DAAWO: Sheikh Xasan Daahir Aways “C.raxmaan Cabdishakuur Wuxuu ku dhacay KUFRI “Gaalnimo” [Muuqaal]

Muqdisho ( Kalshaale ) Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay Hadalkiii dhowaan kasoo yeedhay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Wuxuuna sheegay inuu Cabdiraxmaan u leeyahay aqoon dheer, Wuxuu haatan ku kacayna aysan aheyn xad gudub oo kaliya, balse uu ku dhacay fal “kufri ah” [Gaalnimo].

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Sababtu waxay tahay in xadiis saxiix ah uu ku sheegay wax aan jirin, si kas ah ayuu u sheegay in wadaadadu ay jeebabkooda kala soo baxeen, qadkaas inuu ka cabirana waa kufri, waxaan hubaa inuu garanayo xadiiskaas oo Cabdiraxmaan waxaan u leeyahay aqoon dheer” ayuu yidhi Xasan Daahir.

Isagoo sii hadlayey ayuu yidhi “Midda ka sii daran waxay tahay inuu kor u qaaday gaaladii, haweenkoodii iyo manhajkoodii, isagoo dumiyey kii Nabigeenna NNKH waxuuna ku doonayaa cizo, igadaa culumadaan wax iska dhah-dhahaya, balse waxaan idiin sheegayaa qofka ku kaca falka intaan aakhiro la gaarin iyuu aduunyada ku khasaaraa”.

Xasan Daahir ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay nin “agtiisa ay wax walba beec ka yihiin,”.

“Wadanku waa beec, diintu waa beec, dadku waa beec, saas oo ay tahayna dad u sacbinaaya ayaan arkayey waana khasaareen kuwaas, sababtuna waxay tahay waxa uu ninkaas ku jees-jeesayo inuu xadiiska Rasuulka yahay wey ogyihiin, isagaana la mid tihiine ogaada” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Culimo kala duwan oo ay kamid yihiin Sh. Soomow iyo Sheekh Cali Wajiis ayaa horay u dhaliilay Hadalkii kasoo yeedhay Cabdiraxmaan C.shakuur.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Land of Punt says:

    Somalia belo oo dhan ayaa u tashaday…yaab
    Hadda daanyeer Xasan Dahir ma ninka waxaan diin ku dheegay (Sheekh Soomow ayaa tilmaamay in xadiith sax ah oo ay wariyeen Bukhaari iyo Muslim uu rasuulka ku sheegay in haweenka ay yihiin kuwa nusqaan ka ah xagga Diinta iyo Caqliga.” …Somalia jinni baa qabsaday..

  2. Dabshid says:

    Land of Punt

    Markii laga hadlaayo Caqiido, ha moodin in laga hadlaayo SACAD IYO MAJEERTEN.

    waxaa kuu Fiican inaad ka aamusto oo aad sugto qodob ka hadlaayo xarig jiidka.

    – Reer Mudug iga dheh

  3. Ali Zubeer says:

    Akhyaarta asc

    Marka diinta laga hadlaayo yaan aqoon laaan loo hadin.

    Xadiiska bal fiiriya sida u qayaxayo waxa laga hadlayo. Waan deg degsanahay laakin haddii loo baahdo Somali baan ku soo qori doonaa.

    ———.

    The hadith is found in the Translation of Sahih Bukhari, Book 6: Menstrual Periods, Volume 1, Book 6, Number 301 it states:

    Narrated Abu Said Al-Khudri:

    Once Allah’s Apostle went out to the Musalla (Mosque to offer the prayer) of ‘Id-al-Adha or Al-Fitr prayer. Then he passed by the women and said, “O women! Give alms, as I have seen that the majority of the dwellers of Hell-fire were you (women).”

    They asked, “Why is it so, O Allah’s Apostle ?”

    He replied, “You curse frequently and are ungrateful to your husbands. I have not seen anyone more deficient in intelligence and religion than you. A cautious sensible man could be led astray by some of you.”

    The women asked, “O Allah’s Apostle! What is deficient in our intelligence and religion?”

    He said, “Is not the evidence of two women equal to the witness of one man?”

    They replied in the affirmative.

    He said, “This is the deficiency in her intelligence. Isn’t it true that a woman can neither pray nor fast during her menses?”

    The women replied in the affirmative.

    He said, “This is the deficiency in her religion.”

    Nasra iyo LOP

    Wakaa xadiithka uu daanyeerka CC shakuur inkiriay ama ku sheegay in jeebka lagala soo baxay. Allow hana fitnayn.

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  4. NuurkaNederland says:

    XASAN DAHIR WAA MID KA MIDA KUWA UMADDA SOMALIYED KA GALAY DUNUUBTA WAAWEYN.
    WAA DILAA DILEY KUMAANKUN SOMALIYA,
    XASAN SH,SH SHARIIF,SH ATAM,SAKARIYE,ROOBOOW & QAAR KALOO BADAN WAA IN CADAALADA LAHORKEENAA HADII KALE CADAALADBA MA JIDHO,

  5. xaange says:

    Xasan Daahir waa nin la adeegsanayo mana aha nin jeel ku jira balse waa nin laga waardiyeeyo dad badan oo uu dhiiggooda si bilaa macnaa u daadiyey ehelkooda isagoo diin ku gabbanaya.

  6. Cadaado says:

    Xaange, ninyahow nin caqli badan ayaad tahay, walaahi I never thought about that, in laga ilaalinayo dadkii uu dadkooda laayay daanyeerkaan Xassan Daahir Aweeys, oo uu sidaas ula shaqeeyo daanyeerta dowladda dhexe hogaamisa, iyo xataa kuwii ka horeeyay.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




SAWIRRO: Laascaanood oo Marti gelisay Bandhiga Caalamiga ah ee Buuggaagta
- Dec 10, 2019
Laascaanood ( Kalshaale ) Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa maanta waxay ...
Garoowe: Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo Maanta laga Xayuubiyey Xildhibaanimadii
- Dec 10, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Baarlamaanka Puntland waxaa maanta la hor keenay mooshiin xasaanad ka qaadis ...
Puntland oo war kasoo Saartay dagaalka Khasaaraha gaystay ee Gobolka Mudug
- Dec 10, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale)  War Saxaafadeed ay baahisay Madaxtooyadda Puntland ayaa loogu hadlay Colaada khasaaraha badan gaysatay ...
KENYA : Weerarkii lagu dilay 11 Qof ee Wajeer iyo Ninkii Hogaaminayey oo la shaaciyey
- Dec 10, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa shaacisay magaca Ninkii hoggaaminayay Weerar Jimcihii la soo ...
Muuqaal: Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo Wixii dhacay
- Dec 10, 2019
Minneapolis ( Kalshaale ) Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!