DEG DEG : Wararkii ugu Dambeeyay Hotel SYL ee Muqdisho, oo Weerar Noociisu Cusub yahay Caawa lagu qaaday

Muqdisho ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Qorshaysan oo Caawa Fiidkii Ururka Al-Shabaab ay kusoo qaadeen Hotel SYL ee magaalada Muqdisho iyadoo weli ay socoto rasaas laga maqlayo gudaha Hotelka.

Warar ayaa sheegaya in ciidanka Ammaanka ay soo badbaadiyeen In badan oo ka mid ah dadkii ku jiray gudaha Hoteelka oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada, Mana Jirto illaa iyo hadda wax khasaare ah oo la xaqiijiyay oo ka dhashay weerarkan, inkastoo rasaas iyo bambooyin la isu adeegsaday.

Ragga hubeysan ee galay gudaha hotelka ayaa ku socday lugta taasoo ah xeelad cusub, iyadoo la ogyahay in Al-shabaab marka ay fulinayaan weeraradan oo kale ay adeegsan jireen gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey oo ay ku furan jireen albaabka hotelka ama dhismaha ay weerarayaan.

Hoteelka SYL ayaa laba jeer oo hore waxaa weerar ku qaaday Al-Shabaab iyadoo uu ka dhashay qasaare kala duwan.

Waxaa la xaqiijiyey in ugu yaraan laba ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay ku dhaawacmeen weerarka, halka qaar kale iyo dad shacab ah  lasoo bad-baadiyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan saraakiisha amniga ayaa sidoo kale sheegay in 50 qof oo shacab ah laga soo bad-baadiyey hotelka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. NuurkaNederland says:

    ALSHABAB+NISA+CIA+UNSOM+AMISOM=ONE
    ISIS MADE IN ISRAEL(AL-YAHUDIYAH GROUP’s).
    ALQACIDA MADE IN U.S.A.

  2. C/Raxmaan says:

    Wananka UDIXIYADA ahiba waqti bay leeyihiin , ee tani waa iska QAWRAC !

    Qofkaad booqanweyda isagey u banaantahay inuu kusoobooqda ! Alshabaab way kasoobaxeen balantoodi !

  3. Mr BaHaL says:

    Isbahaysiga dawladdiidka waa laga adkaandoonaa.
    Xoogaga wadaniyiinta Somaliyeed ayay guushu raacidoontaa.

    Dalmida

  4. sOmalilander says:

    War magaca DAWLAD yaynaan meel kaga dhicine horta marka hore Dawlad nimada hala XAAL mariyo.

    Alahabaab + Dawlad = Isla Alshabaab

    God bless Somaliland!




Madaxda Soomaaliya, Eleteriya iyo Itoobiya oo Kulamo Xasaasi ah u socdaan [Sawirro]
- Jan 27, 2020
Asmara ( Kalshaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu ...
Daahir Gelle oo Waraysi uga hadlay “Khilaafkii uu ku baxay, Iyo Arimo kale “
- Jan 27, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa mar kale ...
MUUQAAL: Aadan Barre Ducaalle oo Khudbad ka jeediyey Minnesota “Uunsigii Muxuu ka yidhi”
- Jan 27, 2020
Minneapolis ( Kalshaale) Aadan Barre Ducaalle oo Khudbad ka jeediyey Minnesota "Uunsigii ...
Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Safarka uu Dalka Eleteriya ugu baxay maanta
- Jan 27, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Asmara ...
Safarka Mahdi Guuleed ee dalka Jabuuti iyo Warbixin ku saabsan
- Jan 27, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Raysul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!