Madaxwayne Farmaajo “Walaalkay Siciid DENI, Dhowr jeer ayaan idhi hana Dul marin ” [Waraysi]

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Waraysi  Xiiso badan siiyey Telefishinka Universal ayaa uga hadlay Arimo kala duwan oo la Xidhiidha Xaalada Dalka iyo Khilaafka kala dhexeeya Maamulada.

Waraysiga oo dhowaan la baahin doono, Islamarkaana uu soo baxay Hordhiciisu ayaa Madaxwayne Farmaajo Wuxuu ku sheegay inuu Madaxwaynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni Dhowr jeer Casuumay, Islamarkaana uu ka codsaday inuu yimaado Muqdisho, oo aanu diyaarad ku dul marin.

“Walaalkay Siciid DENI Madaxwaynaha Puntland, Dhowr jeer ayaan Casuumay oo aan idhi  Walaaloow hana Dulmarin,  ee Bal mar nagu soo deg oo aan Wada fadhiisano”. Ayuu yidhi Madaxwayne Farmaajo.

Arimaha Amniga ayaa wax laga waydiiyey Madaxwaynaha, WUxuuna sheegay inay Muddo kooban doonayaan inay kusoo Afjaraan Cadowga dadka Soomaaliyeed dhibaatada ku haya.

Arimaha Doorashooyinka soo coda iyo Sida ay Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaruhu u Waji doonaan iyo Su’aalo kale ayaa la hordhigay Madaxwyane Farmaajo.

Waraysigan oo Xiiso badan Xambaarsan ayaa la baahin doonaa Habaynka Khamiista ee 13-ka Bisha hadii Alle idmo.

Kala soco Kalshaale  Warar Sugan iyo Suugaan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Dabshid says:

    3 Sano ayaad awoodiweyday inaad Tolkaa Taageero kakeeno, Tayo iyo Tacab waligood maheyne

    3 Sano ayaad awoodiweyday inaad tolkaa LEADER u noqoto, ileen reer Xididkaa waxay kugu aamineen SEDEXDII TIIR DOWLO
    (Dhulkii, Dheeftii iyo Dhalaankoodii)

    3 Sano ayaad ALMIINO Dhihiweyday, GAAL MADOW OO DHIGEYGAA TOLOW HA U FOOXINE, aniga I xushmeeya

    – Adna Madaxweyne maahid Leader
    – Ayaguna Tolkaa maahan Wadaniyiin
    – Dhulkooduna maleh Caasimad CADKA RAG ISKU RAACO – ku celiso

  2. Kacaanboy21 says:

    Kacaankii jegaanta snm ssdf wuxuu ku aran jiray. Joojiya inqilab. Joojiyaan cadawga aad utagaan. Way diideen. Kadib usc habargidir. Ogadeen spm casawgi utagay ilaa wadankii noqday sida 45 sano kahor aabo siyaad shegay. Waxaan xusuuta balanbal iyo galdogob dagaalkii ugu kululaa lagu jabiyay cidanka mingiste. Waxa turjubaan uhaystaan snm ssdf iyo kuwa ogadeena. Kadib. Sarkiisha somali is dharsadeen. Waxa a gaalka lagu dilay 150 cidanka mingiste. Kadib xabadaha kadhamaaday cidanka somaliya gacanta ayaa laisula tagay sarakisha somaliya. Xaalada ku xumatay. Garadaha way iska jareen si hadii la qabto aan loo garan. Kadib 25 kamida sarakiil sarakiil xigeen qabteen in kastoo binadkaa ay askar badan kula yeen. Markii la qabtay. Waxa shegsyay sarakisha darajadiisa ssdf. Yo kuwa kuwa ogadeena oo cawaana. Halkas ayaa ugu waedabbaysay. Mingiste wuu kaxaystay waxase igu maqlaa. Inta xidheen gawaraceen. Cidanka mingiste degaanka maysan kala aqoon. Ogada soMali waxa halkaa dhigay sarakiishii cadawga utagay. Oo qabiilka baray dawaladaha dariska aabo siyaad daacad buu ahaa qabiilo laandhre is mooday markii xilka laga qaado ama inqilab sameeyaan oran jireen yaa toleheey. Iyi carar cadawga loo tago.olaa maanta wakaas farmaajo oyo kheyre baryayan kaalaya wadanka badbadiyo. Cilada ba ifiirso cabdiraxman cabdi shakuur fiqi mahad slad. Dani galmudug. Jegaanta snm. Wali wxataa taganyihiin. Jabhad baan ahaan jiray imraad tikreega kinya ucararaan. Ogada wadamada mucaradka oda way ka fanaan inay simaliya yimadaan wadankooda u jaajuusa n.qalbidhagax. miyirsan ogayn 63 77.onlf somali wada bunurtay saa waba asagoo nool waxay kadhigteen in lagu awrkacsadeen. Mucaradka. Tariikhda xumada. Dhulbahante lagumaysto. Jegaanta. Shilimadka loo tuuro. Puntlabd xorayn wayday saamaba rabaan. Waxay rabaan inay duloobaan snm ssdf. Labada dhinac ka xukumaan. Waligood kadhigaan laangaab. Lagumaysto tarikhdooda raga kale shegtan ku baryo tagaan besha caalamka. Ashabaab amison. Kinya ethiopia dhamaan unagayeen. Onlf laayay waxa farxi jiray puntland iyo jegaanta. Kkkkkkklk.

  3. Oday jaamac says:

    DANI WAA UBAAHNAA DOOD LA FURO IYO
    FARIIMO HAWADA LAYSU MARIYO, GOODAX
    WARKIISAA MASHQUUL KA DHIGAYE,

    N&N KALSOONAA KA MUUQATEE MAXAA LOO SHEEGAY MA OROMAA KU TARMAYDA DALK??

  4. xaange says:

    “Nimay meeli butaa isagay bebeshaa”
    Isagoo lagu soo koriyey laguna soo habay caano lagu qasay cadaawada deegaanka iyo dadka Deni kasoo jeedo ayuu hadana ciil iyo cadho kasii qaaday aadistii Kismaanyo ee Madaxeyne DENI.

  5. Kalsame says:

    Xaange

    G.Mudug sidii loo dhisayba milixdaa idinku kacsan, waan dareemi karaa xanuunka iyo kaarka ay leedahay in check mate lagu dhaho…

    Habar biish baa laydinku dilay Jaalle…

  6. NuurkaNederland says:

    DENI WAA UAE TUUL AY LEEDAHAY!!!
    MARKAA FARMAAJO TOOS HA U ABAARO UAE HADII KALE HAYSKA AAMUSO.




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!