Wararkii ugu dambeeyay Kismaayo iyo SEERAAR oo Hubka Qaatay [Warbixin]

Kismaayo ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Kismaayo  ka taagan Xiisad ayaa ka taagan Xiisad Colaadeed, Kadiib markii uu maanta dagaal dhexmaray  ciidammada amniga ee Jubbaland iyo ciidammo taabacsan Cabdinaasir Seerar oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha Jubbaland, Kana mid ahaa Musharixiinta Isbedel doonka ah.

Dagaalka oo markii hore socday Muddo Kooban, ayaa Mar kale dib u Bilowday, sida ay sheegeen Dad ku sugan gudaha magaalada Kismaayo, Waxayna xiisaddu ka dhalatay markii dad taageersanaa siyaasiyiinta mucaaradka ay isku dayeen inay dibadbaxyo ka dhigaan gudaha magaalada.

Wararka waxay sidoo kale sheegayeen in dadka isu soo baxa dhigayay ay la socdeen ciidammo taabacsan Cabdinaasir Seerar.

Arintan ayaa kusoo beegan tahay iyadoo Ciidamada Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ka Amar Qaatay ay maanta  si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo , Xili la filayey inay  halkaas ay gaadhaan wafddi uu hogaaminayo danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto oo Kulan la qaadaya Axmed Madoobe.

Dagaalka ayaa ka dhacay Xaafada Siinaay ee Magaaladda Kismaayo halkaas oo ay daganyihiin Xubnaha ka mid ah Isbadal doonka Maamulka Jubbaland oo uu Ka mid yahay Cabdinaasir Seeraar.

Sawir goordhowayd lagu Faafiyey Baraha Bulshada ayaa Muujinaya Cabdinaasir Seeraar oo Qaatay Hubka, Siduu u difaacno Naftiisa.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Sargaalka says:

    Kalshaale:
    Beenta jooji, wax hub qaatay iyo wax is dagaalay ma jiree ha noo sheegin saa jeceshay.
    War Axmed iyo Seeraar waa ilma adeer mana dagaalamayaan ee taa ogsoonow.




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!