Dagaal u dhexeeya Ciidanka Seeraar iyo kuwa Axmed Madoobe oo ka socda Kismaayo & Safiirka USA oo ku sugan

Kismaayo ( Kalshaale ) Magaalada Kismaayo Waxaa ka socda dagaal u dhexeeya Ciidamada  Maamulka Jubbaland  ee Axmed Madoobe Hogaamiyo iyo ciidan taabacsan Cabdinaasir Seeraar oo ka mid ahaa Golihii Is bedel doonka Jubbaland, Islamarkaana sheegay in loo doortay Madaxwaynaha Jubbaland.

Dagaalkan ayaa yimid xilli maanta ammaanka magaalada Kismaayo si aad ah loo adkeeyay, iyada uu booqasho ku tagayay Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka  Soomaaliya  Donald Yamamoto.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu ka dhashay waddo ay xidheen Ciidamada Amniga Kismaayo, waxaa la sheegayaa in xidhitaanka wadada uu sabab u yahay isku dhaca labada Ciidan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in is rasaaseynta ka socotay dhanka guriga uu degan yahay Cabdinaasir Seeraar oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii hore ee Jubbaland ciidamo ilaalo ahna ku Heysto halka uu degan yahay.

Dhinaca kale waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku sugan oo kulan uga socdaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta booqasho ku tagay magaalo Xeebeedka Kismaayo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 18)

  1. Dabshid says:

    Waa in lagu celiyo Xeryahii Qaxootiga ama wiilashii Galmudug la geeyo Kismaayo.

    Sikale oo Kismaayo looga saarikaro Kuukuuyo maleh.

    * Aqli Gaaweeto iga dheh

  2. Adam says:

    Saaxiib kuma fahmin wakhtiga g/mudug waa la soo dhaafay gudoomiye seeraar waa somali u dhashay juba waa muwadin somali ah dadka in uu hogamiyo xaq u leh wakhtigii dhixulaysada waa dhamaaday

  3. xaange says:

    Dabshid
    Riyo hadday badhi leeyihiin dabadooda ayay ku dadan lahaayeen.
    Kismaanyo inta aadan ka hadal horta
    Xabsi guraga reer muqdisho ku jiraan iyo dhakxaanta wadooyinka ha la iga qaado dheh.
    Labada canshuurood ee shabaab iyo dowlada mid ha la iga dhaaafo dhex.
    Shabaab oon deegaanka aad ka timid haysta yaan wiilashayda gedo loo qaadin oo daarood wax kala riixanaya lagu layn dheh.
    Bahdilaada siyaasiyiintayda halaga daayo dhe.
    Batroolka dhulka maamulada hawiye ee la xaraashayo sharcigana loo samaystay boobka hala joojiyo dheh.
    Sankadhuudhiga nagu mushaar qaata hablihiina wada meher xaday ma gayaane gurigoodii halagu celiyo dheh.
    Labada qowsaa,Qatar iyo qodbasireedka Fahad Yaasiin ma ku qanin dheh.

  4. Ahmed Najaad says:

    Dabshid
    Meeshaas daarood ku isku haysto maxaa ku daba dhigay.
    Ma arligaad dhul aad sheegato ka wayday kkkk

  5. Somalijecel says:

    War weyn ma ahan waa ciidan kala shakiyay.
    Sidoo kale cadayn ayay u tahay in Jubaland maamul ka jirin waana lagu aadiyay in la tuso DHUCEEY cilinkan USA in meeshu maamul ka jirin.

  6. Dabshid says:

    Xange

    Kama hadlin Mudug ee Kismaayo ayaan ka hadley, Tukaraq oo ayaa HADAL IYO HIILO KAAGA baahan Boowe.

    20 Miles ha igu sheegine, 1000 miley igala sheekeyso Dabshidow.

  7. xaange says:

    Kismaanyo shir weyn ayaa ka socda u dhexeeya Madoobe ,Yamamoto ,James Swan iyo saraakiin ka socda Africom.
    Kooxda villada oo kaashanaysa Seeraar ayaa si shirkaa tashwiish loogu furo waxay soo qabanqaabiyeen dad mudaharaada.
    Markii ay dad waayeen ayaa wiilashii Seeraar waardiyaha u ahaa tuutaha inta laga soo dhigay dad mudaharaadaya loo ekaysiiyey. Waxayna iska caabbin kala kulmeen ciidamadii jidgooyooyinka dhigay saaka si shirkaa ammaankiisa loo adkeeyo.
    Kuwa soo qoraya dagaal baa ka dhacay Kismaanyo wa kuwii ku hungoobey isku daygaas oo dagaal danka warbaahintaa soo qaaday kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  8. Dabshid says:

    Ahmed Najaad

    Daaroodnimo hadey jirto Laascaanood ayaan ka dareemilaheyn

    Kismaayo waxaa isku heysto DADKA CAANAHA IYO COWDKA KEENO iyo KUUKUUYO KENYA KA SOO DUUSHEY (Kabo- qaad sheegid maleh)

    * Shaxaad doon iga dheh

  9. Dabshid says:

    Harti Daarood Kaftankoodu wuxuu Xirmey 2018, waa hadduu damiir dadnimo KU HADHAY.

    – 6 Bilood oo daarood aruurin ah
    – 6 Bilood oo xoolo aruurin ah

    ” Ayaamahaan ayaan u jeeday DENI oo aruurin HOWLGABKII Dowladdii Kacaanka,
    ‘Aan sugno waa intaas oo ay dhaamaan sidii horee

    – Kismaayo maahan Tukoraq ee Tanaagada iyo Shaxaadka naga daaya

  10. Ahmed Najaad says:

    Dabshid
    Kkkkk
    Bal noo sheeg qolada caanaha keenta oo daarood kismaayo ku haysata oo dagaalkooda laga fadhiyi la’ yahay.
    Mj
    Og
    Mrintuba waa ilma daarood cid kale oo dagaali karta meesha ma majoogtaa

  11. Ahmed Najaad says:

    February 12, 2020 at 5:24 pm
    Dabshid
    Kkkkk
    Bal noo sheeg qolada caanaha keenta oo daarood kismaayo ku haysata oo dagaalkooda laga fadhiyi la’ yahay.
    Majerteen
    Ogaden
    Mateexaan
    intuba waa ilma daarood cid kale oo dagaali karta meesha ma majoogtaa

  12. Mr BaHaL says:

    Waa yaab kkk

    Ogaadeen iyo Kismaayo iskuma eka kk
    Isma qabtaan.

    Meesha waa meel la bililiqaystay.

    Waligeed waxay meel degan oo barwaaqo ah.
    Waa geelinii iska raaca oo meesha nooga taga.

    Codka Somali nation.
    Dalmida

    • Sargaalka says:

      Waa ILLAAHAY mahadii in Ksmaayo uusan dagaal ka dhicin sudeey jeclaan lahaayeen kuwo halkan wax ku soo qora.

      Seeraar iyo Axmed waa labo nin oo ilma adeera, ee shaqo kale yeesha.

  13. Kalsame says:

    Inta Xalka Jubbaland laga raadinayo 1000km meel u jirta wax Jubbaland la yidhaahdo ha sugina… Xalka Jubbaland Geduu yaal, Gedona diidday Jubbaland Garoowe laga hago…

    Seeraar iyo Xiddig ayaa xaq ku taagan marka loo eego A.Madoobe team, waayo waa niman raba in la dhiso Jubbaland la wada leeyahay oo aan caqabad ku noqon geeddi socodka qarannimada Soomaaliya…

  14. Sargaalka says:

    Qaar kamida kuwa halkan wax ku soo qora ayaa jeclaan lahaa inuu Kismaayo dagaal ka dhaco, ILLAAHAY baan ka magan galnay xasadkooda.

    • Sargaalka says:

      Waa ILLAAHAY mahadii in Ksmaayo uusan dagaal ka dhicin sideey jeclaan lahaayeen kuwo halkan wax ku soo qora.

      Seeraar iyo Axmed waa labo nin oo ilma adeera, ee shaqo kale yeesha.

  15. NuurkaNederland says:

    WAXAAN LA YAABAY FARMAAJO SIDAAS UU M/GOBOLADEEDADA ULA DAGAALAMAYO EE UU MEEL WALBA DABKA KAGA SHIDAYO MUU ALSHABABKA & ISIS-ta ULA DAGAALAMO!!!!.
    ULAMA DAGAALAMI KAROO ISIS,ALSHABAB WAXAA WATA CIA,MI6,MOSSAD.iwm.
    FARMAAJO WAXAN LEENAHAY:SHAME ON YOU.

    ISKA JIR:
    CIA,MI6,UNSOM,AMISOM are ALSHABAB’s.
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    AFBUUXA WAXAAN KU DHAHAYAA:
    ARGAGAXISO OO DHAN WAXAY HOOS TAGTAA WASHINGTON DC & TEL AVIV.
    TERRORIST=ANTI MOSLIMS & ISLAMIC.
    ————-.
    Nuurk.
    Senior Political Analyst.
    Khabiir Ku Taqasusey Waxa Loogu Yeero ARGAGAXISADA.




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!