R/wasaaraha Itoobiya oo Gudoomay Abaalmarinta Nabadda iyo Arin Xasasi ah oo Khudbadiisa uu kaga hadlay

Oslo ( Kashaale ) Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ka hadlayey munaasabadda lagu guddoonsiiyey abaal-marinta caalamiga ee nabadda ee Nobel, ayaa cambaareeyey “kuwa fidiya naceybka” ee rabshadaha ku salaysan qowmiyadaha ka wada dalkiisa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Kuwa fidiya naceybk iyo kala qeybsanaanta waxay qalalaase ka dhex abuurayaan bulshadeena ayaga oo adeegsanaya barasha bulshada, Waa inaan ka hortagnaa suntan naceybka,”” ayuu yidhi  Abiye Axmed.

Dhinaca kale Abiy ayaa khudbaddiisa aqbalaadda abaal-marinta ku ammaanay doorkii ay Eritrea, oo ay cadow isku ahaayeen dalkiisa, ka cayaartay abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace oo uu maanta aqbalay.

Abiy ayaa abaal marintan ku helay laguna ammaanay dadaalkiisa xal u helidda qalalaasaha muddada ka dhex aloosana labada dal ee deriska ah ee Itoobiya iyo Eritrea.

“Anigoo ku hadlaya magaca Itoobiyaanka iyo Eritreyanka, gaar ahaan kuwa wax kaste u hurey nabadda, ayaan aqbalayaa abaal marintan” ayuu yidhi  Abiy ku sugan  magaalada Oslo.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayuu sidoo kale sheegey in uu ammaanayo doorkiisa nabadeed, ee madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, oo uu sheegey inuu abaal marintan magaciisa uu ku qadanayo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. NuurkaNederland says:

    HAA WUH U QALMAA WAAYO?
    ARINTA ERETERIA,ONLF,OLF,NABADUU KA GAADHEY BUU KU QAATAY.




SAWIRRO : Magaalada Marqaanwayne oo Maanta Laga Dhagax dhigay Mashruuc Dadka Farxad geliyey
- Apr 2, 2020
Buuhoodle  ( Kalshaale ) Wasiirka Ku Xigeenka Waxbarashada Dawlad deegaanka Soomaalida  ee dalka Itoobiyae ...
Daawo: Wasiir ka tirsanaa Somaliland “Weligeed Ictiraaf heli mayso S.land, iyo Midnimada Sababtuu u Qaatay ” [Waraysi]
- Apr 2, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiir ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland  oo ku sugan ...
Coldoon Maxaa Looga reebay Maxaabiista la Cafiyey ? Warqad ku socota Madaxwayne Biixi
- Apr 2, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muusa Biixi Cabdi wuxuu cafiyey maxaabiis gaadhaysa ...
MUUQAAL: Axmed Budul oo Dhaanto Cajiib ah ka sameeyay Cudurka Karoonaha [Daawo]
- Apr 2, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Fanaanka Soomaaliyeed ee Axmed Budul ayaa Dhaanto Cusub ka ...
Daawo: Madaxwayne Farmaajo oo Cafis u Fidiyey Maxaabiis Tiro badan
- Apr 2, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoojinaya ...