MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo kasoo Noqday Eleteriya iyo War Murtiyeed kasoo baxay Kulamadii

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood ah oo uu ku joogay Eriteriya, waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Asmara kusoo sagootiyay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wada hadallada labada Madaxweyne waxaa laga soo saaray War-murtiyeed wadajir ah oo xoojinaya xidhiidka iskaashiga labada dal, xaaladihii u dambeeyay ee amniga gobolka iyo taabbo-gelinta Heshiiskii Saddex-geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya.

Intii lagu gudajiray booqashada, labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wadahadallo qotadheer oo ku aaddan xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee labada dal.

Labada Madaxweyne waxa ay iyaga oo ku qanacsan isla qireen koboca ballaaran ee ku yimi iskaashiga labada dhinac laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018, kaasi oo ku qotomay saaxiibtinnimada iyo Iskaashiga loo dhan yahay.

Labada Madaxweyne waxa ay sidoo kale bogaadiyeen horumarka laga sameeyay iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya oo ku salaysan Heshiiskoodii Saddex-geesoodka ahaa ee bishii September, 2018.

Labada Madaxweyne waxa ay hoosta ka xarriiqeen in, ka sokoow caqabado iyo dhibaatooyin daba-dheeraaday, xaaladda gobolku ay tahay mid suurtagelinaysa in la helo iskaashi waara oo waxtar leh oo ka dhaca Geeska Afrika.

Madaxweyne Isaias iyo Madaxweyne Maxamed waxa ay mar labaad ballanqaadeen xoojinta dadaalkooda ku aaddan in la dardargeliyo Heshiiska Saddex-geesoodka ah iyo guud ahaan iskaashiga Gobolka.

Xaaladda Soomaaliya, labada Madaxweyne waxa ay bogaadiyeen horumarka la taaban karo ee la gaaray, iyaga oo isla markaana tilmaamay in dib u dhiska buuxa ee Soomaaliya aan weli la gaarin meeshii laga doonayay.

Tani waxa ay ugu horraynta u baahan tahay yagleelidda hay’ado dowladeed oo xooggan isla markaana wax-ku-ool ah sida hay’addaha difaaca iyo amniga, iyo sidoo kale dib u soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo kaabeyaasha bulsho.

Sidaasi si lamid ah, waxa ay isku afgarteen inay labo-laabaan dadaalka lagu xoojinayo madaxbannaanida, nabadgelyada iyo ammaanka Qaran ee Soomaaliya iyo in sare loo qaado horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxa ay dhammaan saaxiibbada Soomaaliya iyo Gobolka ugu baaqeen in ay taageeraan go’aanka Soomaaliya ee ku saabsan qorsheynta arrimaha hortabinta u leh iyo in ay xoojiso hay’adaheeda qaran iyo awooddeeda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi waxa uu Madaxweyne Isaias uga mahadceliyay martisoorkiisa iyo garab istaagga joogtada ah ee Ereteriya la garab joogto Soomaaliya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 11)

  1. Mr BaHaL says:

    Mr Cadaado.

    Waan ku salaamay.

    Horta anuu ma lihi – mana odhanayo yaan lala hadlin Formaajo iyo khayre.Laakiin systemeka dawladnimo ayaan leehay ha lala shaqeeyo.

    Formaajo waa shaqsi somaliyeed oo ka mid ah bulshada somaliyeed.Wax aniga iyo ninkaasi naga dhexeeya oo aan ahayn rag somaliyeed ma jiraan.
    Kahyre waa sidaa oo kale.

    Ujeedakayga ayaa ah in la dhawro waxa ay somaliya u hayaan oo qaylada laga daayo maadadaa oo qaylo iyo buuq soo daashaday Ummada somaliyeed.

    Waxaan u haystaa inaan saxanahay.Jidka la soo maray iyo meesha la jooga ayaa iigu filan inaan barto qaabka ay fikirayso Maryoolay.

    Cashuurtayadii ayuu cunaa.Reerkiisa cashuur kama keeno.

    Dadka somaliyeed waa dadka heerkaasi taagan.waa dadka maraya heerka noocaasi ah ee aad u hooseeya.
    Annagu maamul ayaan dhisanay,annagu shirbaan qabsanaynaa,annagu waanu go’nay,beesha caalamka ayaan u sheegaynaa kk

    Waa Ummad u baahan in loo gurmado oo dambas noqtay.

    Hadii la eryado,oo ayba iska tagaan – ka yimaadana sidaa uunbaa loo qyalindoonaa.
    % 90 waxa qaylinayaa waa Tuug iyo alshabaab.Waa dadka ay somaliya u afduuban tahay.waxaa soo raaca in yar oo sax ah.

    %90 qaraxyada dhacayaa waxay salka ku hayaan dano dhaqaale.Alshabaab waxa ku haya Muqdisho kooxaha dhaqaalaha ku haysta Muqdisho iyo dibadaha.Waxaa soo raaca shisheeyaha danaha kale somaliya oo ku xidhan kooxaha somaliya u afduuban tahay.
    waxaa i la quman in kuwaasi awooda la saaro oo si midaysan looga horyimaado intii awooda la saari lahaa mucaaridada dawlada.

    Waa in qaraxyada lala dagaalamaa inti dawlada lala dagaalami lahaa.

    Wax la mucaaridaba iima muuqdaan.
    Dalmida

    Dalmida

  2. Oday jaamac says:

    MADAXWEYNAHA NEW EAST AFRICA: AFWERKI
    RAYSULWASARAHA………. : ABIY AHMED
    GUDOMIYAHA BARLAMANKA…..: FARMAAJO

    ISBAHAYSIGA CUSUB QAABKA UU UMUUQDO ..
    SUPPORT AFWERKI LED COALITION ,WAANA BOSSKA CUSUB OROMIGA HADA USAGAA U TALIYA
    HADUU ISWAALANA TIKREA GAA OODA LAGA QAADAYAA. MARKA KOOXIHIINII WALAALAHA
    AMXARADA/TIKREA GA SAA U FAHMA ARINTA..
    INTAAD SOMALINIMO KA CARARAYSAAN WAA LAYDIIN TASHAN MARYOLEY LIKE IT OR HATE IT..

    FAKELAND KIDS WARKA WAA HAYSAAN….
    WALAALIHIINA CUSUB: OROMOS/ERITREANS NO MORE AMHARAS/TIKREAS..

  3. NuurkaNederland says:

    WAR NACNAC UMA BASHNINE NINKU DJIBOUTI & ERETERIA DHEXDOODA NABAD MA KA KEENAY!!?.
    SHAQADA MADAXDA AFRICANKU BILAA QORSHAY KU KULMAAN MARKAASAY KUSOO KALA TAGAAN!!HADHOOW MARKA LAWEYDIIYANA WAXAY DHAHAAN DANAHA LABSDA DAL BAANU KA WADA HADALAY & IN LASII XOOJIYO XIRIIRKA LABADA DAL!!!!!!.
    OO ADEER TAAS TEL:ISGARSIN BAA LAGU DHAMAYN KARAAYE MAXAA SABABAY SAFARKA!!!?
    YAA OGHEE!!!WAYSKA TEGEY OO ISKA SOO NOQDAY!!!LKN WAXAAMN FILAYAA IN LACAG YQR LOOGU SOO MARIYEY ERETERIA OO UUSOO XAMBAARTAY (BY CASH).

  4. NuurkaNederland says:

    L A A K I I N!!!!.
    MARXUUMADII SAADO CALI AHAYD BAA TIRI:
    DHOOBADU SHIIDAAL MALEH.
    DHABTA HOOYO QODAX MALEH.
    WAX KU DHAAMA ADI MA LEH!!!!(AABBE SIYAAD).
    ANA WAXAAN LEEEYAHAY WALI FARMAJO WAX DHAAMA MA LEH!!!.
    XERADAYADU WAA WADA ULOO ULL LA QAATO MALEH!!!.
    WAAYO!!SAA SHARIF & XASAN SH BAABA INA SOO XUKUMEE!!!!
    INAGAA DAD XUN AH MARKAASAA ILLAAHAY NAGU KARBAASHAY MADAX XUN!!!.SAXEEX ANAA KULEH

  5. Cadaado says:

    Mr. BaHaL, waan kusalaamay aqoonyahan.
    Waan kugu raacsanahay sida aad u analyze gareeysay qaraxyada iyo alshabaab iyo daaanyeerta meesha ku heeysa, waana runtaa. Laakiin aan kuugu darro, oo hadaad rabta igu diid, Farmaajo iyo Kheeyre iyo labadooda beel Mareexaan iyo Murusade waa dadka ugu horeeya iyo sababta loo doortayba labadaan nin in argagixisda alshabaab eey soo laba kacleeyaan. Qeeyb ayeey ka yahiin dadka taaageera argagixisda alshabaab.

    Dadka Somaliyeed in eey nacasyaal yahiin, waa eey wareeystaan, oo xabsi ayeey cunto kusiiyaan kuwa leeynaya marka lasoo qabta. Meeshii larabay in la toogta oo la dillo.
    Daanyeero.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  6. Garqaad says:

    Somaliya wexey u baahan tahay madaxeeyne waqtigiisa ku bixiyo arimaha gudaha.

    Somaliya wexey u baahan tahay madaxeeyne fahansan siyaasadda somaliya.

    Waxaan u baanahay madaxweyne daacad ah.

    Intaasna meel ugama sifeysno Mr farmaajo.

    Hadda mexey soo kordhineysaa. Mar itoobiya u carar ee ciidan aad dadkaaga u adeegsato soo waydiiso.
    Mar ereteriya u carar ee ciidan soo waydiiso.

    Madaxweyne farmaajo. Wuxuu wadaa qorshe at isku ogaayeen abiye axmed iyo afwarki.

    Qorshahaas oo ah in ereteriya ciidan u soo dirto somaliya si uu farmaajo u soo laabto. Marka farmaajo soo laabto oo barlamaan cusub yimaado. Waxaa barlamaanka cusub la hor keenayaa 4 dekadood ee itoobiya loo saxiixay.

    Mr farmaajo xaqiiqdii waa lagu qaldamay waayoo.

    Wadani Maaha.
    Daacad maaha.
    Aqoon iyo karti uu dad iyo dal burburay isugu keeno malahan.

    Hadii farmaajo soo laabto somaliya wexey ku dhici doonta dabin aysan weligeed kasoo laaban.

    Xaqiiqdii dadkii farmaajo tageeray Markii la doortay ee u sacab tumay maanta qasaaro iyo shaleyti ayey joogaan.

    Maanta dowladda farmaajo 2 qolo unbaa tageerto.

    1 qolo ookiyaalaha qabiilka hago oo aan wax kale ogeyn.
    2 qolo jeebka wax loogu shubo ama akoonada losoo marsiiyo oo kistoodo ilaashada.

    Maanta shacab ama aqoonyahan somaliyed ee inta aan sheegay aysan hageyn. Waa kasoo wada horjedaan. Dowladaan.

    4 sano oo qasaaro ah shacabka somaliyeed way la kulmeen. Hays dhaafiyaan ninkaan xanuunsanaayo.

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      Garqaad, anaa kaaga Marag AH, waddankani rajo malaha intuu madax u yahay mid DAACAD AH oon tuug ahayn oo aan la qabsan karin boobka hantida Qaran oon ka shiqaynayn kala qoqobnaanta Somali THUMMA THUMMA THUMMA aan doonayn Qaran Qabiil u taliyo. °MA doonayno mid ay ummaddu u simantahay WAXAAN rabna Mid fiican oo sida XASAN DHUUNI wax dhaca. WBT

  7. Dabshid says:

    Aniguna waxaan lahaa Hargeyso ayuu ka degidoona maalintii la doortey,
    Asna Kismaayo ayuu lugta dhigiwaayey.

    ‘Nina Villa Xamar ayaa u muuqato, nina Koofur iyo Waqooyi.

    * Maamulka Banaadir State waa
    Nin shaxaad kula shirkoobey, iyo Nin Ciid iyo Canshuur kula shirkoobey.

  8. Land of Punt says:

    Oday Jamac
    You fucking daanyeer, Tigrey Afawarke iyo Tigrey Meles in kala doorato waa la yaabay, oo maxay kuu kala yihiin?
    At least Tigrey Affawerke waa dowlad oo wax ii dhimi karaa laakiin gobol Tigrey Ethiopia wax iima dhimi karo.
    Dad adiga aqligaaga oo kale leh inta joogaan Somali xagee gaarin……Fucking idiot.
    Horta xageed naga soo salaantay? Daanyeer ciilan oo laangaab ah sidiisii u hadlaysaa.
    Haddaad qabiil Caynayso noo sheeg adna qabiilkaaga.
    Fulay fulay dhalay…👊

  9. RAAMALEEY says:

    WIXII xumaada xaaalkeeda WAXAA masuul ka AH shacabka Qalbigooda iyo jeebkooda UU kabuuxo XAARAANTA iyo Cuqdada qabiilaysan WAR nabsi BAA SOOMALIYA iyo DADKEEDA haya hala xejisto muqdisho KISMAANYO baraawe baydhabo gaalkacayo marka buuaale afgooye jawhar iyo hiiraan WAXAA gaaray wixii xumaan DHIIG sokeeye iyo Agoon masaakiin iyo SHACAB soomaaliyeed lagu xasuuqayey sida Amxaarada iyo yuhudku ulaayo dadka Habarta yar ogoow WIXII AAD samayso xumaan iyo wanaag WAA KUGU soonoqdaan ilaa laga toobad keeno walee hasugina WAR farxad KU Geliya madax waynihii yimaada iyo dawladii yimaada MA WADA xuma laakiin WAXAA XUN OO wasakhaysan SHACABKA Dunuubta KU RAAXAYSTA EE iska qaban waayey 30 SANO dulmi iyo DHIIG iyo Xoolo Xaraan AH waxa qarxaya maalin walba WAA WIXII hore lays isugu falay CADAADO MAN GARQAAD iyo qoladan WELI aan garan meesha looga yimi been KU haa saawa ilaa lay DIIN soo kor joog sado ilaahay XAQA SOOMALI dhamaan teed HA tuso hadal kale BROTHER majiro

  10. Mr BaHaL says:

    Garoobihii Amxaarka iyo Tegreegu isku mareen ee somaiyeed waxaa qaatay Mr Kikuyo iyo Emaaraat.

    ayaan dhaway ayuu Mr Deni qudbad u jeediyay Reer Bari.

    Halkan waxaa i noo dhisaya Emaarat,dooxa waxaa inoo jeexaya Emaaraat,Biyaha waxaa inoo qodaya Emaaraat,raashinka waxaa inoo qodaYA Emaaraat,ciidan waxaa lacagta inoo siinaya Emaaraatkkkk

    Sheekadii Mr Gaas waxay ahayd,Ethopiya ayaa Highway iyo AIRPORTS INOO DHISAYSA KKKKK

    Jacayl shisheeyaha ayaa aad loo bara dadka reer Garoowe.

    Haa,Kikuyo ayaan walaalaheen ah.

    Gabre wuu xidhan yahay.

    Dalmida




Deg deg : Dr. Gacal oo Ku Guulaystay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Natiijada Rasmiga ah [Daawo]
- Jan 17, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Waxaa Goordhowayd soo dhamaatay oo lagu kala baxay ...
Deg deg : Duqaymo lala beegsaday Laba Saldhig oo Alshabaab ay leeyihiin
- Jan 17, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Deegaanka Kunyo Barrow ee Gobolka shabeellada hoose, waxaa Diyaaradaha dagaalku ay ...
Galmudug: Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Qiimaha Lacagta uu Codka Xildhibaanku Gaadhay
- Jan 17, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb Lagu dooran doonaa Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.  ...
Daawo Qosol : Soomaalidii Geella dhaqan jirtay oo Australia kala Hadashay Arinta Geella la dilayo
- Jan 17, 2020
Nairobi ( Kalshaale )Soomaalidii Geella dhaqan jirtay oo Australia kala Hadashay Arinta Geella la ...
Warbixino Xiiso leh : Xiisada Masar iyo Itoobiya, Putin oo Qorshe yaab leh wada iyo Qodobo kale
- Jan 17, 2020
Laascaanod ( kalshaale ) Warbixino Xiiso leh : Xiisada Masar iyo Itoobiya, ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!