MUUQAAL: Puntland oo ku Dhowaaqday Wakhtiga la Tooganayo Ragii kufsaday ee dilay Caasha Ilyaas

Gaalkacyo ( Kalshaale ) Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay Wakhtiga la fulinayo Xukunka Dilka ah ee lagu Xukumay Raggii Kufsaday ee dilay Caasha Ilyaas oo ahayd Gabadh Da’yar.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa la sheegay in Xukunka Toogashada ah uu ka dhici doono magaalada Boosaaso, Subaxnimada Talaalada ah , 11-ka Bisha 2-aad ee Sanadkan.

Cabdifataax C.raxmaan Warsame , C.shakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaam C.raxmaan Warsame ayaa lagu helay inay ka dambeeyeen dilkii iyo Kufsigii Caasha Ilyaas loogu gaystay Sanadkii aynu soo dhaafnay magaalada Gaalkacyo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 16)

  1. Kalahage says:

    Arrin fiican hadaan wax iska bedelin.waana ku bogaadinayaa maamulkan inay qabtaan cid kasta oo gabadh faraxumeeya.

    In laga xishoodo ma aha arintan waa in la diiwaan galiyo meel kasta oo kufsi ka dhaco.

    Waa aafo meel kasta oo soomaaliya ah ka jirta.

    Inta badan waa la qariyaa iyada oo la xeerinayo dhaqamo soo jireena.

    Waa horumar in la qoro dhacdo kasta oo dhacda.

  2. Land of Punt says:

    Xamar iyo meelo kale oo Koofur iyo Waqooyiba weli ma dhicin dad loo dilay sexual violence, dil iyo kufsi gabdhaha Somaliyeed lagu hayo.
    Wadanku waa isku xiran yahay hadda ka dibna gabdha kale Somaliyeed iyo reerkeedu cadaalada dalban.
    Hadda xitaa police ma tagaan waayo, waaba iska caadi,min cidna wax u qabanayn ogyihiin.
    Reeraha 3 wiil iyo reerka Caaisha labadaba waa u tacsiyadayn.
    Waa arin tragedy ahaa, in wax laga bartaan muhiim tahay. They deserved to die!

  3. Land of Punt says:

    In la cafinayn wiilashaas waxaan ogaa maalintii la qabtay! Dadka gobolka weligood waxay isku dili jireen gabdhar la faraxumeeyey ama geel iyo xoolo la kala dhacay.
    Ciid hal gabar waxaa u dhintay 100 nin, weliba marar badan…
    Dumarku waa wax rag lagu bahdilo, nin aan dumarkiisa difaacan karina waa gun.
    Dhulkaas marka beel la bahdilayo gabadhooda la kufsadaa ama geelooda laga dhacaa…
    Haddii raggii maali jirey ama beeshii gabadhooda la kufsaday soo mar bixi waayaan oo dhiigeeda dhiig loogu darin…gunimo ayey u yaqaanaan.
    Mudug iyo Bari colaad noocaas ah dhexdooda ah maanta naf uma hayaan.
    Waa xal beelaha, gabdho iyo wiilal lagu badbaadinayo mustaqbalka.
    Caaisho dhimatay AUN, ragii aakhiro u diray ayagana laga daba geyn. Al cadaalah..Justice

  4. Somalijecel says:

    Acww Haddii ay dhaqan gasho waa talaabo loo qaaday caddaalada,shaki badan ayaan ka qabaa.
    1-Qoyskii gabadha mag weydiideen.
    2-Falka waa la cadeeyay in gabadha la kufsaday lana dilay.Maxaa intaa loo hayaa?
    Puntland ma ahan maamul cusub oo aan maxkamadihiisu shaqayn.
    HADDII DILKA LAGU FULIYO CADAALADDII WEY SHAQAYSAY.Balse 3 nin oo MS waliba laandheere Cumar maxamuud ah in loo dilo gabar Wabeeneeye ah soo dhawayn ayay mudan tahay laangaab oo dhanna iftiin baa u baxay.
    @LOP aan ku saxo Garboharey oon maxkamad ka jirin 24hrs ayaa lagu dilay nin reer Xasan ah oo gabar Habar ciise,ah dil iyo kufsi isugu daray,laandheerenimo god ayaan ku hubsanay wiilka reerkooda 10nin magtood ayaa laga diiday Maxamuud Sayid Aadan ku xigeenkii Axmed madobe ayaa faragaliyay kuna fashilmay cadaalad ayay Somalidu u baahan tahay.

  5. Land of Punt says:

    Mudug maalinta nin la dilo, mag la qaataa ama aano qabiil la sameeyaa laakiin gabar marka la kufsado waa arin ka weyn mag, waa xiniinyo taabad= rag ma yihiin ciddaan.
    Mararka qaarkood wax ma hubsadaan marka gabar oynaysa oo la faraxuuneeyey cidda u timaado.
    Taariiqdii hore gabdhaha xitaa laguma saqajaami jirin waayo xasuuq arxandaro ah ayaa ku xigi jiray.
    Walaahi in kufsi laga aqoon Ciid ilaa Bari..
    Hadda aduunkii waa isbedelay kuwa magaalada degen..Kufsi beryahan soo baxay!!!!
    Waxaan oran jiray oo meeye beesheedii, walle dhiig baan u jeedaa.
    Beryahaan wax kale la isku dilaa sida tuulada anaa leh aka maha unukaa leh.
    Rag dhul isku dila.
    Somali dhaqankooda waan aqaan.
    Reer hebel gabdhahoodii siilka bari uga gurnay ayaa soo baxday. Yaab!đź‘Š

  6. Land of Punt says:

    Somalijecel
    Arinkaas waan maqlay..sorry waan ilaaway.
    Sxb dhaqanka waa saas, gabar kufsi lagu dilay beelo dhan ayaa isku dhamaaday.
    Ogow waxaas maalin kasta ka dhacaan aduunka, Sweden gabar Swedish 8 jir ah nin Eklund la yiraado ayaa xaday oo inta duurka geystay kufsaday week markuu haystay dilay…
    Ninkii waa la qabtay xabsi daain lagu xukumay..
    Sweden dad ma dilaan, ilaah in nafta qaadi karo aaminsan yihiin.
    Waxay aaminsan yihiin dilaagii haddaad disho dowladdana dilaa kale noqon.
    Laakiin anaga Muslim nahay waa dil, beelahana lagu kala baadin.

  7. Dusha says:

    Aniga wiilashaas dad baan isugu xignaa…..

    Laakiin waxaan taageerayaa xaqa iyo sharciga….waan qirayaa…waa arrin xanuun badan labada dhinacba….laakiin xaqu waa cadyahay….waa in sharciga la fuliyaa…..tani waxay badbaadin doontaa, alle idankii gaboodfal badan oo gabdhaha soomaaliyeed loola bareeri jiray….tani waxay ina baraysaa in gabdhaha soomaaliyeed qaali yihiin, inaan gaboodfal lagula dhici karin…..tani waxay na baraysaa in sharcigu ka sarreeyo qabiilka….tani waxay na baraysaa in isku hallayn qabiil aanay sharciga kaa difaacayn…..tani waxay na baraysaa maxkamadaha soomaaliyeed in la isku hallayn karo oo kiis sidan u xajmi wayn, una xasaasi ah ay fulin karaan….tani waxay ina baraysaa in sharcigu sarreyo oo laga baqo….tani waxay na baraysaa in shrciga loo hoggaansamo oo haddii qoyskaagu sharciga jebiyo, aad aqbashid sharcigana u hoggaansantid….waxaan rajaynayaa in kiiskani sida sharciga waafaqsan uu ku dhammaado…..waayo waxaa ku jira cibro iyo cashar qaadasho badan iyo badbaado ummadeed….waxaa kiiskani xiri doonaa albaab aafo iyo dhaqan xumo ah oo hadda inagu ballaqan, inagu furan….waxaan bogaadinayaa ugu horrayn dowladda puntland oo karti,bisayl, aqoon iyo dhabar adayg muujisay una jixin jixi weyday cadaadiskii badnaa ee saaraa…waxaa kaloo ammaan mudan, qoyska gabadha oo iyana iska diiday xaal masduur, kuna adkaystay una hiiliyey in sharcigu sarreeyo….waxaan kale oo ammaanayaa isimada waa weyn ee qoyska wiilashu ka dhasheen oo iska diiday inay ka qareemaan kiiskaas, iskana diiday cadaadis la saaray…isku soo duuboo….kiiskani waa cashar taariikhi ah oo shar iyo khayrba ku suntanaan doona mustaqbalka iuo milgaha gabdhaha soomaaliyeed oo dhan….

  8. Land of Punt says:

    Somalijecel
    Lagama daahin go’aanka weliba waxaan qabaa in lagu degdegay.
    Wadamada hore u maray Maraykanka ayaa dila dadka dil in geysteen lagu cadeeyo..marka u yaraato 15 sano qaadataa in la fuliyo dilka, waayo marka xukun ku dilayso qof ibnu Adam ah waa in 100% la hubo.
    Ayaga iyo maydka keliya ayaana is og, baaris ayaga is sheegsheegeen lagu xukumay.
    Weli waxaa laga yaabaa in wiilasha midkood ahaa dameeri dhaan raacday oo iska dabo socday kana qayb qaatay dilka iyo kufsiga, laakiin wax abuul ah ku lahayn ama shirqoolka.
    Maraykanka nin death row 20 sano sugayey ayaa la ogaaday in runtii asaga ahayn, DNA ka dib iyo war cusub la helay.
    2 sano gudahood in dil ku fuliso, waa Kangroo court.
    Waayo qofka marka disho naftiisa masoo celin kartid, waa in hubto oo xabsi kusii hayso.
    Dilka wiilashaan lalama daahin ee waa lagu degdegay..international rules.
    Albaab walba waa lasoo oodo oo 110% la hubo.
    Malaha Puntland way hubsadeen. I don’t know.đź‘‹

  9. Abdi jama says:

    Hambalyadda aan maamulka puntland u dirayo Waxaan lasugayaa maalinta caddaaladda lamariyo denbiilayaasha damiirlaawayaasha ah,
    Waxaan aamin sanahay inay inay dhibaateeyeen hablo farabaddan oo soomaaliyeed.
    Markaa bal aan sugno maalintaa labalan qaaday Caddaaladda caaishi ay helayso.
    Waa maalin ay ummadda soomaaliyeed iyo dhamaan dadka caddaaladda jeceli ay sugayaan
    FEBRUARY 11/2020.

  10. Land of Punt says:

    Dusha
    Kkkkkkk
    Ina adeer, haddaad wiilasha is xigtaan anigana beel ahaan waan is xignaa, taas oo macnaheeda yahay,
    Aqoon yahay Dusha waa Ina Adeerkay..kkkkk
    Dusha Aboobo miyaad ka timid? Kkkkkk
    Samir iyo iimaan Caaisha iyo 3da wiil…
    Indeed very tragic? Laakiin Ciyaalkaan qooqay oo guska la ordaya oo sexual violence carada keenay, waa daad u baahan in la iska mooso.
    They are tugs deserved to die, I wish in Puntland live time prison jiri lahaa sida Europe.
    But that’s what we have today.

  11. Hiilqaran says:

    Asc mr land of punt sxb hakufaanin anagaa ugu horeeyney nin gabarkufsaday oo latoogto waxaa idinkaga horeeyey reer gedo waxaana lagu toogtey magalada garbahaarey oo weliba adinku waad ladahdeen lakiin reer gedo horeey katogtaan waase arinfiican in aaqirloodifi bahalada gabdha cunaya wabilaah towfiiq

  12. sOmalilander says:

    Couldn’t care less.

  13. Mr BaHaL says:

    Hadii ragaasi la dilo waa talaabo hore loo qaaday oo xagga dadnimada loo qaaday.

    U malayn maayo in la dilidoono ragaasi.Duruufo badan ayaa ku gadaaman.Duruufo qabiil way ku gaadamanyihiin,dilal hore u dhacay way ku gadaamanyihiin,kufsi hore u dhacayna wuu ku gaadamanyahay.dawlad shraci ah oo amarka xoog ku fulisaana meesha kama jirto.
    In ragaasi la dilaa waa adag tahay,wayna dhicikartaa.
    Dalmida

  14. Kalsame says:

    Kalsame says:
    January 13, 2020 at 8:32 am

    Banuu aadamka caadiga ah sida uu u fekero markaan u fekerno oo aan haba liidatee dawlad yar oo astaamihii qaranka leh yeelanno, waxan oo dhan waa laga raysan. Maxayse kuugu taal, cidda dawladnimada rabtaa waa the only the victims… Daallim oo dhan ma doonayo law and order…

    Gabadhaa yar inta aan la aasin waxay ahayd in iyaka la hor aaso kurtigood, haddana waa tallaabo sax ah haba lala daahee…

  15. Baaruud says:

    Marka wiilashu da’daa dhallinyaranimada maryaan hormones koodu cirkaasuu marayaa, qofkii soo marayna waa ogyahay kii hadda ahina waa garanayaa. Mar haddaan wiilasha markaaba loo guurin karin oo dhaqaalahu diidayo, laba mid uun waa in yeelaa. Waa in sida carabta hablaha guryaha lagu xareeyaa oo la kala ilaaliyaa wiilasha iyo dumarku inay isu dhowaadaan. Haddii kale waa in lasoo celiyaa right light streets ka jiri jiray magaalooyinka, markaan magaalo leeyahay kama hadlayo daaro dhowr qof oo isku reer ihi meel ka taageen, waxaan ka hadlayaa cosmopolitan centres . Magaalooyinka dalku waxay lahaan jireen RED LIGHT streets, Hargiesa waxa la odhan jiray Fucking Street, Burco – white Taxi, Berbera – Jaamo Laaye, Mogadishu oo iyadu ahayd magaalada ugu dadka badan waxay lahayd 3 red light street oo kala derejo ah: Shaangani – 1st Class; Waaberi – 2nd Class, Buurka – 3rd class, waxa jirtay Beexaani laakiin taasi iyadu waxay ahayd scort business oo waa inaad Carab taqaanaa howlaha kuu fudueeya, Marka, Boosaaso iyo Kismayo intaba waa jireen. Haddii labadaa la waayo xaalku sidan uun buu sii ahaanayaa. Meelahan dadka dembigaa gala la ciqaabayo waa meelaha tirada yar ee nidaamku ka jiro ee dadka la ilaalinayo, ka feker dalka intiisa badan ee aan dadka cidina ilaalineyn.

  16. Elmi says:

    Aad baan ula yaabanahay nin Weyn oo soo qoraya wadamada hore u maray sida maraykanka adeer wax kaa Galay ma jiraan dhul baad leedahay iyo dhaqan ka fakar diintaada aduunkana Cilmi waa laga bowsadaa dhaqan lagama bowsado cid walba keeday raacdaa ama ha hour maternity ama ha dambeeyeen fadlan hays Yasina indhahana ha u taagina dal kale wax barashaduna ma aha in aad tussle u soo qaadato sida maraykanka iyo yurub waxa aan hadaka iga keenay ninkaas Tusaalaha u soo qaadanaya dilka




SAWIRRO+VIDEO: Madaxwaynaha Galmudug oo Booqday Taliska Ciidamada Xooga dalka ee Dhuusamareeb
- Feb 16, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ...
Gudoomiyaha Golaha Guurtida S.land oo Xaqiijiyey Safarka Madaxwayne Farmaajo ee Hargeisa [Muuqaal]
- Feb 16, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay ...
Xasan Daahir Aways oo Ka hadlay Go’aankii Madaxwayne Farmaajo ee Raalligelinta Somaliland !
- Feb 16, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah Muqdisho ...
MUUQAAL: Kaftanka Siyaasadda, Go’aankii Puntland, Gedo, Kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo Arimo Xiiso leh
- Feb 16, 2020
Boosaaso ( Kalshaale ) Kaftanka Siyaasadda oo Arimo Xiiso leh lagu soo qaatay ...
Maxaa kasoo Kordhay Wadahadalkii u dhexeeyay Dalka Qatar iyo Sucuudiga oo Xayiraad saaray ?
- Feb 16, 2020
Doha ( Kalshaale ) Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadidi ay Dalka Qatar ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!