Ciidamada Kenya oo si la yaab leh Gobolka GEDO ku geeyay M/Ku xigeenkii Jubbaland [Warbixin]

Baardheere  ( Kalshaale ) Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si qarsoodi ah ku yimid gobalka Gedo, Waxaana la sheegay inuu dhinaca  Mandheera ka soo galay, islamarkaana uu hadda ku sugan yahay meel u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Ceel-waaq ee gobalka Gedo.

Madaxwayne ku xigeenka waxaa la socday ciidamo Kenyan ah, waxaana lagu keenay gaadiidka qafilan ee Milateriga Kenya,  Wafdigiisa ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Jubaland iyo Saraakiil Ciidan.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa halkaasi kawada kulamo uu la qaadanayo Saraakiil ka tirsan ciidankii Jubbaland ka goostay ee ku biiray dowladda Soomaaliya, kuwaas oo laga dalbaday in ay ku soo laabtaan Jubbaland.

Wafdiga Maxamuud Sayid Aadan oo  ay la socdaan ciidamo Kenyaan ah, Oo Muddo ku xayirnaa dhianca Mandheera kadib markii ciidankii ka goostay Jubaland eek u biiray dowladda iyo dad shacab ah ay is-hortaageen, ayaa  gobalka kawada kulamo gaar gaar ah oo ay la qaadanayaan dadka degaanka iyo maamulada taabacsan.

Gobolka Gedo ayaa marti gelineya kulamo iska soo horjeeda oo ay wadaan masuuliyiin ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Sawir-Hore
Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Hiilqaran says:

    Kkkk adeer dee shuka sooqaado sida dumark ama indha shareer kkkk jajuus foqal jajuus hhhh adeer adiga iyo ahmed madoobe labadiinuba waxaad tihiin shaqaale u shaqeeya kenya arka somaliya boos idin kama banaana ee jajuusineey bye bye

  2. Dabshid says:

    Ninkaan moodney inuu Gedo xoreyn oo habeeno soo seexan, CAR KA SOO SAAR SARIIRTA VILLA XAMAR.

    – Kheyre shaqow qabtee Gedo yaa tagaa

  3. Somalijecel says:

    Kkkk Maxamuud Sayid muxuu Gedo qaso lugano reer Xasan maanta DHAMASE kkkk B/xaawo iyo Ceelwaaq dhexdooda ku dhuumaalaysanayaa oo Kenya dadkiisii ka ilaalinaysaa kkkk Somali waa taa meel lagu kala tagay buu taagan yahay Axmed madobe lacagta uga guro sida Dhulbahante u wareeriyeen Isaaq iyo Majeerteen adigana u wareeri Ogaadeen iyo Kenya.

  4. C/Raxmaan says:

    Mooryaan Maxamuud Sayid . Janan baa ku dhaama , waayo jeel buu si nabad ah u dhexjiifaa . Adiga siishkaa ku haya. Kulahaa waxuu joogaa meel Luuq & Ceelwaaq
    u dhexeysa k.k.k. Imisa magaalo ayaa ku yaala Luuq & Ceelwaaq dhexdooda , dhanwalba. Shacabka waad matashaa waana lagaa ilaalinayaa . Dullinimo u dhimo waalidkeyoow. Saas ayuuba iigu yahay waalid .

    Doxoro.com.




Galmudug: Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Qiimaha Lacagta uu Codka Xildhibaanku Gaadhay
- Jan 17, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb Lagu dooran doonaa Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.  ...
Daawo Qosol : Soomaalidii Geella dhaqan jirtay oo Australia kala Hadashay Arinta Geella la dilayo
- Jan 17, 2020
Nairobi ( Kalshaale )Soomaalidii Geella dhaqan jirtay oo Australia kala Hadashay Arinta Geella la ...
Warbixino Xiiso leh : Xiisada Masar iyo Itoobiya, Putin oo Qorshe yaab leh wada iyo Qodobo kale
- Jan 17, 2020
Laascaanod ( kalshaale ) Warbixino Xiiso leh : Xiisada Masar iyo Itoobiya, ...
Daawo: Jabuuti oo ka hadashay Maxkamad DP-World ka dacwaysay “Jabuuti Shirkad Gumaysi kama yeeli doonto”
- Jan 17, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Jabuuti oo ka hadashay Maxkamad DP-World ka dacwaysay ...
MUUQAAL: Gabadh Soomaaliyeed oo Xildhibaanad ka ah Switzerland, Nolosha dalkaasi, iyo Safarkeedii Somalia
- Jan 17, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Gabadh Soomaaliyeed oo Xildhibaanad ka ah Switzerland, Nolosha dalkaasi, ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!