Muuqaal : Amiirka Dalka Qatar oo Booqasho ku tagay IIRAAN iyo Xiisada oo la dejinayo

Tehran ( Kalshaale ) Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani Amiirka Dalka Qatar ayaa maanta socdaal lama filaan ah ku tagay magaalada Tehran ee caasimada dalka IIRAAN, si uu wada hadal ula yeesho Mas’uuliyiinta sar sare ee dalkaa uu ka mid yahay Madaxweyne Hassan Rouhani.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Booqashada ayaa timid xilli xiisado kacsanaan ah ay ka taagan Khaliijka iyo Bariga Dhexe, kadib dilkii Mareykan uu ku dilay Baqdaad Taliyihii ugu sareeyay ee Ciidamada Kacaanka Iran Qaasim Suleymani iyo gantaallo aargoosi ah oo Iran ay ku beegsatay bartilmaameedyada Mareykanka ee Ciraaq.

Dawladda Qatar ayaa  sheegtay in wada hadalladu diiradda saari doonaan “xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo dariiqooyinka kor loogu qaadayo loona xoojinayo, iyo sidoo kale horumarkii ugu dambeeyay ee gobolka iyo arrimaha gobolka iyo arrimaha caalamiga ee danaha labada dhinac”.

Qatar, oo aad ugu dhow Mareykanka laakiin sidoo kale xiriir adag la leh Iran, oo ay la wadaagto gaaska ugu badan adduunka, ayaa ku baaqday in si nabad ah loo xalliyo xiisadaha gobolka.

Booqashada Amiirka Qatar ayaa noqoneysa tii u horeeyay ee Hoggaamiye dal uu ku tago Iran, tan iyo markii la dilay Qaasim Suleymaani 3-dii bishii Janaayo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Oday jaamac says:

    KAN YARI XUUTINIMADIISA WAA CADAYSTAY HADAY AABIHII KATUURI LAHAAYEEN ARLADA NABAD BAA LAGU JOOGI LAHAA WAA CIYAALA MUSAAD, XASARADAN AABIHII BAA BILAABAY IYO KOOXDAN TUUGTA AH EE TUULADIISA XARUNTA KA DHIGATAY, KALIYA WAXAY KA SHAQEEYAAN SIDII WADAMADA ISLAAMKA FAWDO IYO DAGAAL LOOGA ABUURI LAHAA DIINTANA LOOGU GABAN LAHAA…

    SOOMAALIDUNA DAWARSIGAY KU TAAGEERAAN EE WAX QADIYADI NAGAMA DHAXAYSO, SACUUDIGAABA XASARAD LA’AAN SAKADA SIIN JIRAY HADAY CAQLI LEEYIHIIN…

    DAWARSI.COM SHUQUL MARYOOLEY…




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!