Xiisada Gobolka Gedo iyo Jubbaland oo War Cusub kasoo saartay [Warbixin

Kismaayo ( Kalshaale ) Iyadoo weli xiisad xoogan ay ka taagan tahay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey oo ka mid ah saraakiisha maamulka Jubbaland, Wuxuuna ka digay in dagaal u dhexeeya labada ciidan uu ka dhaco halkaasi.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamadii laga dagaalami lahaa dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay dhufeyso isu jiraan, halkii laga rabay inay cadowga ka difaacaan guud ahaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Gurey ayaa carabka ku dhuftay in la’isku hayo arrimo siyaasadeed, islamarkaana uu rajeynayo in laga gudbi doono, si wadajir loogu wajaho dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaa wax laga xumàado ay tahay in Ciidankii Al-Shabaab la dagaali lahaa ay dhufays isugu jiraan,taasina waxaa sabab teeda ay tahay arrimo la xiriira siyaasad,waxaana rajeynayaa in laga bixi doono si cadawga loo wajaho” ayuu yidhi Korneyl Cabaas Gurey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay ciidanka daraawiishta Jubbaland iyo kuwa dowladda looga baahan yahay inay iskaashadaan, si gobolka looga saaro Al-Shabaab.

Korneyl Cabaas Ibraahim Gureey oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee dowlad goboleedka Jubbaland iyo ciidamo bada oo uu wato ayaa shalay gaaray duleedka magaalada Beled-Xaawo oo haatan laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeeda.

Xiisada ayaa sii xoogeysatay, kadib markii ciidamada dowladda ee dhowaan la geeyey Gedo ay la wareegeen degmooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, Wuxuuna maamulka Jubbaland hada wadaa Dhaqdhaaaqyo ciidan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Somalijecel says:

    @Sarkaal bal dhagayso ninkaan TALXE.Axmed madoobe ayuu u dhimanayaa 700 Talxe iyo 120 M Zubeer ayuu wataa KABSHAR waxay ku leeyihiin qabiil baa lagu diidan yahay Axmed in lakala horeeyo oo qalad la idinku shubay waaba haddaad Cawlyahan MJ ah ahay.
    Dawaladda dalka meel ka mid ah ma tagi karto waa warka federal diidka.

  2. jabhad says:

    Cabaas gurey waa reer kismayo lakiin in mido ah

    Wuxuu adeege u ahaa kenya iyo kikuyo ninkaan

    Waa dagal yahan ku xeel dheer dagalka xuduudaha

    waxaan arka halista soo kordhaysa oo ah in dadka

    Degaanka birta iska asli doonan hadusan caqligu

    Shaqayn

  3. Garqaad says:

    Kismaayo wexey gacanta somalida ka baxday. Markii walaalaha galguduud laga saaray.

    Hadda waa in lagu soo celiyaa gacantii walaalaha galguduud.

    Dirgax dirgax ayaa yaabtay

  4. Somalijecel says:

    @Garqaad abti waa kula socdaa,balse dhaqan Marexaanka ma ahan kan KABSHAR.Marexan hala isu hanbeeyo tanaasulo dhaqan ah bay leeyihiin waxaana wax illahay ugu daray KABSHAR maxaan cunaa,jaajuus u noqdaa.
    Walaalaha Galgaduud hadda masoo socdaan.
    Marexan 99%Ogaden aan la shaqayno ayay qabaan oo u tanaasulno,ankee doorasho ayaan lala galin si ay isugu kalsoonaadaa,marba haddaan madaxii kore nahay,laakiin maya Axmed madoobe waddo qaldan ayuu kusocdaa he must go.

  5. C/Raxmaan says:

    Mooryaan Cabaas adigaa ka qatar badan Alshabaab . Alkuliste waaxid. Waxaad darxumo ugu dhimandoontaa xaduudda Somalia iyo Kenya adigoo waasicwaasic ah . Janan ayaaba ku dhaama . Waayo isagu ( Janan ) Ethiopia ayaa siineysa lacagtiisii hawlgabka ee basaasnimo . Illaa iyo bilowgii sagaashamaadka ayaad dhiigmiiraneyseen shacabka . Udiyaargarooba kalawareegga maalmaha . Markaad isgumaaddaan adinka iyo askar kusheegta kale waxaa meydkiina iska aasidoona oo dhulka u haridoona Alshabaab . Waa sida aad wax kuwadaan !
    ” Last Call “

  6. Sargaalka says:

    Somalijecel:
    Dadkan waa walaalo, waxan waa iska siyaasad wayna iska dhamaaneysaa, wax is dagaalayna ma laha haduu ALLE idmo.




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!