Madaxwaynaha Turkiga “Dhulka iyo Cirka ayaanu ka Weerari doonaa Ciidamada Suuriya”

Ankara  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Militariga dalkiisa ay cirka iyo dhulka uga weerari doonaan meel kasta oo ay ku sugan yihiin ciidamada Syria, haddii askari oo kale Turkish ah ay waxyeeleeyaan.

Erdogan ayaa sheegay in Turkey ay ka go’an tahay inay ciidamada dowladda Syria ka durjiyaan goobaha kormeerka ee gobolka waqooyiga galbeed ee Idlib, ka hor dhammaadka Bisha Febraayo.

Waxa uu uga digay ciidamada mucaaradka Syria ee xulufada la ah dalkiisa, inaysan siin ciidamada dowladda Syria cudurdaar ay kusoo weeraraan.

Rabshado ayaa ka socday gobolka Idilb oo ku teedsan xuduudda Koonfureed ee Turkey toddobaadyadiii tegay, ayada oo ciidamada dowladda oo ay taageerayaan Russia iyo Iran ay qabsadeen dhulal badan.

Turkey oo xulufo la ah qaar ka mid ah mucaaradka kasoo horjeeda dowladda madaxweyne Basha Al-Assad ayaa Talaadadii qaaday weerar jawaab ah kadib markii ciidamada Syria ay duqeymo ka dhacay Idlib ku dileen 13 askari oo Turkish ah, 10-kii maalmood ee tegay.

“Haddii dhaawaca ugu yar la gaarsiiyo ciidamadeena, waxaan halkan uga dhowaaqayaa inaan ciidamada Syria ku beegsan doonno meel kasta,” ayuu yidhi Erdogan.

Xiisadda Idlib ayaa sidoo kale dhaawacday xiriirka Ankara iyo Moscow. Wakaaladda wararka TASS ee Syria ayaa maanta sheegtay in Erdogan iyo Putin ay ku wada hadleen taleefonka iskuna raaceen inay sii wadaan xiriirkooda Syria.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. NuurkaNederland says:

    SURIYA WAXAY NOQOTAY MEEL LAYSKU KALA BIXIYO,
    NATO,RASHIYA,KHALIIJKA,YUHUUDA,TURKI,MASAR,INTUBA KUMA JIRO MID AAN SURIYA DHIBIN.
    LKN,INTA YAR EE KASII IFAYSA WAXAA BADBAADIYEY PUTIN,
    PUTIN WAA NINKII XAAQAY ISIS-tii AY ISRAEL SOO BACRIMISAY!!!.
    MAALINTUU PUTIN SOO GALAY SURIYA BAA ISIS UGU DANBAYSAY.YUHUUDIGII ISIS-ta HAYSTAYNA EE MAGACA BEENTA AH WATAY EE ABUBAKAR ISKU MAGACAABAY WAA “ELLIOTE SIMON” MA DILIN TRUMP EE MALAHAYGA WUXUUBA KU NOOL YAHAY ISRAEL GUDAHEEDA!!!.SIDA OSAMA BEN LADENBA UGU NOOL YAHAY ‘BAHAMAS’.




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!