XAAF oo Kulamo Lagu dhabar jebinayo Galmudug ka Wada Gaalkacyo [Warbixin]

Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaaday ee maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa qaabilay qaar kamida ugaasyada beelaha dega kuwaas oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu Xaaf ka wado olole looga soo horjeedo hawsha Dhusamareb ka socota.

Siyaasiyiin dhawr ayaa kusii qulqulaya magaalda Gaalkacyo oo uu ka socdo kacdoonka uu madaxweyne Xaaf hoggaminayo, xili ay magalaada Dhusamareb ka billaabatay hawsha baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Xaaf ayaa kala hadlay odayaasha xaalka maamul u dhisida Galmudug iyo sidii Gaalkacyo loogu qaban lahaa 15-ka bishaan Shirweyne looga arinsanayo xaalada Galmudug, sida uu horey u iclaamiyey Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Wiil hiraab says:

    Ha qasnaato Galmudug Horaa
    lo qasey dhoowr mar
    1 waxa horey loogu qasey Carabeey
    iyo Gacal o baarlamanka iyo madaxweeyne ku xigeen kala ahaa
    Iyaga ayaana horey looga
    shaqeeyn waayey iyaga o kala
    jilaya Mareexan iyo murusade amarkana
    Waxa ay si toos ah uga qaadan
    jireen labada dawac e Villa
    Wardhigleey dhax fafadhiya
    Markaa hadda waa markoodi e ha adkeeystano wixi lagu sameeyo
    dariiqi ay iyagu faleen
    Reer xamarka ku maahmaaha
    saxan saxan ku gud saan saan ku
    gud Amma burki aad cuntey
    bood boodkisi ayaa laga rabaa

  2. RAAMALEEY says:

    Will hiraab walaal marka hore salaan sare waxa oday xeef UU HADA kabilaabay GAALKACAYO MA waxay kulatahay in Fila somaliya iyo dawlada dhexe WAA MADAXWEYNE farmaajo iyo RAYSAL WASAARE KHAYRE in Ay WAX kaga Baaqanayaan taas Waxaan U arkaa INAY khiyaali tahay waayo SHACABKA reer GALMUDUG WAA KU khaasatan is Qabqabsi iyo nin doonaya keligii kuceeshe Waxaan qabaa in Ay reer GALMUDUG isutanaasulaan OO dadka iyo dalka laga daayo Spaarooyinka SHUQUL Mooryaanimada AH nin isku FADHIYA on KOOX KOOX maalin walba lasoo taagan WAA WAX laga xishoodo ilaahay UMADA haloo Naxariisto kolay umadaan Waxaan U arkaa Umad NASIIB DARAN OO ilaahay caqliga saliimkaa dadkii KU HOGAAMIN Lahaa umadooro OO markooda horeba looma dooro
    Xeef GAALKACAYO yaa kulataliyey INUU qalalaasaha Cusub ka bilaabo OO lagu soo shaqeeyo WAA DENI OO PUNTLAND SHALAY LOODOORTAY INUU DAWLADA DHEXE KU XIDHO REER PUNLAND ISNA WAA SHOOBARO IYO FIDNO DOON OGOOW XEEF IYO INTA DABA KACAYSA WAXAAN CEEB IYO FOOL XUMO IYO FAQRI AHAYN KALA KULMI MAAYAAN DENI OO PUNTLAND KAGA DARAN GAAS KII KA HOREEYEY WAR HOOY XEEF LATALIYA OO USHEEGA IN MAAMULKU UU MAANTA DIIDAN YAHAY UUSAN KU DIIDANAYN ARAGTIDIISA EE AY TAHAY DANI OO KU RAAXAYSANAYA BUR BURKA UMADA SOMALIYEED WAA XAQIIQ IN XEEF IYO INTA DABA SOCOTAA BEESHA SACAD IYO BEELO KALE TOONA WAX UDOONAYN EE AY JEEB KOODA IYO JEEBKA KALA FOGEEYE DENI DOONAYO INUU MASHRUUC BURBURIN AH KADHEX WADO UMADA SOOMALIYEED WAR HOOY HALGANKIISA WASA HADABA GELINA OO KAJOOGA FAWDO IYO IS QAB QABSI BEESHA SACAD NA WAXAAN KULA TALIN LAHAA WAR UMADA HAKA DHEX BIXINA OO ISKA DAAYA NIN AAN IDIIN FURI DOONIN YUU IDIN KU GUURIN WALAAHAY WAXAAN AHAY SHAQSI JECEL INAAD NOOLAATAAN OO WELIBA MIDOWDAAN HADAD TIHIIN REER GALMUDUG

  3. Wagad wyrah says:

    Imaaraadka oo deni dilaal u yahay baa xaaf wax ka xaafsaday

  4. Wagad wyrah says:

    Anigu haddaan xaaf 80 jir aan ahay masaajidka iyo maslaxo waxaan ahayn kama sheqeeyeen

  5. Hiilqaran says:

    Mr wagad sida aad u fekereysid qof miyirqaba ayaa u fekera ee odaygaanu wuwaashay oo 80 jir hada balaayo hurinaya waa wax lalayaabo kaligiisna ma ahan ee ahmed madoonena 80 jir gerka madoobeystey xeef iyo madoobe waa laba odey dadkana waa ugu khaab daranyihiin wabilaah towfiiq




SAWIRRO+VIDEO: Madaxwaynaha Galmudug oo Booqday Taliska Ciidamada Xooga dalka ee Dhuusamareeb
- Feb 16, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ...
Gudoomiyaha Golaha Guurtida S.land oo Xaqiijiyey Safarka Madaxwayne Farmaajo ee Hargeisa [Muuqaal]
- Feb 16, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay ...
Xasan Daahir Aways oo Ka hadlay Go’aankii Madaxwayne Farmaajo ee Raalligelinta Somaliland !
- Feb 16, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah Muqdisho ...
MUUQAAL: Kaftanka Siyaasadda, Go’aankii Puntland, Gedo, Kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo Arimo Xiiso leh
- Feb 16, 2020
Boosaaso ( Kalshaale ) Kaftanka Siyaasadda oo Arimo Xiiso leh lagu soo qaatay ...
Maxaa kasoo Kordhay Wadahadalkii u dhexeeyay Dalka Qatar iyo Sucuudiga oo Xayiraad saaray ?
- Feb 16, 2020
Doha ( Kalshaale ) Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadidi ay Dalka Qatar ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!