IIRAAN oo Xabsi dhigtay Safkiirki UK Iyo Qaabka Lagu soo daayey [Warbixin]

London ( Kalshaale ) Safiirka Dalka K ee Waddanka Iiraan Rob Macaire   oo ciidanka nabadgelyada ee Iiraan ay xidheen muddo 3 saac ah kaddib dibadbaxyo waaweyn oo kadhacay Tehraan ayaa dib u helay xorriyaddiisa.

Qabashada danjiraha ayaa timid kaddib markii lagu eedeeyey in uu taageeray Bannaanbax looga soo horjeedo xukuumadda Iiraan kaddib markii ay qiratay in ay si qalad ah u ridday diyaaraddii UIA taas oo ay kudhinteen 176 qof oo saarnayd.

Ciidanka Nabadgelyada ayaa xiray danjiraha UK ee Tahraan fiidnimadii Sabtiga muddo 3 saac ah kagadaal Isu soo bax ay arday kaqaybgaleen oo kadhacay bannaanka jaamacadda Amiir Kabiir ee Tahraan kaas oo lagu dalbaday in uu xilka kadego hoggaamiyaha sare ee Iiraan Cali Khamanie, sida ay kuwarrantay Warbaahinta Iiraan.

Xarigga Rob Macaire Danjiraha UK ee Waddanka Iiraan waxaa soo farageliyey Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Iiraan iyada oo ku guuleysatay sii deynta Safiirka.

Wasaaradda Arrimaha dibadda UK ayaa cambaareysay xarigga danjireheeda iyo sida loola dhaqmay waxa ayna ku tilmaantay xariggaas kutusho cad oo loo geystay xeerka caalamiga.

Wakaaladda Wararka ee Tasnim (Tasnim News Agency) oo laga leeyahay Iiraan ayaa sheegtay in laqabtay Rob Macaire Danjiraha UK intii uu socday bannaanbax lagu qabtay bannaanka mid kamid ah Jaamacadaha Tahraan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Galmudug: Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Qiimaha Lacagta uu Codka Xildhibaanku Gaadhay
- Jan 17, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb Lagu dooran doonaa Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.  ...
Daawo Qosol : Soomaalidii Geella dhaqan jirtay oo Australia kala Hadashay Arinta Geella la dilayo
- Jan 17, 2020
Nairobi ( Kalshaale )Soomaalidii Geella dhaqan jirtay oo Australia kala Hadashay Arinta Geella la ...
Warbixino Xiiso leh : Xiisada Masar iyo Itoobiya, Putin oo Qorshe yaab leh wada iyo Qodobo kale
- Jan 17, 2020
Laascaanod ( kalshaale ) Warbixino Xiiso leh : Xiisada Masar iyo Itoobiya, ...
Daawo: Jabuuti oo ka hadashay Maxkamad DP-World ka dacwaysay “Jabuuti Shirkad Gumaysi kama yeeli doonto”
- Jan 17, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Jabuuti oo ka hadashay Maxkamad DP-World ka dacwaysay ...
MUUQAAL: Gabadh Soomaaliyeed oo Xildhibaanad ka ah Switzerland, Nolosha dalkaasi, iyo Safarkeedii Somalia
- Jan 17, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Gabadh Soomaaliyeed oo Xildhibaanad ka ah Switzerland, Nolosha dalkaasi, ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!