Madaxtooyadda Puntland oo War Cusub kasoo saartay kulankii DENI iyo Amb. Yamamoto

Garoowe ( Kalshaale ) Madaxtooyada Puntland ayaa war cusub ka soo saartay kulankii madaxweynaha maamulkaasi, Siciiid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya, Ambassador Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Boodsaaso ee gobolka Bari, sida lagu sheegay qoraalka “Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku yimi Boosaaso”.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in kulankaan loo hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Puntland iyo Maraykanka, la dagaallanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha, deyn cafinta iyo doorashada 2020 illaa 2021.

“Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya donald Yamamoto, waxay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya.”ayaa markale  lagu yiri qoraalka.

Safarka Yamamoto ayaa noqonaya kii labaad ee uu ku tago Puntland, isagoo sanadkii hore sidaan oo kale ugu tegay booqasho gaaban.

Puntland ayaa ka mid ah maamullada sida weyn uga soo horjeeda hanaanka ay wax u wado dowladda federaalka, gaar ahaan qaabka loo wajahayo doorashada soo socota.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Galmudug: Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Qiimaha Lacagta uu Codka Xildhibaanku Gaadhay
- Jan 17, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb Lagu dooran doonaa Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.  ...
Daawo Qosol : Soomaalidii Geella dhaqan jirtay oo Australia kala Hadashay Arinta Geella la dilayo
- Jan 17, 2020
Nairobi ( Kalshaale )Soomaalidii Geella dhaqan jirtay oo Australia kala Hadashay Arinta Geella la ...
Warbixino Xiiso leh : Xiisada Masar iyo Itoobiya, Putin oo Qorshe yaab leh wada iyo Qodobo kale
- Jan 17, 2020
Laascaanod ( kalshaale ) Warbixino Xiiso leh : Xiisada Masar iyo Itoobiya, ...
Daawo: Jabuuti oo ka hadashay Maxkamad DP-World ka dacwaysay “Jabuuti Shirkad Gumaysi kama yeeli doonto”
- Jan 17, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Jabuuti oo ka hadashay Maxkamad DP-World ka dacwaysay ...
MUUQAAL: Gabadh Soomaaliyeed oo Xildhibaanad ka ah Switzerland, Nolosha dalkaasi, iyo Safarkeedii Somalia
- Jan 17, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Gabadh Soomaaliyeed oo Xildhibaanad ka ah Switzerland, Nolosha dalkaasi, ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!