Muuqaal: Ucid iyo Wadani “Muuse Biixi Madaxwayne Nooma Noqon doono” iyo Faysal Waraabe oo u hadlay

Hargeisa   ( Kalshaale ) Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland  ee Wadani iyo UCID oo maanta shir ku wada yeeshay Hargeisa, ayaa sheegay inaysan  Muuse Biixi madaxweyne noqon doonin haddii aanu doorashooyinka Wakiillada iyo Degaanka wakhtigoodii ku qaban.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Faysal Cali Waraabe oo u hadlay Xisbiyadda ayaa si adag uga Jawabay hadal kasoo yeedhay Madaxwyane Biixi oo sheegay  inuu dhowaan Shir la yeelan doono Labada Xisbi.

“Khudbadaha uu Jeediyo iyo  Ficilkiisu isku mid maaha,  Laba Sanno ayaanu doonaynay inuu doorasho qabto,  Hadii uu daacad ka yahay wuu Qaban lahaa,  wax badan ayaanu Tanaasul u samaynay”.

“Hadii aysan Doorasho dhicin Madaxwayne ma noqon doono Muuse, Runta ayaan idiin sheegayaa,  Tallaabooyin kale ayaan Qaadaynaa oo Kursiga aanu kusii haynin” Ayuu raaciyey hadalkiisa Faysal Cali Waraabe.

“Waxaan idin tusayaa inaanu daacad ahayn, Wuxuu dhaariyey Gudigii la isku haystay,  Wuxuu sameeyay Muddo Kordhin Baarlamaan,    Wuxuu Kaloo sameeyay Gudigii ayuu yidhi is doorta oo Weliba waxay doorteen Xubintii la isku haystay, Dhibaato aanu muuse ahayn kama jirto Somaliland, Wuxuu ka baxay Howshii loo doortay isagoo u jooga Muran” Ayuu yidhi Faysal Waraabe.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 9)

  1. Taleex boy says:

    Wareerland .com kkkkkkkk

  2. Taleex boy says:

    Kuwaan siyaad bare soo diray waa qaran dumis Dalka Jaarka yaabay kkkkkkkkkk muj biiixi

  3. Kalahage says:

    Asc

    Dhamaan waan idin salaamay.

    Faysal waa labo wajiile somalilandna ma fahmin.marba dhinac ayuu xoojiyaa si aan loo heshiinin.

    Kuwani wanaag ma soo wadaanee xoogaagii yaraa ee reer yurub u soo ururin jireene ayey rabaan inay iska hor istaagaan.

    Todobaadka denbe waxaad arkaysaa faysal oo muuse xoojinaya.

    Maxaa yeelay wuxuu ka macaashaa khilaafka maamulka.

    Waagii hore daacad baan moodi jiray markuu ku dhawaaqo erayo alla ka cabsi ah.

    Muuse haduu rabo inuu nasto faysal jeelka had hadhigo.

  4. Taleex boy says:

    Rooble umada Waa in hadba meel lagu mashquuliyo

  5. Aarka hargaysa says:

    Kuwaniwarba mahayaan waar shaxda gurta waa laydinka badiyee marhadii irmaan lagugu dhigo waa inaad dhagaaxda urursataa malintii gurtidu 2 sano kudartay ayaa xisbiyadu ururo noqdeen mudadoodiiba waa dhamaad

  6. Waran says:

    Ha wareerto Hargaysa

  7. Aarka hargaysa says:

    Waran sxb cid wareeraysaaba majirti ragani kujiqsii ayay islahaayeeb iyagiibay kujiq tahay imika waar yaaharageedee nagaga celiya ayay qadayaan waar ururadii halafuro kuwan wakhtigodii dhanaye

  8. NuurkaNederland says:

    KKKKKKK.
    NACASNIMADU ISAGAY SAARAN TAHAY KULAHAA KKKKKK.
    WAA FAYSALOO LOO DIIDEY DILAALIDII SIYAASADA UU KALA DILAALI JIREY UDUB & KULMIYE….. WADANI & KULMIYE.

  9. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Roobleh, adeerow bal ii sheeg SIDAAN anigoo ku dhashay Qallaafe aan kaaga xigsaday Xamar Cadde MISE Waaqwaaq-layaasha Dabshid iyo saaxibadi baa ku cabsiiyay? HADDE ogow dhinaca Abtirsiino waad ii simantihiin Cadaade!!!. °War hooy, intaad dhul Carbeed u haajiri-lahayd OROD oo African Villege Qolal Ku meelgaara ka raadso HALKAASAY reer Waqooyi Beel kasta ka buuxaane Dabadeedna Guri ka iibso Hodan aan Deris noqone. WBT




Madaxda Soomaaliya, Eleteriya iyo Itoobiya oo Kulamo Xasaasi ah u socdaan [Sawirro]
- Jan 27, 2020
Asmara ( Kalshaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu ...
Daahir Gelle oo Waraysi uga hadlay “Khilaafkii uu ku baxay, Iyo Arimo kale “
- Jan 27, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa mar kale ...
MUUQAAL: Aadan Barre Ducaalle oo Khudbad ka jeediyey Minnesota “Uunsigii Muxuu ka yidhi”
- Jan 27, 2020
Minneapolis ( Kalshaale) Aadan Barre Ducaalle oo Khudbad ka jeediyey Minnesota "Uunsigii ...
Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Safarka uu Dalka Eleteriya ugu baxay maanta
- Jan 27, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Asmara ...
Safarka Mahdi Guuleed ee dalka Jabuuti iyo Warbixin ku saabsan
- Jan 27, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Raysul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!