Odayaasha Boosaaso oo War Cusub Kasoo saaray inay Adeegsatay DF-Soomaaliya

Boosaaso  ( Kalshaale ) Odayaasha Dhaqanka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay beeniyeen warar ay baahiyeen saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid Cabdullahi Deni.

Odayaasha oo shir ku yeeshay Boosaaso ayaa beeniyay in aysan u adeegin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa kaliya ee ay ka hadlayaanna tahay danaha dadka Puntland.

Maamulka Puntland iyo Odayaasha Gobolka Bari ayaa isku qabtay qandaraasyada Puntland iyo heshiisyada ay la gashay hay’adaha laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee Maamulaya Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Odayaasha oo dhowr mar shirar ku yeeshay Boosaaso ayaa dhaliilay sida Maamulka Deni uu ilaha dhaqaalaha muhiimka ah ugu gacangeliyay Imaaraadka iyaga oo sheegay in sharikadda DPWorld aysan waxba ka qaban Dekadda Boosaaso.

Hadalkaas oo ka careysiiyay Deni iyo maamulkiisa ayaa sababay in Ciidamada amaanka guryahooda habeenkii ugu dhacaan qaar ka mid ah Odayaashaas oo ilaa hadda gacanta lagu dhigan 5 ka mid ah kuwaas oo ku jira Xabsiyada Puntland ee Boosaaso.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Ahmed Somali says:

    ASC.
    CAKU Dastuurkaan baas oo Guddoomiye Gobol ugu yeeray MADAXWEYNE. °Waryaa Muslima oo nooga celiya magacoodi dhabta ahaa, Guddoomiye Gobol. °Haddii magacoodi runta ahaa loogu yeeri lahaa Waxa maanta taagan ma jiri lahayn. °MISE Farmaajo, Khayre, Cabdi Xaashi iyo M/med Mursal ayyaa raalli ka ah in saan laysaga dabameereysto?. WBT

  2. Abirashid says:

    Odayashan xogaa mushar ah ha loga qoro canshurta dekadda iyo airportka dib dambe hadad u maqashan shir dambe ayay qabten ha i turyeyo xitaa odayal dambe o rabo in iyagana mishar lo qoro hadey so baxan kuwan ba afka gosanaya o daqada kala baxaya salad ali jelle ali maxamed gedi shiikh al wajiis awliyo lama tirin karo inta xarunta gobolka banadir ka mishar qata siciid abdulahi deni odayasha qidmad yar ha u qoro

  3. Land of Punt says:

    Puntland waxaa degen dad dhaqan kala dambayn u leh oo wadaniyiin ah.
    Aniga ma aaminsani in reer Bari hunguri u doodayaan ee Dhulkoodii oo waxa ka socda ogeyn hana social media wareerisay iyo dhulkii waa la gatay, ayaa shaki geliyey.
    Odayaasha oo shacabka matala, waayo nin walba waxa madax dhaqanka ku qancaan ku qancin.
    Aniga ma qabo in odayaashaan dhuuni u ordayaan.
    Aniga waxaan qabaa rag jacaylka dalkooda iyo dadkooda daacad ka tahay.
    In Lacag lagu qanciyo ma rabaan ee in dalkii Carab ka gadayn nin Lacag ka qaatay ayey hubin.
    I trust more odayaashaan than Deni.
    Ma aaminsani in Deni Puntland lugoynayo oo gadanayo laakiin odayaashu waa daacad wata dhaqankii boqortooyada Majeerteen lagu yiqiin= Gobonimo gurigaaga ku joog.
    Boowe Bari nina camal la’aan meel uma fadhiyo.
    Odayaasha hala qanciyo hadaan meesha tuugonimo ka socon.

  4. Somalijecel says:

    LOP kkk war odayaashan villa wardhiigley waxba kama qaataan mana abaabuline,nin saaxiibkay ah Abdi Ciise nin fiican ayaa runta ii sheegay qosolkiina iga dhameeyay.
    Maamulku dadka hadduu xirxiro sababta waa in la sheegaa,waxa ka gadmi kara qofka MJ waa in la yiraahdo nin MR ah ayaa soo diray oo Puntland ku burburinayo.Waxaan soo xasuustay nin ay family yihiin Faroole ayaa markuu Saacid PM ahaa sidan oo kale nagu yiri,waxaanna niri waad waalan tahay.Markii danbana waaba tii loo bixiyay Hurdaaye.
    Waxay ila tahay villa wardhiigley waxba masoo abuubuline masaakiintaan reer bariga yaan laga inkaarsan gumaysiga ka daaya.




SAWIRRO: Laascaanood oo Marti gelisay Bandhiga Caalamiga ah ee Buuggaagta
- Dec 10, 2019
Laascaanood ( Kalshaale ) Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa maanta waxay ...
Garoowe: Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo Maanta laga Xayuubiyey Xildhibaanimadii
- Dec 10, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Baarlamaanka Puntland waxaa maanta la hor keenay mooshiin xasaanad ka qaadis ...
Puntland oo war kasoo Saartay dagaalka Khasaaraha gaystay ee Gobolka Mudug
- Dec 10, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale)  War Saxaafadeed ay baahisay Madaxtooyadda Puntland ayaa loogu hadlay Colaada khasaaraha badan gaysatay ...
KENYA : Weerarkii lagu dilay 11 Qof ee Wajeer iyo Ninkii Hogaaminayey oo la shaaciyey
- Dec 10, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa shaacisay magaca Ninkii hoggaaminayay Weerar Jimcihii la soo ...
Muuqaal: Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo Wixii dhacay
- Dec 10, 2019
Minneapolis ( Kalshaale ) Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!