Xildhibaanadii Galmudug oo la Dhaariyey iyo Musharax Odowaa oo War Cusub soo saaray [Daawo]

Muqdisho ( Kalshaale ) Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug , waxaa Galabta lagu dhaariyey Xildhibaanadii Cusbaa ee Galmudug, Iyadoona Halkaasi lagu Qabtay xaflad lagu dhaarinayo xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Musharax Madaxwaynaha Galmudug Cabdiraxmaan Odowaa ayaa soo dhoweeyay Dhaarinta Xildhibaanada Cusub ee Galmudug, Wuxuuna codsaday in la xaliyo Waxyaabaha kale ee Muranku ka taagan yahay.

Xidhibaanadan oo shalay si rasmi ah ay ugu dhowaaqeen guddiga farsamada dhismaha maamulka Galmudug ayaa gaadhaaya 83 xildhibaan, Waxaana sidoo kale Jira Xubno ka dhiman Baarlamaanka oo maalmaha soo socda lasoo dhamaystiri doono.

Dhinaca kale Musharax Odowaa  ayaa ka Codsaday Gudiga Doorashada iyo DF Soomaaliya in Musharixiinta loo Cadeeyo Qaabka ay u dhici doonto Doorashadu, Siday ula socdaan.

Ugu dambayntii wuxuu fariin u diray Xildhibaanada Galmudug, Wuxuuna sheegay inuu maanta Gacantooda ku Jiro Masiirka Galmudug, Wuxuuna ku baaqay inay ku Go’aan qaataan waxay ku jirto Danta Guud.

Xildhibaanada   cusub ee Galmudug  waxaa si weyn ugaga soo horjeestey madaxweynahii Wakhtigiisu dhamaaday ee  Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf isagoo sheegay inay yihiin xildhibaano been abuur ah, Waxaana  Xildhibaanada la bedelay ka mid ah guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 17)

  1. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin.
    Ninkaan xildhibaan Odawaa waa daanyeer. Waxuu lamidyahay dhamaan waxa meesha yaacaya ee caqliga xun. Kulahaa halaxaliyo waxyaabaha dhiman? Stupid, daanyeer beenlow ah.

    Wax eey xallin karraan qashinka aad kamid tahay ee Dhuusamareen iskugu tagay, iyo kuwa villa Mogadisho lagu ilaaliyo ee rabba in eey natiijada maamuleed ee halkaas eey manipulate gareeyaan, xukumaan waa wadda munaafaqiin, beenlowyaal, caqli iyo karti xun.

    Adiguse mid ayaan ku xasuusin iyo Somalida kale, beesha Saleebaan dhif iyo naadir waaye in laga hello daanyeer. Hadeer adiga waaye daanyeerka ciyaala suuqa ee rabba in uu soo baxo. Sidee baad u joogtaa gogol munaafaqnimo, sidee baad qeey uga noqon kartaa wax eeysan beeshaada rabbin, oo waliba eey ku saxsantahay kadib markii balamahii iyo cahdigii lagu heshiiyay looga baxay?

    Madaxweeyninimo bug ah ayaad ka dooratay beeshaada, hadii eeysan ku xisaabin beeshaada oo eeysan kula xisaabtamin, iyaga ayaa ku sifoobaya daanyeero in eey yahiin.

    Dalmida.
    God bless Somalia.

  2. NuurkaNederland says:

    XAQIIQDII ODOWAA RAG BADAN OO AAN KU ARKO MEESHA NUUKA FIICAN YAHAY! WAASE HADUU INYAR KUSII DARO,AMA ISU ARKO INUU YAHAY NIN QARAN EE AANU AHAYN NIN QABIIL!!!.
    NO MAHAD SALAD.IWM

  3. Garqaad says:

    Cadaado waan ku salaamay aqoonyahan.

    Galmudug hal rajo ayaa u hartay. Rajadaas oo ah in ay doortaan wiilkan yar ee ina odawaa ah.

    Sxb Mr odawaa Maaha nin wax dumiyo ee waa nin wax dhiso. Maamul kasto oo galmudug yeelato in uu u hambalyeeyo waa ku saxan yahay sidaan isleeyahay. Waayoo isagu wixii qaldamo muusan qaldin. Wixii musuq maasuq ah isagu muusan sameyn. Markii intii uu ka hor imaan lahaa wixii la dhisay Aniga aragtideyda waa igula saxan yahay in uu dhanka wanaagsan ka eego.

    • Cadaado says:

      Garqaad waan kusalamaay caaqil.
      Waan ixtiraami aragtidaada.
      Qalad ayaan u arkaa ninka rabba in maamul qabiil lagu dhisay, oo uu qabiilkiisii raali ka’aheeyn rabba in uu isaga raali ka ahaado.

      Meesha qabiil ayaa wax lagu qeeybsan, oo afkaar iyo xisbi laguma socda, markaa qofkii iska socda, oo kaligiis iska qaraabanaya oo aanan tixgalineeynin waxa uu qabiilkiisa rabba, waliba waxa hadii eey xaq yahiin, waa ila qaldanyahay.
      Dalmida.
      God bless Somalia

  4. C/Raxmaan says:

    War ma kaligey baa yaaban , mise dadku way ila arkaan waalida reer-galmudug . 83 xildhibaan ! Qaarkalena way dhimanyihiin . Marka la iskudaro xilmadhibaanada + wasiirda + kuxigeenada + maamulka dhexe iyo madax-kusheegta sare waxay tirada gaareysaa dhawr boqol . Hadaba waa iney reer-galmudug iyo cidkastoo sameysaneysa maamul yaqaanaan qiyaasta daqli-sanadeedkooda soogalaya iyo baahidooda adeeg. Mise waxuba waa maxaan cunaa . Oo maxaa loogu adeegayaa bulshadii bixisay canshuurta ? Waxaa iimuuqata FUUSTO daloosha oo la doonayo in la buuxiyo . War reer-galmudug ma lagawaayey wax miyirqaba oo yiraahda SUURTOGAL ma aha waxaan .
    —————
    – Shalay baa looraray oo caloosha looga CAYMIYEY , maantana wataa mar kale loo malmaluuqaya . Qodobo qafiif ah baa lagu qodbayaa = Expiry date February 2021 !
    – Tolow ma la miyirsandoonaa , mise anigana markeyga ayaan dhisandoonaa Galmudug ! Xasan Sheekh baa ku qasaaray muluqmuluq iyo gacan-kurimis . Farmaajo & Kheyrana markooda ha uga gubtaan gacmaha .
    ——
    Xalka waxaan u arkaa in maamulada / deegaanada iyaga faraha loogaqaada maamuldhisashadooda , lagana caawiyo :
    – Amniga
    – Dhaqaalaha
    – Farsamada / aqoon/talo iwm
    – Muddo cayiman
    – Iyo ugu dambeyn aqoonsi/ shabadda.
    ——- Markaa kadib hadey wax dhisanwaayaan lagala wareega awoodda maamul-dhisidda .

  5. C/Raxmaan says:

    Waxaa iimuuqata inaan la isticmaalin qaacidadii aheyd ” Qofka / kooxda saar waajibaadkooda oo sii xaquuqdooda . Waayo siyaasadda shaqeyneysa waxaa sal u ah qaybinta dhaqaalaha bulshada ( Kadib soo ururinteeda ) . Lkn halkan = Somalia lamaba gaarin heerkaas oo amni l’aan ayaaba hortaagan nidaamkii dawliga ahaa. 8 sano kadib wali lamasugin amnigii.
    ——
    Loomabaahno :

    – Safiirro.
    – Safarro dibadda ah .
    – Shidaal iyo qayraad xaraashid .
    – Heeso iyo xaflado.
    – Dabaaldeg iyo damaashaad .
    – Mucaarad iyo muxaafid.
    ——— Waxaa loobaahanyahay in ay CID un la wareegto gacankuheynta dalka gees ilaa gees , tasoo lagu dhexwadayo dhisidda tiirarka dawliga ah . Laba sano ka badan ma qaadaneysa arrintan , haddii Loo hagarbaxa .
    ——- Anigu waan qabaa fikirka ah iney shacabka Soomaaliyeed diidaan bixinta canshuurta , ilaa ay ka helayaan maamul fulinkara adeegga bulshada / dawliga ah .
    – Alshabaab waa in losoo afjaraa , ka adkaansho iyo heshiis mid kood . Oyna aheyn waa iney iyaga lawareegaan talada dalka. Waxa u dhexeeya labadaas waa YACYACOOD.

  6. Dabshid says:

    * Jidkii Qarjaf waaye, jugtiina wali waa jirtaa

    * Lafta-Gareen Mudug ma joogto, Beesadana tii Bakaaro waaye.

  7. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin.
    Macallin C/raxmaan, Maasha’Allah waa talooyin wanaagsan qaasatan mareega dambe. Waan kugu raacsanahay xigmadda iyo xalka meesha uu ku jirro oo aad nala wadaagtay. Waana hubaa in meeshaas kusoo dhamaan laheeyd dowlad la’aanta iyo rafaadka dadka Somaliyeed heeysta.

    I especially like, canshuurta bixinteeda in dsdka eey diidaan hadii aanan wax loo qabta eeysan jirrin.

    Aduunka waa soo mareen waxa Somalida heeysta maantay, oo waxaa imaan maalin dadka eey soo heeystaan oo eey diidaan in kuwa wax matarayaal ah oo aanan waxba u qaban eey canshuur ka aruursadaan. Laakiin, nassib darro waqti ayeey nagy qaadan in aan fahanno waxa aad ka hadleeyso.

    Dadka caqliga leh umaddaha kale waxa soo marray ayeey darsaan oo wax ka bartaan, si eey ugu noqoto qish camal oo eeysan ku rafaadin wax eey dad horre kusoo rafaadeen.
    Dalmida.
    God bless Somalia

  8. Mr BaHaL says:

    Mr Cadaado

    Mr Odawaa,ma wado dan uu Reerka Saleebaan ku soo heshiiyay.Maaha isaga oo kaliya,ma jiro shaqsi ku sheqeeya waxa Tolku rabo.Tolku ha ahado Tolka somaliyeed ama Tolka qabiilka e dadku dabo gaar ah ayay u socdaan.

    Mr Odawaa,wuxuu ka midyahay dadka somaliya horbooda ee danaha wadaaga.
    Dad dantooda u socda oo aan u soconin mid somaliyeed iyo mid qabiil midna.

    Waa nin qunyar socod ah,yara macquul ah,laakiin hadiiba uu taladii Tolka ka horyimid,dee waa nin ka mid ah dadkan danaha u socda ee somaliyeed.

    Dalmida

  9. Cadaado says:

    Mr. BaHaL,
    Waa sidaas probably xildhibaan Odawaa waxuu u socdaa danahiisa shamsi, nasiib darro waxaa jirra dad aanan fahamsaneeyn oo u maleeyo daanyeerkaas magacooda xildhibaan, wasiir amaba madaxweeyne ku noqonaya in uu danahooda la shaqeeynnaya.

    Laakiin waa jirraan beelo Somaliyeed oo si fiican iskugu xirran ugu yarraan dadka matala eey ka dhaxeeyaan danaha qabiiladooda, labadaas reerna waa Majeerteen iyo Isaaq. Waana qabiilada aan ugu yeero qabiilada is abaanulay.

    Inta kale Somalida waa agoontii kacaanka, oo kuwa daanyeero ah oo danahooda shaqsi watta ayaa magacooda ku qaraabta.
    Dalmida
    God bless Somalia

  10. Hodan says:

    In qof binu aadam ah oo anad aqoon u laheen la caayo waa xaraam ninkan ama gabadhan cadoodo sitataay please jooji cayda qofbaa comment ka aad halkaan ku dhaafto akhriyaaya kana xumaanaya anigu shaqsiyan markaan arko sidaad wax u caayayso waan ku naxaa waxan halkaa ka arkaa how difficult your life is qof caadi ah ma tihid qof aad caydo waxba kuma saxaysid please stop xumaanta iyo cayda badan

  11. Cadaado says:

    Hodan,
    kkkk shaqo yeelo qofyahay. Maxaa anniga iigu mashquulee?

    You have no idea how difficult my life is, lols. Qof caadi matihid oo aad i dhahdo ayaad moodaa in aad wax sheegtay.

    Qofkii caqli leh waxuu fahmi karraa in aad waxa aad ka hadleeyso aadan ogeeyn, therefore, waxa aad igu sheegeeyso aadba adiga qabtid. Daanyeerad guulwade ah ayaad tahay. Nolosheeydi walaahi in aadan gaari karrin, ee shaqo yeelo daanyeeryay. Waxba ha i wacdin, ee adiga wax isku sheeg, naayaa, lols. Adiga oo kale waa jalmadda, kirliga ku caaya digsiga waa madowtahay.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  12. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Cadaado, war ruuxyahow adeernimo ma istaahishide Saleebaana ma tihid OO waxba lama wadaagtid NINKII 1991di waagi Waallida KU canaanay Horjooge-yaashiisi; “War sow idinma Dhihin NINKI layga dilo iyo kii aan dilaba duuga? Waa maxay Maydka iska bilqan oy haadu cuni?. °Adiguse waxaad dhihi lahayd WAA FAQASH!!!. °Daanyeeryahaw haddaad 100le tahay gabadha u hoyo oo raalli geli AMA sanka kor utaag Camankana buur ee dheh MA ANAA GABAR, Raalli ahaaw u quura?!!!. ≈Yaa ciyaal suuq xishood laawe. WBT

  13. Cadaado says:

    Ahmed Somali,
    Hehehe, qadkeeyga hasoo galin, ok? Anniga, lols, ha’igu qaldin dadka aad oo adeer iyo wax aadan istaahilin kuugu yeero.

    Naagtaan iyo annigana dhexdeena kabax.Somalina waxba ha i barrino, hadii kale…
    Dalmida.
    God bless Somalia

  14. Nasra says:

    Ilaahoow odawaa madax ha ugadhin umad Soomaaliyeed adaa qaadir ah.waayo waa hubaa in uu xag diin iyo dal aanu wax tareeyn




DAAWO: Faysal waraabe oo Hargeisa kusoo Noqday Kana Dayriyey Xaalada Somaliland +Shir
- Feb 20, 2020
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Hargeisa dib usoo noqday Gudoomiyaha Xisbiga UCID ...
Daawo Muuqaal: Habaynka Dalxiiska iyo Damaashaadka oo Muqdisho lagu Qabtay
- Feb 20, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Habaynka Dalxiiska iyo Damaashaadka oo Muqdisho lagu Qabtay
MUUQAAL: Taliyaha Booliska S.land oo shaaciyey Qorshe ay shacabka Kula shaqaynayaan
- Feb 20, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Taliyaha Booliska S.land oo shaaciyey Qorshe ay shacabka Kula ...
R/wasaare Khayre oo Booqday Askar kusoo dhaawacmay Difaaca Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed
- Feb 20, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa Cisbitaalka ...
Mid kamid ah Raggii diley Caasha Ilyaas oo Heshiis Mag ah lagu Sii daayey [Warbixin]
- Feb 20, 2020
Boosaso ( Kalshaale ) Heshiis lagu sii daynayo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ka mid ahaa ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!