Ciidamada Danab ee Soomaaliya oo Alshabaab ka Qabsaday deegaan Muhiim ah

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada dawladdda Soomaaliya ayaa maanta qabsaday degaanka Tooratoorow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, oo ah mid ka mid ah deegaanadii ugu muhiimsan Al-Shabaab

Ciidamadan degaanka qabsaday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin guutada Danab oo ay tababareen ciidamada Maraykanka.

Tooratoorow waxaa ku yaalla maxkamado Al-Shabaabku leeyihiin, waxaana sidoo kale deegaankan uu Al-Shabaab u yahay mid aad ugu muhiimsan.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii maleeshiyada Alshabaab ay weerar dhabbagal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey jidka Afgooye iyo Wanlaweyn, halkaasi oo uu ka dhacay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Sanadkii tagay ciidamada dowladda ayaa qabsaday deeganao dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Land of Punt says:

    Rasastaas runtii Alshabaab in lagu garaacayo waa ku raaxaystay oo weliba ciidan Somali national army fulinayaan…
    War raggaan UGUS jilbka u dhigtay hala taageero.
    Waqooyi iyo Bari waa nabad oo gobolkooda rag u ah, siyaasadda la isku haystaan xal waa loo helin, horta Koofur halaga xoreeyo UGUS iyo Amisom, Somalia waxaa lugta ku dhagan waa Koofur, Khayre iyo Farmaajo iyo Ciidankaan SNA halagu taageero dagaalka UGUS.
    Ka dib markii amni lagu soo celiyo oo dalka dadkii lahaa gobol walba rag u noqdaan… Aan ka doodno wixii kale…laakiin walaahi maanta dagaalka waa UGUS iyo cidda u shaqeeyaan in meel iska saarno.
    Ku hurgufa waxaad hub haysaan UGUS.
    Vivo Somali National Army🇸🇴




Galmudug: Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Qiimaha Lacagta uu Codka Xildhibaanku Gaadhay
- Jan 17, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb Lagu dooran doonaa Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.  ...
Daawo Qosol : Soomaalidii Geella dhaqan jirtay oo Australia kala Hadashay Arinta Geella la dilayo
- Jan 17, 2020
Nairobi ( Kalshaale )Soomaalidii Geella dhaqan jirtay oo Australia kala Hadashay Arinta Geella la ...
Warbixino Xiiso leh : Xiisada Masar iyo Itoobiya, Putin oo Qorshe yaab leh wada iyo Qodobo kale
- Jan 17, 2020
Laascaanod ( kalshaale ) Warbixino Xiiso leh : Xiisada Masar iyo Itoobiya, ...
Daawo: Jabuuti oo ka hadashay Maxkamad DP-World ka dacwaysay “Jabuuti Shirkad Gumaysi kama yeeli doonto”
- Jan 17, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Jabuuti oo ka hadashay Maxkamad DP-World ka dacwaysay ...
MUUQAAL: Gabadh Soomaaliyeed oo Xildhibaanad ka ah Switzerland, Nolosha dalkaasi, iyo Safarkeedii Somalia
- Jan 17, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Gabadh Soomaaliyeed oo Xildhibaanad ka ah Switzerland, Nolosha dalkaasi, ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!