MUUQAAL: Puntland oo Sabab la yaab leh ku Sheegtay inay u Caydhisay Sarkaalkii Ciidanka kula Biiray Somaliland

Taleex  ( Kalshaale ) Puntland ayaa markale ka hadashay ciidamo ka goostay oo ku biirey Somaliland, kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay degmada Taleex ee gobolka Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Taliyaha guutada 26-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle) ayaa sheegay in maamulkoodu uu horay Shaqada ka fadhiisiyay Taliyihii watay ciidankii ku biiray Somaliland.

Maxamuud Gubadle ayaa sheegay in Gaashaanle dhexe Cali Diiriye Baalle la rusqeeyay bishii hore ee 11-aad, kadib markii uu sameeyay amar diido , iyo inuu Cali Baale soo xareeyo ciidamo uu watay, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay 23 Askari, si ay dowladu u diiwaan geliso kadibna u helaan tobabar.

Taliyaha ayaa sheegay in Sarkaalkaasi uu doonayay in uu lacag ku qaato ciidamo aan diiwaan-gashanayn, midaasi oo ku sheegay in Puntland aysan marnaba aqbaleyn in ciidamadeeda ay ka sii mid ahaadaan askar aan diiwaan-gashaneen.

“Ciidan haddaan la xaqiijin joogistiisa iyo tiradiisaba, maalinta uu dagaal dhaco ayaa la tabaa oo ceebtooda banaanka usoo baxdaa , Balse haddii la ogyahay tirada kuu joogta ciidamada, ciidan walba kaalintiisa ayaa muuqanaysa”.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 14)

  1. Dabshid says:

    Taleex iyo Laascaanoodba hadaadnaan joogin maxaad ku faleysaan Kharash nimaan dhulkiisa ku geynkarin.

    Somaliland oo Taleex ku soo dhaweynay CIIDAMO NAGA FAKADEY (oo waliba reer Taleex ah)

    – Xitaa Soomaalida Afsoomaaligii wuu ka TAHRIIBEY.

    * May be anigaa wax la socon ee DADKA QIDMAA CAALAMKA LOOGA QAATA.

  2. Idoor Liqe says:

    Anigu barigii hore waxaan odhan jiray ninkii Cadowga snm u gala hala Toogto (death penalty)

    Lkn waxaan dib ka go’aaday in dadku baahan yihiin oo meeshii Maalintaas Bariisku u galo adayaan , marka qadiyad ay snm ku raaceen ma jirto ee waa Jeebka .

    Kuwa snm raaca , iyaguna waa is lugooyeen , snma waa la goyeen .

    Qofku haduu Baahan yahay feker iyo Qadiyad ma leh !!!! Pay as you go weeye !!

  3. Warsame Guutaale says:

    Cajiiib

  4. Warsame Guutaale says:

    Cajiib

  5. Aarka hargaysa says:

    Puntland mayadaaba le cidamo diwaan gashan oo layaqaano wali waa ciidan beleede sowtii baatlamaanka cidamo dhoobo watay iyo kuwo karaash watay iskashanayeen shalay kkk dani iyo karaash yaa tikniko badan kk

  6. Land of Punt says:

    Aarka
    Iidoorka in is dilaan laga baqayaa, Puntland cabsidaas ma qabno, wadahadal waxwalba lagu dhamayn.
    Puntland dowladnimo duq ah ayey kasoo jeedaan.
    Dagaal maalaa yacni ah ma dhicidoono taas iga qor.
    Iidoorka xoolo dhaqato Engris nidaam ugu horeeyey ayaa tihiin, in sidii geel isku dilaysaan aan xukunka isku dishaan filo. Kkkkkkkkkkkk
    Kuye Puntland waa ciidan beeleed.kkkkkkkk
    Sida qabyaalad iyo beel beel u aaminsan tihiin, ma jirto cid u aaminsan.
    Habarihii Iidoor oo isla dhacaya xabad filo sidii hore u dhacday..mana kala adkin.
    Qaata tala LOP, shirar nabad qabsada inta faraha ka bixin.

  7. Land of Punt says:

    Puntland 7 ciidan leedahay sida.
    PMFF.Puntland marines, Ciidanka Badda
    PSF- Puntland Securiy force, Ciidanka nabadgelyada.
    Puntland infantry force, aka Ciidanka Drawiiskta
    PIS-ta, Punt intelegent force, Nabad sugidda.
    Ciidanka police ka Puntland oo degmo kasta jooga.
    Ciidanka Alsuubta oo hubaysan.
    Ciidan gobol walba u qaas ah, Policeka gobolka.
    Waxaa intaas dheer ciidan milishia beeleed dowladda mushaar siiso oo ah runtii kuwa ugu qatarsan= difaaco tuuladaada.
    Cumar Maxamud ku halaysan maayo Galkacyo ciidan Puntland, haddii lasoo weeraro..geela kasoo yaacin. Kkkkkkkk
    Puntland waa rag isku tashaday, cidna duulaan kuma ah, dhulkoodana ka badan….run.
    Maxaa loogu booteyn.😎

  8. Aarka hargaysa says:

    Land of punt sxb anigu waxaan ogaa iyadoo laleeyahay ciidankii reer hebel ayaa bossaso qabsaday iyo karaash ayaa ugu tikniko badan wasirada puntland iyo dhoobo oole cidankaygii ayaa laweraray ma beenbaan sheegay sx

  9. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Akhyaarki, wuxuu yiri NIN war hayyaa hakuu warramo HADDA waxay joogta nin wax mala awaala Saadaal haku siiyo. °Sheekadu waa daba yarow Durug. °Waxaa jira laba kooxood; koox Baabuurki ka tegay Sida Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Deni, Fiqi, CCShakuur iyo kuwo kaloo noocooda. °§*Waxaa kalo jirta Koox WELI Qabta hamuun oo cartami oo Qarka soo jafi Hormuudna u yihiin, Cali Khaliif, Khadar Xuseen, Cirro, Barkhad J. Batuun °Waa koox hadda ogaatay Inaysan arrimaha Somalia cidna u daba fariisanayn, yoolkooduna waa inay helaan Badnaanta kuraasta Waddanka ugu sarraysa. °§*Hadda sow maafiyadi uu af-hayeenka u ahaa Fiqi uma dhammaan marba hadday timid NORD oo cartami?. $£°Dariishadaani ii furan. °Ciidammada Ajnabina wey bixi Shabaabna waa la cirib tiri. WBT

  10. Land of Punt says:

    Aarka
    Ciidanka Puntland kuu sheegay ma soo galaan dagaal beeleed sida kii Sacad oo huwan Galmudug iyo Camar Maxamud oo huwan Puntland, waa runtaa waxaas waa dagaal beeled iyo reer Bicidyahan imisa keeneen ama Leelkase…kkkkkkk
    Ciidan Puntland waxaad arkin markii loo baahdo.
    marbaa loo baahday markii Alshabaab soo weerareen Puntland oo week kulli mid xiran, mid cararay iyo dhintay noqdeen.
    Ha isku qaldin dagaal beeled iyo ciidamada Puntland.
    Maalin walba waxa aad ogtahay maxaad noo waydisaa.

  11. Land of Punt says:

    Ahmed Somali
    Adeer democracy iyo Somali madaxdooda ka baqayn oo madaxda shacabka ka baqayso u hiili.
    Nin jeclaysi meel na gayn waa.
    Aniga ragga ugu cadcad oo rajo ka qabo in dalka wadi karaan cod shacab kusoo bixi kara, maanta waxaa ugu cadcad Dr Geedi, Ina Cabadishakuur, Sheik Shariif…Baadiyow xitaa rajo qabaa, Darood, Isaaq iyo Dgil&Mirifle weli nin adag ma arko ma hayo.
    Aniga waxaan rabaa Somali xitaa 5 tuulo cod bixisay kii soo baxa talo loo dhiibo, hadduu xumaado afar sano ka dib bedeli karno cod shacab.
    I am real democrat. That’s the way forward.
    🇸🇴😎

  12. Land of Punt says:

    Abwaan Maxamed Ibrahim Xadraawi ayaa Kacaankii mucaaraday 1970 Kacaankii oo 6 bilood jira.
    Waxaa la waydiiyey Xadraawi nimankaan naga qabtay musuqmaasuqii iyo dibutati tuug ah maxaad u mucaaraysaa?
    Wuxuu ku jawaabay hadal ilaa maanta aad ugu qiimeeyo abwaan Xadraawi….!
    Wuxuu yiri: kuwaan Dibutatiyada anagaa dooranay oo doorasho ku bebeli karna laakiin kuwaan qori nagu qabsaday habeen barkii anoo hurudna oo anaga keensan yaa naga kaxayn markaan nacno.
    Great words.

  13. Land of Punt says:

    Wuxuu yiri: kuwaan Dibutatiyada/Parlemanka anagaa dooranay oo doorasho ku bebeli karna laakiin kuwaan qori nagu qabsaday habeen barkii anagoo hurudna, yaa naga kaxayn, haddaan rabin.
    Waa intaas inta ku mucaaradayaa, hadday doorasho qabtaan, ma mucaaradayo.
    Allow cimri dheer sii Abwaan Xadraawi.

  14. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Ahmed Somali
    Adeer democracy iyo Somali madaxdooda ka baqayn oo madaxda shacabka ka baqayso u hiili.
    Nin jeclaysi meel na gayn waa.
    Aniga ragga ugu cadcad oo rajo ka qabo in dalka wadi karaan cod shacab kusoo bixi kara, maanta waxaa ugu cadcad Dr Geedi, Ina Cabadishakuur, Sheik Shariif…Baadiyow xitaa rajo qabaa, Darood, Isaaq iyo Dgil&Mirifle weli nin adag ma arko ma hayo.
    Aniga waxaan rabaa Somali xitaa 5 tuulo cod bixisay kii soo baxa talo loo dhiibo, hadduu xumaado afar sano ka dib bedeli karno cod shacab.
    I am real democrat. That’s the way forward.
    🇸🇴😎
    Land of Punt saaxiib, adiga iyo aniga aragtideennu aad iyo aad bey u kala fogtahay. °Waana nasiibdarro inaad Maanta NINKII Badda Somali gatay INA C/Shakuur oo Ciidanki waddanka rasaas la dhacay INAAD maanta tiraah waan taageersanahay AMA kii awood Qabiil ku Goodinay Sh. Shariif. °Waxaan rajjayna inaadan la socon nimanka arrimahooda HADDII kale waxaa tahay noocooda. WBT




SAWIRRO: Laascaanood oo Marti gelisay Bandhiga Caalamiga ah ee Buuggaagta
- Dec 10, 2019
Laascaanood ( Kalshaale ) Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa maanta waxay ...
Garoowe: Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo Maanta laga Xayuubiyey Xildhibaanimadii
- Dec 10, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Baarlamaanka Puntland waxaa maanta la hor keenay mooshiin xasaanad ka qaadis ...
Puntland oo war kasoo Saartay dagaalka Khasaaraha gaystay ee Gobolka Mudug
- Dec 10, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale)  War Saxaafadeed ay baahisay Madaxtooyadda Puntland ayaa loogu hadlay Colaada khasaaraha badan gaysatay ...
KENYA : Weerarkii lagu dilay 11 Qof ee Wajeer iyo Ninkii Hogaaminayey oo la shaaciyey
- Dec 10, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa shaacisay magaca Ninkii hoggaaminayay Weerar Jimcihii la soo ...
Muuqaal: Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo Wixii dhacay
- Dec 10, 2019
Minneapolis ( Kalshaale ) Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!