Xildhibaan FIQI “R/wasaare Khayre iyo taageerayaashiisu siyaasadda waxay ka barteen Qeybta NACA iyo Aargoosiga”

Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, kadib markii Ibraahim Xasan Cawaale oo ahaa musharrax xildhibaan Galmudug uu sheegay in tartanka looga reebay Sawir uu la galay Fiqi.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa  sheegay in fulaynimo iyo cunsurunimo ka weyn aysan jirin in Ra’iisul wasaaruhu wiil dhallinyaro ah, misana aqoon leh xildhibaanimadiisii uga hor istaago Sawir uu ila galay, Wuxuuna tilmaamay in Ibraahim uusan u laheyn wax aqoon ah, islamarkaana ay si kadis ah ugu kulmeen munaasabad, kadibna aysan markale is arkin.

Xildhibaan Fiqi ayaa sidoo kale xusay in tani ay muujineyso in Ra’iisul wasaare  Xasan Cali Khayre iyo taageerayaashiisuaysan weli qaangaadhin, siyaasaddana ay ka barteen qeybta naca iyo aargoosiga, sida uu hadalka u dhigay.

“ Fulaynimo iyo cunsurunimo ka weyn ma jirto in Xasan Khayre uu wiil dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah xildhibaanimadiisii uga hor istaago sawir uu ila galey!

Mr. Ibrahim sida uu sheegey asaguba si kadis ah ayaan munaasabad ugu kulannay, aqoon uma lihi, markaas ka dibna isma aynaan arag, arrintiisana waxaa iigu horaysay marka uu asagu soo qorey, qisada Ibraahim waxey muujinaysaa In Khayre iyo taageerayaashiisu aysan weli qaangaarin, siyaasaddana ay ka barteen qeybta naca iyo aargoosiga.

Arrinta Ibraahim waxey banaanka soo dhigtey In dalkan uu gacanta ugu jiro shakhsiyaad cuqdadi ay ragaadisay, qof nool iyo sawir la galey intaba ka cuqdadaysan, dhaqamo xun xun oo ay siyaasadda ku soo biiriyeen oo lala yaabanaa waxey ku soo khatimeen In sawirada la galo la isku ciqaabo, waxey ila tahey In qofka ugu badan oo kaamarooyin wax ku sawira mugdiga iyo iftiinba kiraystey uu yahey Khayre, ayna noqonayso In sawiradiisa dadkii badnaa ee la galey ay iska masixi doonaan!! “

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 22)

  1. Wiil hiraab says:

    Cuqdadu hadeey heerkan gaarto
    Wax ka qabasho ma leh waa
    Uun lo dhinta sawir sawir sawir
    Sawir sawir sawir sawir sawir

  2. Wiil hiraab says:

    Sawir sawir sawir sawir sawir
    Horaa lo yiri biyo gal war ama Bad Waxa waxa lo uleeyo waa
    ciil yaxaas lo qabo

  3. Idoor Liqe says:

    Nabad iyo Nolol oo Gaadhay Gobolka Togdheer ee dalkeena Somaliya .

    Daawo sarkaal Habaryoonis ah oo ah Ciidamada qaranka dalkeena Somaliya oo sheegay inuu Calanka Somaliya ka Taagi doono Burco iyo hargiesa , Hargeisana noqon doonto sidii Triboli of libiya kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Hoos ka daawo Adaa qosli donee

    Anigu waligey waxaan aaminsana in isaaqa Somaliya rabta la Hubiyo oo lagu Jabiyo Kuwa Somaliya diid ka ah , taasina maanta ayey Buuhoodle ka dhacday ee

    https://fbwat.ch/1LBncsPphVUmxbJ3

  4. Idoor Liqe says:

    Yacni isaaqa Somaliya raba in la Hubeeyo si loogu jabiyo Kuwa Somaliya -diidka ah . Ka dibna Gacan la siiyo Kuwa Somaliya raba si loo xoreeyo Burco iyo hargiesa .

    Anigu waan aaminsanahay isaaq badan in ay Nagu soo dhaweyn la ahayeen caleemo qoyan .

    Nabad iyo Nolol Caawa Buuhoodle bay ku hubeenaysa Habaryoonis si Burco Galbeedkeeda loola Wareego oo Habaryoonis degto, bariga Burco Haberjeclo degto iyaguna waa isi soo dhiibayaan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Burco xataa waa noo calamdeysan tahay divide and rule kkkkkkkkkkkk

  5. Wiil hiraab says:

    Liqe

    Riyadaan gormaad ku riyootey
    Mise waa riyo islaan airi ag jiifta
    ku riyootey

  6. C/Raxmaan says:

    Fiqi ma waxuu noqday saldhig boolis ! Wiilka haddii la dulmiyey ha dacweeyo Reysalwasaaraha iyo ciddii gacanbidixeysay . Fiqigu waaba wax cadheysan oo doonayo cid uu ku rugto. Fiqi waxuu moodayaa inuu Kali ku yahay arrinka ah : Ha dhiman adigoon qabanin JAGO WEYN ! Taasi dad badan ayaa qabay hortaa , iminkana kula qaba sida :
    C/raxmaan.
    Galeydh.
    Samatar.
    Shakuur
    Sanbaloolshe
    Seeraar.
    Xirsi Qawdhan.
    Maxamuud Xaashi.
    Thumma wallaahi.
    Xalweyste.
    Sakiin
    Mandiil.
    GQeyro……
    Iyo,iyo,iyo.

  7. Garqaad says:

    Xildhibaan fiqiyoow. Waqtiga xun waa laga baxayaa ragna waa is baran.

    Mr kheyre iyo adigu hadii maanta xaalku yimaado. Mr kheyre ayaa xaq u leh hogaaminta USC.

    Dhib ma jiro xasan cali kheyre isagaa galmudug iska leh. Waxaa dego dadka uu qabiil ahaan ku metelo kursiga dowladda somaliya.

    Mr kheyre galmudug isagaa iska leh. Haloo daayo qofkuu rabo ha keensado qofkii uusan rabinna ha iska reebo. Kaliya waxaan uga fadhinaa maamul sheqeeyo. Anu waxaanba u dooran lahaa madaxweynaha soo socdo.

    Xaqiiqdii mr kheyre. Howl adag ayuu qabanayaa oo isagu shaqadisii waa kasoo baxay.

    3 maamul ee hawiye wuxuu gacanta u geliyay dowladda somaliya. Shar iyo khayr wexey ka helaanba.

    Meesha waxaa ka maqan kaalintii madaxweyne farmaajo oo aan tagi Karin halkuu tolkii dego.

    Waa madaxweynihii la rabay in uu dad iyo dal kala irdhoobo isu soo jiido.

    Haduusan kismaayo iyo bosaaso tagi Karin.

    Haduusan dekadii bosaaso iyo kismaayo xamar hoos keeni Karin.

    Anigoo ka imid abaajo nuurdugle budbud iyo aadan yabaal waxa uu ii tari karo yaa ii sheegi karo.

    In uu kismaayo soo seexdo ama uu qandala tago. Wuxuu ka door biday in uu marna itoobiya u dacwoodo marna eretariye u cararo.

  8. sOmalilander says:

    Idoor yare isaaq baa naftii isugu keenay miskiinka, siduu isaaq ugu qarwaayay buu caadi maryaha u dhigtay.

    Shalay waxaan khaatumo news ku arkay Video soconayaa 10 minutes oo ku saabsanaa tuulada BOOCAME oo dhanka garoowe xigta oo lixdan km u jirta oo dhamaanteed isju dhiibtay Somaliland.

    Waa halka uu kasoo jeedo idoor yaree..Xasan Ugaas baa la dhahaa.

    Ilaahoow isheeda naga dhoowr way il kulushee!

    God bless Somaliland.

  9. Mr BaHaL says:

    Timekii Mooryaantu waa gabagabo.30 sano ayay ka biqlaynayeen koonfurta somaliya oo raxanwayn sii jiidheen,biyomaal soo jiidheen oo beerihii muuska iyo cambaha ku habsadeen.

    300 00 oo Raxwayn ah ayaa gaajo lagu dilay,1992,kadib loo diiday in gaaladii cunto u gayso oo laga horjosaday wixii caawimo ahaa oo dhan

    Hooyadii wasaha Usc iiga sheekaynayaa anaa Hooyadii wasa e ha i dhaafo.

    Dugaag dulinmo ku sifoobay oo nololsha ku qudhmay weeyaan noocaasi.
    Waxaasi ayaa somali ah laysma odhannayn.
    waxaasi ayaa Dad ah laysma odhananayn.

    Xamar cadcadkii ayaa hooyo iyo gabadheeda laysku hor wasay.

    Duugaagii somaliya diirtay wali waa soo taaganyihiin.

    Waxaa jiray 1992-94 xaafad ku taala Muqdisho oo gaajo u wada dhimatay.
    Maydkiina laga daad gureeyay oo guryihii la galay.Moortaan ayaa gaadh ka qabtay ilaa xaafadii wada dhimatay.

    Waxa somaliya ka dhacay aduunka meelna kama dhicin oo dad asal wadaaga iskumay samaynin.
    Runtii wakhtigaasi wixii dhacay si fiican ayaa loo diiwaan galinayaa.

    Waxaa yaab in hadhaagii Mooryaatu wali qaylinayaan.

    Usc iyo Mooryaanimadii ayaa xiiso loo qabaa.

    Dalmida

  10. Dabshid says:

    Canshuurtii Eedo Batuulo dhiibtey ayaa shaqeynayso.

    Amiin Caamir Waqooyi iga dheh

  11. Dabshid says:

    Markuu Cali Ugaas la wareegay Governor Banaadir De Government 80kii, ayuu isugu yeeray Dooli iyo Doorshaan wixii SHAXAAD IYO MUSUQ MAASUQ kula wareegijirey Goofafka Wacbuudhan iyo Wacdaan.

    Wuxuu dhahey nin xoolo badnaa ayaa GABDHO/hablo u dhalan jireen, markey gabar u dhalataba wuxuu qali jirey 100 geel ah.

    Maalintii dambe ayaa wiil u dhashey
    Meel kasto ayuu hadalkii gaarey inuu ninkii 100 geela u qalijirey Gabar dhalatey, WIIL U DHASHEY LAGANA YAABO INUU KUMANAAN GEELA DHIIBO

    – 2- continue

  12. Dabshid says:

    -2-

    Ninkii siduu ugu jirey qolkiisa, oo dadkii geedaha iyo qoraxda u dhoobnaayeen,

    Ayuu waqti dambe soo baxey

    Wuxuu dhahey xoolihii badnaa oo la iska qalijirey, maanta majiraan oo Waxaa dhashey ninkii xoolaha lahaa.

  13. Dabshid says:

    Maalintaas ayaa ugu dambeysay dhul aan lala heshiin ninka gooflahaa, oo aan asaga laga iibsan

    Waliba markii
    La dhiibo lacag bowd jebis ah

    Waliba markii
    La shiibo kharashka babeynta geedaha

    Waliba markii la dhiibo Kharashka Eng dhulka cabbira

    Kadibna uu shubo Lacagta dowladda hoose

    MARKAAS KADIB AYUU GOOFLUHU QEYB ah dhulkii la geed qaadey ka iibin,

  14. Dabshid says:

    Hadda Xamar iyo Xigteedu waxey noqotey

    Inaad furato Facebook
    Ama Television program
    Ama YouTube iga duub

    -Kadibna aad 1000 Clips dirto Saacaddii

    Xitaa waxaad sameyn kartaa inaad geedo talaasho oo aad Video ka duubto kadibna dhahdo – WAXAA TALAALEY MADAXDA

    Full name
    A/C number
    Sort Code.

    Waa muhiim inaad leedahey

    * AWLIYO ayaa yaabey

  15. sOmalilander says:

    Dabshid

    Ma dhabaa in Farmaajo ciidamo Eritrean ah u dalbaday walalaaha Habar Giddir & Galmudug?!

    Warkasi ilaa shalay wuu isasoo tarayee maxaad ka leedahay sxb!!

  16. Dabshid says:

    Somalilander

    Kkk

    Xitaa hadduu ajnabi dalban lahaa oo uu iska dhigo LEADER WAX dilo waxna nooleeyo raganimo ayey ahaan laheyd,

    Duqa markuu KHEYRE Shiriyo Tolkiis ayuu Madaxweyne Farmaajo asna Lugaha Soo madadaaliyaa.

  17. sOmalilander says:

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  18. Garqaad says:

    Mr bahaloow.

    Adu xurbaad tahay waxaad doonto ayaad sheegi kartaa. Hadaad hooyoyinka caydo xataa hooyada cidi cayn mayso.

    Anu waxaan dareemayaa in aad wax sheegto iyo in aad iska aamusto in ay isku mid tahay waxna kuma soo kordhin kartid waxna uma dhimi kartid. Waayoo loorka bariiska ah waxaad kala soo degtaa dekadda berbera canshuurtana waxaad gaysaa hargaysa.

    Halkaan waxaa ku xisaabtamaayo dad wax ku qeybsaday federaal qabiil aka hunguri. Hargaysa Halka aad canshuurta ka dhiibto kuma jirto federaalka qabiil ee koofurta yaal. Sidaas daradeed walleey kaa tahay wax danbi ah kuma lihid. Hadaad adigu jeclaato daano aadan laheyn in aad duudka saarato xitaa kuu qaban mayno waayoo waxaan dareemi karaa wax kugu qasbaayo.

    Oromo ayaa yaaban.

  19. Mr BaHaL says:

    Garqaad

    Aduu kala saara Hawiye iyo Mooryaan.Waxaa laga yaabaa inaad moodayso in aan Hawiye wax ka sheegayo.Haa Mooryaanta Muqdisho hawiye ayay qabiil ahaan u sheegtaan,laakiin dhaqan ahaan iyo ficil ahaan waa Mooryaan.,Somali aya asal ahaan u sheegtaan,laakiin midna dan u maaha,horena dan ugu may ahayn.Hawiye ayaa u baahan in Moryaanta laga xoreeyo.Hawiye ayaa u baahan in alshabaab laga xoreeyo,Mustaqbalka somaliyeed ayaa u baahan in xumaan oo laga xoreeyo.
    Hadaad Mooryaantaasi wadan soo liqay ee ilaa maanta laga noolaan laaya’ay ka mid tahay,haku xoqan Hawiye.

    Qabiilkasta waxaa ku jira Mooryaan ku shaqaysta magaca qabiilka.Kaliya way kala xooog badan yihiin.Mooyraanta waawayni waxay haystaan Mooryaan ka socota qabiilada yaryar.
    Hadaad Moryaan tahay,dee wuu ku dhibayaa hadalkaygu,laakiin hadaad tahay qof caadi ah oo somaliyeed waad garan lahayd waxan ka hadlayo.
    Hadaad leedahay runta ha sheegin,adiga ayay ku jirtaa.Laakin waad inaad ogaataa inay jiraan dad sheegikara runta.Meesha uu doono ayuu joogikaraa.

    Usc Moryaan ayay ahayd,wixi ay dhaleen iyo dhaqankoodiina wali waa muuqdaa.
    Alshabaab ayay dhaleen,burbur iyo boob ayay dhaleen,qaraxda ayay dhaleen waxaa socda oo dhan ayay dhaleen.

    Mooryaantu waa ciidankkii General caydiid.Waxaa jira kooxo ilaa maanta sii haysta dhaqankiisii iyo wixii sii dhaleen.

    Hadaan been ka sheegayo,dee sheeg waxa wanaag ah ee ay dhaleen.

    Maxay dhaleen oo faaiido ah?
    Hadad halkan la so fadhido Usc iyo aqli Mooryaaneed,waa inaad noqtaa Doqon aan damiir lahayn.
    Runtaan sheegaynaa,xaqa ayaan ku adimayaa.

    Sidee run lagu gaadhayaa hadii Daalinka laga aamuso?
    Sidee dad lagu noqonayaa,hadii la waayo qof yidhaa;waxaasaa qaldan?

    Ma waxaad doonaysaa inaan kaa aamuso adoo halkan ku so qoraya,magaca Usc?
    Saw ima xasuusinaysid dadkii Baydhabo ugu dhintay gaajada iyo haraad?
    saw ima xasuusinaysid,dadkii ay gaaladii waayeen meel ay cunto u mariyaan ee somaliyeed?
    Saw ima xasuusinaysid kuwan qaraxa lagu laynsyo ee Muqdisho?

    waxaan u malayn inaanad damiir lahayn.saa waad iska ilaawi lahayd magacan wasakhda ah ee Usc.

    Dalmida

  20. Mr BaHaL says:

    ficiladii Mooryaanta somaliyeed

    https://youtu.be/WSjQWsh7nXg

    Dalmida

  21. Kalsame says:

    Banuu aadamka caadiga ah sida uu u fekero markaan u fekerno oo aan haba liidatee dawlad yar oo astaamihii qaranka leh yeelanno, waxan oo dhan waa laga raysan. Maxayse kuugu taal, cidda dawladnimada rabtaa waa the only the victims… Daallim oo dhan ma doonayo law and order…

    Gabadhaa yar inta aan la aasin waxay ahayd in iyaka la hor aaso kurtigood, haddana waa tallaabo sax ah haba lala daahee…

  22. Kalsame says:

    Page-ka kale ayaan la rabay ee Caa`isha…




SAWIRRO+VIDEO: Madaxwaynaha Galmudug oo Booqday Taliska Ciidamada Xooga dalka ee Dhuusamareeb
- Feb 16, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ...
Gudoomiyaha Golaha Guurtida S.land oo Xaqiijiyey Safarka Madaxwayne Farmaajo ee Hargeisa [Muuqaal]
- Feb 16, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay ...
Xasan Daahir Aways oo Ka hadlay Go’aankii Madaxwayne Farmaajo ee Raalligelinta Somaliland !
- Feb 16, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah Muqdisho ...
MUUQAAL: Kaftanka Siyaasadda, Go’aankii Puntland, Gedo, Kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo Arimo Xiiso leh
- Feb 16, 2020
Boosaaso ( Kalshaale ) Kaftanka Siyaasadda oo Arimo Xiiso leh lagu soo qaatay ...
Maxaa kasoo Kordhay Wadahadalkii u dhexeeyay Dalka Qatar iyo Sucuudiga oo Xayiraad saaray ?
- Feb 16, 2020
Doha ( Kalshaale ) Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadidi ay Dalka Qatar ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!