dadka Rayidka, si ay isku difaacaan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!