Kismaayo : Jubbaland oo sheegtay inay Usoo Noqdeen Ciidamo horay ugu Goostay DF-Somalia [Warbixin]

Kismaayo ( Kalshaale ) Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe uu Hogaamiyo ayaa sheegay inay Lacago xoogan Siiyeen  ciidamo hore uga goostay Jubbaland oo ku biiray dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo hadda dib ugu soo laabtay maamulka Jubbaland.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland Maxmaed Axmed Cali ayaa Xusay  in ciidanku ay dhibaatooyin badan mareen markii ay ku biireen dowladda Soomaaliya, Wuxuuna xusay inay hada soo Dalbadeen in laga bixiyo lacago lagu lahaa oo deyn ah.

“Lacag ku dhow 30,000 ayaa ka bixinay oo looga yeeshay dukaamanka iyo baqaaradii ay saarnaayeen, sidoo kale waxaa siinay lacago ay kaalmo ka dhigtaan”.

“Xaq ayey u leeyihiin intaas iyo ka badan waxaana sidoo kale deymaha ka dhibi doonaa maamuladii kale ee beenta loo sheegay iyo saraakiisha oo dhan, sababtoo ah waxay ahaayeen kuwa la qalday” ayuu yidhi Wasiirka.

Warar soo baxaya  ayaa sheegay in tobaneeyo kamid ah ciidankii ka goostay Jubbaland ay dib ugu laabteen, kadib markii lagu yeeshay deymo badan, Waxaana Jubaland  ka mid tahay maamullada dalka ee inta badan aysan kasoo yadhin ciidankodoa cabasho la xidhiidha Xaquuq la’aan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Mr BaHaL says:

    Tartanka hoyeelka Gunimada somaliyeed oo 30 jirsaday.

    Ethopiya oo laga soo faaruqay,Kenya iyo Emaaraatka oo dudada loo fadhiyo.Iyo Somaliya oo sii dhimanaysa.
    Laba kooxood oo u soo baxay tartanka Gunida somaliya.

    A)Agoontii Amxaarka
    B)Mooryaantii somaliy diiratay.

    Labadan kooxood iyo wixi ay dhaleen oo somaliya nafta ku silcinaya.

    Mid geedaha shida iyo dadka shida.

    Dad shid+Geedo-shid.

    Emaartaak oo haatan la horboodayo.

    Dalmida

    Dalmida

  2. gaafaw says:

    mr bahal
    mekhsi sxb bal iwaran ,horta wadani ayaa tahay lakiin yaad katahay hawiye ,ileen samaroon siciid iyada matihid
    cordially

  3. Kalsame says:

    Mr BaHaL

    Waxan Soomaaliya ka socdaa iskama dhacayaan, waa highly sophisticated and well ingineered project/paln… 30 sano ayaa hal doorka la dilayay nin liidkana la koolkoolinayay oo la cayilinayay…

    Hadda waxaa isu soo haray intii rabooshta ahayd oo beel/koox walba hor boodayay, ogoobeey waa la geeyay xilka oo waa dad la soo wada tababartay…

    Dadku gun ma aha ee intii gunta ahayd baa u wada qaa`idiin ah… Qabkii lun, hankii warkiisa daa, dal-gad, dad-gad, sharaf-gad, qaran-gad, you name it…

    Allaha Xafidee Senator Abdi xaashi ayaan waraysigiisa dhagaystay… Waan qiirooday wallaahi… Waxaanse ka hayaa kalmad qiima badan… Xil-doon ha naqonnine Xal-doon noqo…

    Somaliya waxaa ku habsaday dad aan la aqoon, oo wada maafiya calooshood u shaqaystayaal ah oo shisheeye soo wada carbiyay…

    Dagaalka shabaab iyo shisheeye dagaal baa ka sokeeya…

  4. Dabshid says:

    Reer Qurac Cad Rogashadii Waqoooyi, ma waxey u soo xawileen Koofur

    Cadka Rag isku raaco waa xaniiyaha Kablalax.

    Tigree Jaberti to Kuukuuyo Kablalax

  5. Wiil hiraab says:

    candha wadaagti waa lagu so ag gaajoodey ………………
    Habaar qabaa i Habaajiye ninki
    Iheeyn jiroow i hooo

  6. Mr BaHaL says:

    Kalsame

    Runtii ayaa sidaas ah.Qofkii damiir lahaa way dileen,qii aqoon lahaa way dileen,wixii in uun dadnimo lahaa way wada dileen.Waxaa isku hadhay Mooryaantii oo iska biqlaynaya.

    Arinkoodu waa lacag.

    Meeqa ayaad haysataa?
    Meeqa huteel aa dhisatay?

    Xagga kale waxaa jooga Kooxda Reer Amxaar oo soo helaa meelaha laga helo lacagta kk
    Labadaa kooxood ayaa isku xidhan.

    Tuugii ayaa ku odhanaya;somaliya meel ayay maraysaa kkkkkk
    Waa Tuugii shariif axmed ahaa kk

    Wadanku badbaado ayuu u baahan yahay kkkkk

    Kuwaasi waa hadalada Mooryaanta iyo Baho amxaaro.
    Somaliya 30 ka hor ayay meel xun ku dhacday.

    Dalmida




SAWIRRO : Magaalada Marqaanwayne oo Maanta Laga Dhagax dhigay Mashruuc Dadka Farxad geliyey
- Apr 2, 2020
Buuhoodle  ( Kalshaale ) Wasiirka Ku Xigeenka Waxbarashada Dawlad deegaanka Soomaalida  ee dalka Itoobiyae ...
Daawo: Wasiir ka tirsanaa Somaliland “Weligeed Ictiraaf heli mayso S.land, iyo Midnimada Sababtuu u Qaatay ” [Waraysi]
- Apr 2, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiir ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland  oo ku sugan ...
Coldoon Maxaa Looga reebay Maxaabiista la Cafiyey ? Warqad ku socota Madaxwayne Biixi
- Apr 2, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muusa Biixi Cabdi wuxuu cafiyey maxaabiis gaadhaysa ...
MUUQAAL: Axmed Budul oo Dhaanto Cajiib ah ka sameeyay Cudurka Karoonaha [Daawo]
- Apr 2, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Fanaanka Soomaaliyeed ee Axmed Budul ayaa Dhaanto Cusub ka ...
Daawo: Madaxwayne Farmaajo oo Cafis u Fidiyey Maxaabiis Tiro badan
- Apr 2, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoojinaya ...