Galmudug: Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Qiimaha Lacagta uu Codka Xildhibaanku Gaadhay

Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb Lagu dooran doonaa Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.  Waxaana Saacadihii lasoo dhaafay magaalada laga dareemay Olole Xoogan oo ay Wadaan Musharixiinta u taagan Xilkaasi.

Waxay magaaladu marti gelisay kulamo iska soo horjeedo oo ay wadeen xubnaha mucaaradka iyo kuwa Dowladda Soomaaliya taageersan, iyadoo ay socoto kala jiidasho dhanka Xildhibaanada ah, Waxaana Hoyga ay dagan yihiin Musharixiintu xalay laga dareemay Mashquul badan iyo kulamo aan loo kala kicin.

Dhinaca kale Xog aanu helnay ayaa sheegaysa Inay Bilaabeen Musharixiintu inay Bixiyaan Lacago ay Siiyaan Xildhibaanada, Kuwaasi oo Codkooda  uu kala iibsi galay, Waxaana Qiimaha halkii xildhibaan uu gaadhay lacag u dhaxeyso 3-kun ilaa 10-Kun oo Dollar.

Xildhibaan Axmed Macalin FIQI oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaniisa Xildhibaanada Cusub ee Galmudug uga digay inay Codkooda iibsadaan. “Xildhibaankii codkiisa laga gado waa in uusan isla xisaabtan iyo nidaam daahfuraan ku tala-gelin, ninkii codkaada aad ka iibiso sharafkaraa ayaad ka iibisay!”

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana qaar ka mid ah Musharaxiinta ay walaac ka muujiyeen sida ay wax u socdaan, Waxaana  la aaminsan yahay in Doorashada Gudoonka Baarlamaanku ay Halbeeg u noqon karto Doorashada Madaxwaynaha ee soo socota.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. farxiyo says:

    Reer galmudug guuleysta,waxanu idinka rajeyneynaa maamul soomaaliyeed oo daacad ah, oo u damqada dalka,dadka,diinta,oo difaaca.
    Qabiil iyo qabqable,hadey wax tarayaan,30sano,ayaynu rafaadney.
    Min mucaarad ah oo shaadh afarjeeble ah toshay yaanu maskaxda idinka xadin.
    Wabilaahi towfiiq.

  2. Wiil hiraab says:

    Galmudug waa meesha ugu dhibyar
    Somalia dadka degaana waa dadka ugu sedaqa bixinta badan Somalia

  3. Somalijecel says:

    Bidaartaa gareen(Gacal)ayaa ku guulaysanaaya waa caddahay villa wardhiigley hore u soco dalkaan dhinac ha u dhaco.




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!