DAAWO: Madaxwayne Farmaajo oo Kulan la Qaatay Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka soo laabtay dalka Cumaan oo uu kaga qeyb galay tacsida Suldaan Qaabuus Binu Siciid.

Madaxweynaha oo Suldaanka cusub ee Cumaan Haysam Bin Daariq kula kulmay Qasriga Saldanada dalkaas ayaa la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la qaybsanayaan murugada geerida Suldaan Qaabuus oo kaalin ka qaatay gurmadka shacabkeenna wakhtiyadii adkaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Suldaanka cusub ee dalkaas Suldaan Haysam Binu Daariq in uu sii amba-qaado dhaxalkii horumarineed ee uu ka tagay Suldaanka geeriyooday, isagoona sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya walaalahooda dalka Cumaan.

Dhankiisa, Suldaan Haysam Bin Daariq ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo qayb-galka tacsidan iyo in maalmahan murugada leh ay garab istaageen shacabka iyo dowladda Cumaan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 30)

  1. Cadaado says:

    Nacalaa kugu yaal, Farmaajo waa daanyeer. Waxaa lamid ah dhamaan daanyeerada siyaasada Somaliya horbooda.

    Bal ninkaan in uu ciyaalasuuq yahay nin dhintay oo dal kale ah ayuu kuleeyahay tacsdiisa Ayaan aadayaa. Waliba qofka dhintay waa la’aasay. Waa dullinimo sida caqliga xun oo eey Somalida kuwooda madaxda isku sheega u fakiraan.

    Waa tuugsi, iyo iyo dalxiis waxa eey u ordayaan kuwa madaxda Somalida marwalba u orda. Waliba kan Farmaajo waa munaafaq ciyaala suuq ah oo waxmatarra ah. Aaway diyaarada maraacaya, iyo blah blah dii uu dadka caqliga xun u sheegi jirray?
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  2. Garqaad says:

    Madaxweyne Farmaajooow maalinkasta gurigaagii bay tacsi taalla, Oo dhimasho iyo dhaawacba leh ,
    Cid kuu timaadana ma jirto kuuna tacsiyeeyso,
    Waa maxay oday carbeed oo dhintay safarka aad u galeeysid ma wiilasha soomaliyeed ayuu ka qiimo badan-yahay , iyo hablaheenna gumaadka ku socdo , waxaa kaaga wacnaan lahayd sharafna kuu ahaan lahayd inaad u tagto dadkii turkiga loo qaaday ee dhaawacyada la il-daran baddalkaad suldaan reer cummaan oo mooryaan ah u aadi lahayd tacsi ,

    soosoco_sii_soco_madaxweynow. Xaalqaado.

    4 sano oo qasaaro ah miyeysan aheyn

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      KAN iyo Cadaado, waxay maqleen cidbaa la mucaaradaa MARKAYSAY barxadda la imaan HADAAQ cid ka naxayso oo la taline BAABAH. WBT

  3. Dusha says:

    Kkkkkkkk…..Farmaajo wuxuu ku fiicanyahay waa booqashada iyo isla sawirka madaxda dalalka kale….dhalaalweyne dhinacaas booskiisa waa ciriirsanayaa….ciddii wax kale weeydiisa waa ka gardarantahay….

  4. Cadaado says:

    Garqaad iyo Dusha, waan idin salaamay.

    Waxaan kaloon umadda Somaliyeed xasuusin 7ba maalin kayar ayuu kasoo noqday daanyeer Farmaajo Ereteria. Marka safarkaan waa kii labaad hal usbuuc gudahood. Kawarram daanyeernimadaas. Ciyaala suuq waaye Farmaajo. Dadka Somaliyeedna waa in eey caqlixumada inta joojiyaan eey ka hadlaan daanyeernimada uu ninkaan Farmaajo iyo qof kasta oo Somali ah sameeynaya, amaba horray u sameeyay. Waxaan lagama aamusi karro.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  5. Baaruud says:

    Ma Farmajihii shalay uun Riyadh iyo Asmara ka yimi ayaa isla shalayba Masqad u dhoofay. Tobankii photographer ee hor iyo hareero yaacayeyna ma kaxaysta. Waxay ahayd inuu joogo dhowr maalmood
    oo uu at least akhriyo warbixinaha wasiirada,

  6. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Baaruud, Barasho wanaagsan ADNA ma waxaad badisay Maangaabti Dawlla diidka ahayd?. WBT

  7. NuurkaNederland says:

    No COMMENT!!!!!!!!!!.¿¿¿¿¿¿¿¿¿¿.

  8. farxiyo says:

    Sidaan u qoslayey baan suuxay.
    Waar barxada mucaaradkii baa qabsadey.
    Waryaadha bushaara farmaajo wuu soo laabanayaa.
    Kkkkkkkkk.

  9. xaange says:

    “Warwareegayeey xaafadaha waan ka baqayaaye”
    Farmaajo kol haddaanu xaafadaha Muqdisho ku dhex lugayn karayn waa inuu dayuurad maalinba meel u raacaa.
    Ina adeerkay Gaas baa markuu rabo inuu oday Faroole aysan indhahoodu Garoowe isku qaban kolba dayuurad u raaci jirey meel waayadii ugu dambaysey maamulkiisa. Farmaajo hadda muqdisho iyo Khayre markuu fadhi xumadeeda u adkaysan waayey ayuu maalinba meel dayuurad u raacayaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  10. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin,
    Qaastan Farxiya Xamxamle, kkkkk, kan daanyeerka ah ee madaxweeyne Farmaajo hadii uu soo noqda, walaahi waa maalinta eey Somaliya si fiican u sii waalan, baabi’i, u sii duloobi etc.

    Xaange, haa ninkaan Farmaajo wax kaloo uu qabto amaba qaban karraan ma jirran. Markaa waa in uu hal usbuuc gudahiisa Sadex mar Sadex wadan u safraa. Daanyeerka kale ee Kheeyre waa lamid, oo isagana dhinaciisa ayuu diyaaradaha karaacaa, Waxuu kaga duwanyahay, Kheeyre marmar ayuu Dhuusamareen tagaa ilaa Sanadkii lasoo dhaafay si uu dhulka uGu jiida daanyeerta cawaanta ah ee Ceeyrka iyo Sacadka ee caqliga xun. Sida ilma adeeradiisa argagixisda alshbaab u duleeyeen Ceeyrka iyo Sacadka ayuu rabaa isagana in uu asaga oo magac dowlad isticmaalaya u duleeyo. Qaan iyo wax horraa, scores ayaa la’iska matajinayaa.

    Ahmed Somali, ninyahow oday duq ah oo baaba’ah ayaad tahay. Ma waxaad difaaci karaa daanyeernimada Farmaajo ee diyaaradaha la’iska raacraacaya, karti xummo, iyo siyaasad la’aan iyo daanyeernimo darted. Waan ogahay adiga sheekadii Afweeyne aad kabaha u qaadi jirtay oo aad u shaqeeyn jirtay ayaad u xiistay. Waxa dhib oo jirraba adiga iyo daanyeertii duqoobay ee horre ayaa mas’uul ka’ah. Dadkii cawaanta ahaa ee ku tagri falay dowladnimada Somaliya.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

    • xaange says:

      Cadaado
      Waxaan la yaabaa Farmaajo ama N&N iyo waliba kuwa taageera maaha dad dulqaad u leh dhaliisha.
      Waa wada Axmed Soomaali oo miiran kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      MAXAA tiri SEBI Cadaado?; “Waan ogahay adiga sheekadii Afweeyne aad kabaha u qaadi jirtay oo aad u shaqeeyn jirtay ayaad u xiistay”. °§*Adeer ILAAHEEN SWT baan kugu dhaarshe yaa mudan in Kabaha loo qaado MA AUNTE M. Siyaad MISE Xaangahaan gawska dambe ka qosli markuu helay ahbal difaaca. °Run ahaanti MJ-ku waa gob AAN weynayn Ahbal difaaca. °Hadde see layeeli shakhsi gunnimo u xiisay!!!. WBT

  11. Somalijecel says:

    Kkkkkk War dadku waa xor,yaan mucaarad iyo muxaad la isku wareerin.Nin qalad buu u arki karaa,nina sax wax shidda ah maleh.
    Nin ayaan weydiiyay waqtigii Xasan sheikh ninku safar badanaa ayaan iri?
    Ninkaasi qaraabona wuu la ahaa wuuna lasoo shaqeeyay.
    Dhawr arrimood ayuu ii iftiimiyay.
    1-24/7Xafiiska madaxweynaha iyo Primister dad ayaa dhooban quuqle,mashaqayste,iimaan laawe,oday dhaqameed,MP you name them all mentally sick people ayaa dhooban.
    2-Cadaado suduu sheegay tuugsi iyo is baris etc.
    Marka 2maalin ay maqan yihiin nasasho ayay u tahay kkkkk
    Aniguse caro ayaan la jiifaa.Madaxweyne Farmaajo wuu ka aamusay fanaanka Wayne Somaaliyeed Khadar kaydoow ma dhagaysto heesaha laakiin in uu ka aamuso ma ahayn.
    Fanaanka 2 passport kala magac 1 sawir ayuu watay waxaasna wax weyn ma ahan Farmaajo waa daanyeer.

  12. Mr BaHaL says:

    Hadii ay Mr Deni,Axmed dhuxule,Shariif axmed ama xasan sheekh isdaba gali laahaayeen ilaa Cuman sacabka ayaad tumilahaydeen dhamaantiin,marka laga reebo Mr Cadaado.

    Sidaa oo ay tahay,hadana wax dhaama lama hayo Formaajo.

    Dhulboobkii iyo Tuugnimadii ayaa laga raystay.
    Waxan qaylinayaa waa Tuugtii u bartay inay ka taajiraan caawinada la siiyo masaakiinta somaliyeed.

    Waa Mooryaantii iyo agoontii Amxaarada.
    Dalmnida

    Dalmida

  13. Jabhad says:

    Oo haduusan madaxwayne farmaajo tegin tacsida

    Suldan QAAMUUS yaa ka tegi lahaa somaliya oo

    Saldanada CUMAN u tacsiyaden lahaa? war halaga

    Xishoodo habmamuska dowladnimo

  14. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Jahad adeer, horta MA yaqaaniin habmaamuus YAGAARTAN barxadda degay?. °Kuwaani waa nooc minal Dayday. WBT

  15. Kalsame says:

    Suldaan Farmaajo oo dhiggiisa Suldaan Haysam bin Tariq booqday…

    Kuwan mucaarad ku sheegga ahi way ka dhigeen, waa in dib loogu noqdaa sharcigii musuq la dagaallanka ee la pass gareeyay, si ay tuugadu wax u yar boobaan, waa in mushaarka ciidanka iyo shaqaalaha bar iyaga loo leexiyaa… Waa in mashaariicda iyo NGO-yada iyaga loo saxiixaa… Waa in madaxweynuhu kala tashadaa cidda/dalka/meesha uu booqanayo iyo waqtiga uu booqanayo….

  16. Kalsame says:

    Deg Deh….

    Xusbiga xoogagga waddaniyiinta ee N&N oo mar kale ku guulaystay doorashadii Soomaaliya…

    Allah maalinta intaa Kalshaale lagu soo qoro yaa barxaddan laydinka waayin… kkkk

  17. Dabshid says:

    Kkk

    Ninkii Rabo inuu wax ka barto dadkii Qabiileeyey Qarankii Qabiiloobey

    Ha arko dulqaadka Ahmed Guulwade

    Oo duqu Caawa waad ka oohiseen, kolba nin ku bood,

    Waagii hore wuxuu dhihijirey
    War maxaad ka rabtaan Farmaajo, maad Kheyre eedeynayn

    Adeer Guulwade anagaba ku qabno qasaaro oo BUR DHACEY SOOMAALI KA BEECINEY, Nafteena iyo maalkeenana ku aaminey.

    -Lottery winner iga dheh

  18. Dabshid says:

    Farxiyo

    2015 ayaad nin golaha joogo ku dhahdey,

    WAR HOOY Hawiye laaluushna ma dhiibo, oo nina xoolihiisa laaluush kama dhiibe,

    Maad na sugtid awalba anagaad BASAAS NOO AHAAN JIRTEENE,

    Waagaas waan kula yaabanaa waxaad sidaas u laheyd

    –‘

    Ninkii oo waxaan arkey leh

    Haddaan Dir nahey Daaroodka ayaa noo roon
    ( oo haba kuu roonaadene Caasimaddee reer Qurac ayaa lagaa laaluushey – waa adiga Jabuuti, Hargeysa iyo Xamar dhex mushaaxiye)

    Haddana kuye
    Max’ed Siyaad iyo Farmaajo maamul iyo dowlad uma dhaxeyn.
    ( oo hadde wixii Xafladda dhigey oo doorashada qabtey, oo wafuudda Caalamka isku keeney oo xilka Farmaajo ku wareejiyey – ma wuxuu ahaa Max’ed Siyaad? )

    Farxiyooy
    Maalintaas ayaan xasuustey hadalkaadii ahaa

    War hooy na sug – Cadkii iyo Amaantiina kama maarantide.

    ” Ninkii hadda dagaal, cey iyo DHIIG KAR ayaa ka soo harey.

    * Canshuurtii Eedo Batuulo dhiibtey, ayaa ceyda noo keentay.

  19. Kalsame says:

    Dabshid

    Waa run inaan kacaankii dawladi ka danabayn intaad doonto waad inkiri kartaa xaqiiqada lkn waa runta biya kama dhibcaanka ah…

    Ta kale islaantan batuulo ah oo kaligeed canshuurta bixisa dadkoo dhan bay eeddo u tahay… Haddayan rabin inay dadkoo dhan eeddo u noqoto ha caddayso…

  20. Baaruud says:

    Ahmed Somali,

    Aad baan uga xumahay inaadan 30 kaa sano ee ka dambeeyey dawladdii Siyad Barre aanad waxba korodhsan, welina u haysato mucaardnimada wax khaldan. Kula yaabi maayo oo kelifaaba maaha, waxaan dhowaan arkaayey koox la yidhaa xooggag waddaniyiinta oo heesihii hantiwadaagga qaadaya, waa hantiwadaag addunyada gogosha looga laalaabay 1990skii, intaas oo dhan maxaa qabanayseen. Markii hore ayaad si khaladan u soo gashay nidaamka, magacan Ahmed Somali +++++ iyo kitaabkii goog’anaa ee baalashiisha inta mid meel laga soo qaado daqiiqda xabagta looga dhigi jiray ka dibna kilkilada lasoo sudhan jiray ayaad dad ku hoday.

    Mucaaradnimadu waa wax wanaagsan waana la wadayaa, adigu iska sii wado “Hantiwadaagiintay Halgama Halgama’

  21. Kalsame says:

    Baaruud

    N&N inta diiddan ama mucaaradaya isku soo wada duub oo waxaa ay u diiddanyihiin dan shaqsiyadeed, kooxeed ama beeleede kuma ay diiddana dan Soomaaliyeed oo caam ah…

    Mucaaradnimada saxda ah cidu ma diiddana ee bahashan jid iyo jihada aan lahayn ee nin tuug ah oo ku naaxay dac-darrada shacbi waynaha Soomaaliyeed iyo qalaasaha oo aan xitaa dan ka lahayn dal dhan oo rogmanaya oo jiritaankiisa iyo qarannimadiisaba su`aal la galiyay in la daba yaaco oo wuxuu yiraahdoba sidii xadiis loo qaato mucaaradnimo ma aha…

    Aan su`aal ku waydiiyee, kaba soo qaad in ay berri xilka wareejiyaan oo ku heshiiya dhahaan, maxaa dhici kara baad is leedahay?. Kuwa xiga ee iman doona ma lala shaqayn bay kula tahay?. Mid mucaarad ah oo caqli aan ahayn kursiga ii banneeya haya ma haysaa?. Haddii loo banneeyose kuwa hadda wax mucaaradaya ma la shaqayn doonaan?. Gacmaha shisheeye ee mucaaradku u wada shaqeeyaan ma dan Soomaaliyeed bay wadaan mise dan tooda ah?. Haddiiba la beddelo N&N, kuwa beddelaya ma daynayaan shisheeyuhu?.

    SXB kor iyo hareerahaba eeg, gondahaaga kaliya ha eegine….

  22. Land of Punt says:

    Maxay Farmaajo iyo Boqor Burhaan Cuman kawada hadlayaan…
    https://www.puntlandi.com/?p=17210

  23. Land of Punt says:

    Cuman waa wadanka ugu Somalia dhinaca Khaliijka
    Bossaso iyo Salalah Casumadda labaad nalkooda isku muuqda.
    Laakiin ganacsi weyn nagama dhaxeeyo Cuman, Dubai oo ka fog ayaa waxwalba iskaga keen xiran yihiin weliba Puntland.

  24. Abdi Jama says:

    Waa deer caalami ah in laga qayb galo marka uu geeriyooddo mid kamid ah states man dal xukuma,
    Weliba dalkan cumaan Waxaan odhankaraa waxa uu kamidyahay dalalka carabta kuwa aan lagu dhibaatayn dadka soomaaliyeed,
    Waxaynu kaloo kanabadgalay inay ka,faaiidaystaan dhibaato ay ugaystaan dadkeena iyo dalkeenaba iyaga oo kafaa,iidaysanaya dhibaatadda maanta ina haysata ee dawlad la,aaneed,sidda Imaratska oo kale oo run ahaantii caasimaddii somalia 🇸🇴 kawadda xasuuq baahsan oo cadowtinimo.




Galmudug: Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Qiimaha Lacagta uu Codka Xildhibaanku Gaadhay
- Jan 17, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb Lagu dooran doonaa Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.  ...
Daawo Qosol : Soomaalidii Geella dhaqan jirtay oo Australia kala Hadashay Arinta Geella la dilayo
- Jan 17, 2020
Nairobi ( Kalshaale )Soomaalidii Geella dhaqan jirtay oo Australia kala Hadashay Arinta Geella la ...
Warbixino Xiiso leh : Xiisada Masar iyo Itoobiya, Putin oo Qorshe yaab leh wada iyo Qodobo kale
- Jan 17, 2020
Laascaanod ( kalshaale ) Warbixino Xiiso leh : Xiisada Masar iyo Itoobiya, ...
Daawo: Jabuuti oo ka hadashay Maxkamad DP-World ka dacwaysay “Jabuuti Shirkad Gumaysi kama yeeli doonto”
- Jan 17, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Jabuuti oo ka hadashay Maxkamad DP-World ka dacwaysay ...
MUUQAAL: Gabadh Soomaaliyeed oo Xildhibaanad ka ah Switzerland, Nolosha dalkaasi, iyo Safarkeedii Somalia
- Jan 17, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Gabadh Soomaaliyeed oo Xildhibaanad ka ah Switzerland, Nolosha dalkaasi, ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!