Ciidamada DF-Somalia oo shaaciyey Saraakiil Alshabaab looga Qabtay Howlgalkii Toora-toorow [Waraysi]

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ee Danab ayaa howlgalkii shalay ay kula wareegeen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku qabteen labo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab iyo 8 maleeshiyo.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in la qabtay Garsoorihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Tooratoorow iyo Madaxii Maaliyadda iyo Zakawaatka oo magaciisa lagu soo koobay Macalin Abuukar.

Waxaa uu sheegay in deegaanka Tooratoorow uu yahay deegaan istiraatiiji ah oo Al-Shabaab ku lahaayene saldhig weyn oo ay u adeegsan jireen inay ka soo abaabulaan qaraxyada, sidoo kalena uu deegaanka u ahaa goob ay ku qaadi jireen lacago baad ah sida uu yidhi.

“Toora Toorow waa dhul istiraatiiji ah oo Al-Shabaab ay qaraxyada ay dalka ka gaystaan ay ka soo maleegi jireen, marka waa meel aad u muhiim ah, Ciidanka  Danab iyo Dowladda Soomaaliyeedba waxay ballanqaadeen inaanan dib looga soo laaban doonin hadda ka dib deegaan ay ciidamadu qabsadeen”ayuu yidhi Ismaaciil Oranjo.

HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSIGA IYO WARBIXINTA

Ciidamada Dana bee Soomaaliya ayaa horay deegaano kale oo muhiim ah uga Qabsaday Kooxda Alshabaab, waxaana Dib u dhiska lagu sameeyay Ciidamadu uu muujiyey Awooda ay u leeyihiin Inay La wareegaan Guud ahaan Amniga dalka, Iyadoo Ciidanka AMISOM ee jooga dalka aysan Qaadin Sanadihii dambe  wax Tallaab ah oo la taaban karo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Ali Zubeer says:

    Wagar. Waar imisa jeer baa la qabanaya toora boorada Qoryoolay aaggeeda ku taal?

    Sida oo kale saraakiisha nijaasta shabaab ma China oo kala? Waxay DFS qabataba waa wada saraaakil? meeyay askartoodii?

    DFS waxay u baahan tahay inay dib u howlgeliso Xisbul Islam si loo afjaro dhibka mooryaanta shabaab?

    Ama la qarameeyo Shirkadaha Horumuud iwm si xidhiidhkooda loo jaro ama NISA uga faaidaysato.

    Horumuud, iwm waa adeegaha alshabaab ee DFS shirkadahan ha habayso.

    Maalin dhexdaa waxaan arkahayay iyadoo la leeyahay shabaab oo ciidan ku darsatay Booliska. Ka horna waa tii ay yidhaahdeen MP yo ayay baarlamaanka ku darsadeen

    kkkkk.

    Meeshu waxay u baahan tahay shaqa dhab ah in layska dhex qabto.

    Raggan DFS madaxda u ah uma muuqdaan dad la dagaallami kara shabaab. Marka waa ila meerayso warkooda.

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  2. xaange says:

    Waa warkii shalay saacado kooban ayay joogeen maleeshiyada Danab iyo ciidan American ah oo la socdey. Wax yar ka dibna kooxda shayaadiinta shabaab ayaa kusoo noqday.Meesha cayaar iyo film aan dhamaad lahayn ayaa ka socda

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      ADIGAABA Al-Shabaab ka xagjirsane yaa wax kaa dhegaysan?. °Ha soo dhaafin hammigi WAXAAN RABAA DAWLAD MJ MADAX KA YAHAY. WBT

  3. NuurkaNederland says:

    YES CIIDAMADA QARANKA EESOOMA JEESTAYAASHA SIDA LIBAAXA U BOODA EE LAGA QAYLIYEY NOOLAADA,GUULAYSTA.
    WAA OGNAHAY IN CIA,MI6,MOSSAD & INTAY KU ADEEGTAAN AY LUGAHA IDINKU DHEGEN YIHIIN!! OO CUNAQABATAYN BILAA SHARCI AH LAYDINKU HAYO!!!! SI AYDINAAN UGA GUULAYSAN ISIS,ALSHABABTA AY TAAGEERAAN CIA,MI6,ISI,SIS,MOSSAD iwm.WE KNOWS!!!
    GUULAYSTA CIIDAMADA QARANKA SOMALIYED.




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!