WARAYSI: Qaabka Ciidanka Danab ay Xaruntii Alshabaab u Qabsadeen iyo DF oo ka hadashay

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee  Danab oo ka tirsan xoogga dalka ayaa  sidii aanu horay u baahinay Waxay maanta la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo aheyd xaruntii ugu weyneyd Alshabaab.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Najax ayaa Xaqiijiyey la wareegidda  Ciidamada Dana ee deegaanka Tooratoorow,  Wuxuuna xusay inay halkaasi ka socdaan Howlgalo Lagu Xaqiijayo Amniga.

Gudoomiye Najax ayaa xusay in deegaankan ay Kooxda Alshabaab ku dhibaatayn Jireen dadka Shacabka ah, Islamarkaana uu deegaankan  muhiima  u yahay inuu soo galo Gacanta Dawladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Hadafka Ciidamadu uu yahay in Sanadka 2020, Guud ahaanba Gobolka Shabeelada Hoose looga saaro Kooxaha Nabad diidka ah, oo dhibaato ku hayey dadka deegaanka.

Deegaanka Tooratoorow wuxuu ahaa deegaan istiraatiiji u ahaa Alshabaab, waxaa halkaas ku yaallay Maxkamad lagu qaado dacwadaha, sidoo kale waxaa deegaankaas looga yeedhi jiray Ganacsatada iyo dadka isku heysta dacwadaha kala duwan sida dhulalka, Waxaana lagu uruurin jiray lacagaha canshuuraha ee Alshabaab ka qaado ganacsatada.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Ahmed Somali says:

    ASC.
    GEESHKAYAGOOW GUULAYSTA. WBT

  2. NuurkaNederland says:

    ADEER CIIDAMADDA XOGGA DFS HADII AYSAN LUGAHA HAYNIN MI6,MOSSAD & CIA-du MAR HORAY KA TAQALUSI LAHAAYEEN ALSHABAB,ISIS,
    LAKIN,CIA,MOSSAD,MI6-ta FANGAREEYA ALSHABAB,ISIS AYAA LUGTA KU DHEGEN CIIDAMA XOGGA DFS EESOOMA JEESTAYAADHA AH SIDA RAHA U BOODA!!!.
    Fiiro Gaara:
    CIA,MI6,UNSOM,AMISOM are ALSHABAB’s.
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICES.
    ATTENTION:
    TERRORIST=ANTI MOSLIMS & ISLAMIC.sure!!.

  3. Hodan says:

    Maasha allah guulaysta lakiin waa in shacabka la shaqeeyan ciidanka si wada jir ah loola dagalamo alshawadiin markaa baa laga guulaysan doona waxaan dadkooda iyo dalkoda burburintiisa loo adeegsanayo waa alshawadiine ,sida roobdoonta loogu ducayso kuwan halaga ducaysto in ilaahay ina dhaafiyo dalkoo dhan halaga duceeyo ilaahow naga qabo

  4. Land of Punt says:

    Rasastaas runtii Alshabaab in lagu garaacayo waa ku raaxaystay oo weliba ciidan Somali national army fulinayaan…
    War raggaan UGUS jilbka u dhigtay hala taageero.
    Waqooyi iyo Bari waa nabad oo gobolkooda rag u ah, siyaasadda la isku haystaan xal waa loo helin, horta Koofur halaga xoreeyo UGUS iyo Amisom, Somalia waxaa lugta ku dhagan waa Koofur, Khayre iyo Farmaajo iyo Ciidankaan SNA halagu taageero dagaalka UGUS.
    Ka dib markii amni lagu soo celiyo oo dalka dadkii lahaa gobol walba rag u noqdaan… Aan ka doodno wixii kale…laakiin walaahi maanta dagaalka waa UGUS iyo cidda u shaqeeyaan in meel iska saarno.
    Ku hurgufa waxaad hub haysaan UGUS.
    Vivo Somali National Army🇸🇴

  5. xaange says:

    Waa fiicantahay in meel walba nijaastaa shabaab la baxay laga saaro laakiin waxaa muhiim ah in lagu nagaado meelaha laga qabsado.
    Sidaan maqlay ciidan american ah ayaa la socdey marka ay galayeen meesha waxaanay doonayeen rag madaxda shabaabka ah oo ay meesha ku maqleen inay soo qabtaan ama dilaan laakiin ma suurta gelin.




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!