Dawladda Uganda oo Ciidan Howl gab ka Noqday u diraysa Soomaaliya !

Kampala  ) Kalshaale ) Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in Arbacadii shalay ahayd ay dib ugu yeedhay askarteeda howlgabka noqday ee ka fadhiistay howlaha Ciidamada dalkaasi.

Jeneraal Charles Otema Taliyaha Ciidanka Keydka ee difaaca Dalka Uganda ayaa sheegay in ay u yeedheen askar gaadheysa 2,500 oo Askari kuwaas oo loo daabalayo Soomaaliya si ay kaabe ugu noqdaan Ciidamada dalka Uganda ee ku jira howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Mr Otema ayaa sheegay in ciidamadaas dib u xareyntooda ay billaabaneyso Isniinta todobaadka soo socda, Wuxuuna xusay  inay Ciidamada howlgabka ah ee loo yeedhay laga sameyn doono Guutooyinka 31aad iyo 32aad ee Ciidanka Difaaca Uganda qeybtooda ka howlgasha Soomaaliya.

Taliyaha  ayaa xusay in Ciidamada howlgabka ah ee loo yeedhay  hadda ay yihiin kuwa da’doodu ku yartahay 55 jir sidoo kale darajadooda ciidan ay ku egtahay ama ka hooseyso Gaashaanle.

Jeneraal Charles Otema, ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada dib loogu yeedhay la marsiinayo baadhitaan jireed, mid caafimaad iyo mid dhimirka ah.

Tani maha markii ugu horreysay oo ay Uganda Ciidamada howlgabka noqday dib ugu yeedho, Taliye Otema ayaa sheegay in sanadkii 2012kii Ciidamo sidan oo kale dib loogu yeedhay ay ka howlgaleen Muqdisho kuwaas oo qayb galay howlgalka Soomaaliya ee AMISOM.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg deg : Dr. Gacal oo Ku Guulaystay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Natiijada Rasmiga ah [Daawo]
- Jan 17, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Waxaa Goordhowayd soo dhamaatay oo lagu kala baxay ...
Deg deg : Duqaymo lala beegsaday Laba Saldhig oo Alshabaab ay leeyihiin
- Jan 17, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Deegaanka Kunyo Barrow ee Gobolka shabeellada hoose, waxaa Diyaaradaha dagaalku ay ...
Galmudug: Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Qiimaha Lacagta uu Codka Xildhibaanku Gaadhay
- Jan 17, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb Lagu dooran doonaa Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.  ...
Daawo Qosol : Soomaalidii Geella dhaqan jirtay oo Australia kala Hadashay Arinta Geella la dilayo
- Jan 17, 2020
Nairobi ( Kalshaale )Soomaalidii Geella dhaqan jirtay oo Australia kala Hadashay Arinta Geella la ...
Warbixino Xiiso leh : Xiisada Masar iyo Itoobiya, Putin oo Qorshe yaab leh wada iyo Qodobo kale
- Jan 17, 2020
Laascaanod ( kalshaale ) Warbixino Xiiso leh : Xiisada Masar iyo Itoobiya, ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!