Taliska Booliska oo ka hadlay Weerarkii SYL Iyo Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho ( Kalshaale ) Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerarka caawa lagu qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho , Waxayna  Taliye ku-xigeenka Ciidamada Boolisku Jen. Sakiya Xuseen Xustay in dabley ka tirsan Al-shabaab weerarka ku soo qaadeen hotelka SYL,  kuwaasi oo gudaha u galay.

“Abbaaro 7dii habeenimo (7pm) ayaa qoladii nabad diidka ah weerar ku soo qaadeen hotel SYL iyadoo 2 ka mid ah lagu dilay hotelka banaankiisa sidoo kalena labo kale haatan ay ciidamada amaanka kula dagaallamayaan gudaha Hotelka” ayey tidhi Jen.Zakiya.

Waxay intaas ku dartay in ciidamada amaanku ay gudaha hotelka ka soo badbaadiyeen dad badan oo isugu jiray shacab iyo masuuliyiin.

“Ilaa iyo hadda waxay Ciidamada Ammaanka soo badbaadiyeen 82 qof ay isku jira shacab iyo masuuliyiin. Waxaan ka digeynaa in xiriir telefoon lala sameeyo dadka shacabka ah ee lagu tuhunsanyahay in ay gudaha ku jiraan inta hawl galka laga soo afjarayo, Warbahinta iyo muwadininta sharafta leh waxaan fareynaa inay ka fogaadaan goobta arrimo amni awgeed” ayey hadalkeeda ku soo Xidhay  taliye ku-xigeenka Ciidamada Boolisku.

Tirada dableyda Alshabaab ee weerarka ku qaaday Hotel SYL ayaa la sheegay inay gaadhayeen ilaa 5 kuwaas oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacmaha laga tuuro, Waxaana  la toogtay Seddex ka tirsan dableyda iyadoo ay weli hotelka dhexdiisa ka dagaalamayaan laba tirsan Al-Shabaab.

3 ka tirsan odayaal dhaqameedyadii halkaas casho sharafta loogu sameeyey ayaa la sheegay inay ku dhinteen gudaha Hotelka halka Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu ku dhintay rasaasta ka socoto Hotelka.

Sidoo kale dad badan oo Shacab ah oo aan weli tiradooda la helin ayaa ku dhintay weerarka, waxaana kamid ah dadka waxyeeladu kasoo gaadhay Odayaal dhaqameed maanta shir uga Qayb galay Muqdisho oo Caawa Casho sharaf loo sameeyay,  iyadoo dhinaca kalana ay ku dhaawacmeyn illaa 2 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 11)

  1. Aarka hargaysa says:

    Farmaajo ayaa kadanbeeya oo odayaasha habargidir kulaybayay meesha

  2. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Aarka Hargaysa, adeer Intaad nooshahay Tawbad keen ILAAHEEN SWT ayyaa la caabudaaye Qabiil NAAR kaa xigsanmaaye WAANA xaqiiqo inaad dhimaniye. WBT

  3. Dabshid says:

    Ahmed Somali

    Dacaayadihii aad ku sheegtay Madaxdii hore, wax kabadan miyuu ku sheegay Farmaajo Mr Aarka

    – Dacaayedle aan dulqaad u laheyn Dacaayadda WIILKA UU ADEERKA U YAHEY IGA DHEH.

    – Shiikh Umal oo DASTUURKA AQBALEY

  4. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Dabshid, jawaab hayga sugin RUUXI istaahila loo jawaabaaye. WBT

  5. sOmalilander says:

    Dawladu waa ALSHAAB..ALSHABAABNA waa dawlada…

    Simply…sidaas baa beesha caalamku ku ogtahay..BAE!

    God bless Somaliland!

  6. sOmalilander says:

    And this is why?!

    The rest of the world assumes this is a Marco state at this point so none of this will come as a shock what would is if the ALSHABAAB unleashed hell and death upon the civilians.

    It might make everyone question the narcostate assumption!

    God bless Somaliland!

  7. sOmalilander says:

    I mean they could have waited behind and get things IRONED-OUT…then graduate as excepted.

    Well. There is still a lot of age on this side…

    And they can return and graduate whenever they’re ready.

    Genius sometimes!!

    God bless Somaliland!

  8. sOmalilander says:

    Markaa naga dhafaa saaxiibayaal …dhamaan KOONFUR oo idil baa ALSHABAAB Ta La sheegayee..

    Anyway..”IDIN KALA GARRAN MAYNEE GUULAYSTA”

    K
    KK
    KKK

  9. NuurkaNederland says:

    DHOOCISHAAN YAREE GANANIMADA LAGU TAXAY FIIRI!!WAA DEREJADII AYEEYDEED BAY SIDATAA!ILAYN IYADA DEREJADAA KA SANAD WEYNE.WAXAY KU HESHAY WAA:
    (MUSUQMAASUQ=(CORRUPTION) AAN GEEDNA LOOGU SOO GABAN.

  10. NuurkaNederland says:

    GENERAL BUG AH IGA DHEH.

  11. NuurkaNederland says:

    CALANKANA HA SHAANSHAYN
    QARANKANA HA CEEBAYN
    CUUD BAA KU JAQAYEE.
    CAGAMAYDHO OO OROD.
    CALAACALAHA CILAAN MARI.
    SII CAMIRO SARIIRTOO.
    FULI CAADADAADII!!!.




Madaxda Soomaaliya, Eleteriya iyo Itoobiya oo Kulamo Xasaasi ah u socdaan [Sawirro]
- Jan 27, 2020
Asmara ( Kalshaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu ...
Daahir Gelle oo Waraysi uga hadlay “Khilaafkii uu ku baxay, Iyo Arimo kale “
- Jan 27, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa mar kale ...
MUUQAAL: Aadan Barre Ducaalle oo Khudbad ka jeediyey Minnesota “Uunsigii Muxuu ka yidhi”
- Jan 27, 2020
Minneapolis ( Kalshaale) Aadan Barre Ducaalle oo Khudbad ka jeediyey Minnesota "Uunsigii ...
Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Safarka uu Dalka Eleteriya ugu baxay maanta
- Jan 27, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Asmara ...
Safarka Mahdi Guuleed ee dalka Jabuuti iyo Warbixin ku saabsan
- Jan 27, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Raysul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!