Isbedel Cajiib ah oo ka Hirgalay Muqdisho iyo NISA oo Markiiba Qabatay Nin Qarax waday

Muqdisho ( Kalshaale ) Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo bandhigtay sawirka Nin ay sheegtay in uu qorsheynayay in uu weerar fuliyo.

Nabad Sugidda Soomaaliya ma sheegin magaca Ninka ay qabteen iyo goobta uu qorsheynayay in uu weerarka ka geysto.

War kasoo baxay Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ninkaasi uu doonayay in uu geysto weerar isaga oo adeegsanaya Bam-gacmeed hay’adaha amaankana ay gacanta ku dhigeen.

Qoraalka Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa u qoran.

“Ciidamada Amniga, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan Alshabaab, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh.”.

Magaalada Muqdisho Mudooyinkii dambe waxaa laga dareemayaa Isbadal Cajiib ah oo dhinaca Amniga ah, Taasi oo sababta inay inta badan Ciidamada ka hor tagaan Falalka amni darro, ama marka ay wax dhacaan markiiiba Jawaab ku haboon ay ka bixiyaan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 9)

  1. Somalijecel says:

    Dadka qaar uma arkaan wax qabad mana kala garan karaan waxa la siyaasadeeyo iyo waxa ay tahay in aan la siyaasadayn.Waxaad arik doontaa mid waalanoo ku leh igu sawir waaye kkkkk isbedelka amaanka ankee mucaaradka sidii paracetamol ayay u liqeen.

  2. Dabshid says:

    Markii ugu horeysay oo Xamar lagu qabto nin Bambooyin iyo Qarax wadey.

    Markii ugu horeysay oo la helay xeelad lagu qabto Qarax sideyaasha

    * Afar sano oo Qabyo ah

  3. Ahmed Somali says:

    ASC.
    CAKU Dastuurkaan baas oo Guddoomiye Gobol ugu yeeray MADAXWEYNE. °Waryaa Muslima oo nooga celiya magacoodi dhabta ahaa, Guddoomiye Gobol. °Haddii magacoodi runta ahaa loogu yeeri lahaa Waxa maanta taagan ma jiri lahayn. °MISE Farmaajo, Khayre, Cabdi Xaashi iyo M/med Mursal ayyaa raalli ka ah in saan laysaga dabameereysto?. WBT
    TUHUN. WAR wuxuu wax dhibadan Ma ahee! Ma lagu daydayanaa?. ALLAAH SWT AYAA WEYN.

  4. Jabhad says:

    dib u habayntii cidamada iyo nabad sugida waxa

    Laga fa,iday KA HORTAG cadiyan dowladihii hore

    waxay lahayen KA DABATAG horumarka laga garay

    amniga casimada waa guusha somaliwayn waana

    Guul darada… gafanayalkii diidana guusha GUGA

    guusha soomaaliyeed

  5. Dabshid says:

    Ahmed Somali

    Marka hore majiro Dastuur ka dambeeyey midkii ay ku midoobeen Koofur iyo Waqooyi 1960,

    Marka labaad in Governor loogu yeero MADAXWEYNE waxaa keenay MELES AXMAAR,

    haddana waxaanba ka sii darnoo Dekedahii ayaan ugu darney –

    Ciidamada Kenyana Kismaayo kaliya kuma ekaandoonan ee XEEBAHA SOOMAALIYA ayey Ethiopiaka u waardiyeyn

    – War Duqow Dastuur waxaa ka daran Baddii iyo Dekedahii.

  6. Dabshid says:

    * Aan kula shiree ila shirkow, shaxaad doon la showri maah

  7. Mr BaHaL says:

    Maamuladii hore may lahayn ciidan dharcad ah oo magaalada ka shaqeeya.Nisa waxay hayd ciidan labaisan Uniform sida Poliseka.Aqlixumo Dameernimo ah ayaa ka jirtay maamulkadii hore ee wakhti lumiska ahaa ee musuqa ku caan baxay.

    Maamulka haatani aadbuu uga sareeyaa aqoon ahaan,xirfad ahaan iyo daacad ahaanba.

    Waxaa la sameeyay ciidan dharcad ah oo magaalada lagu sii daayay.
    Ka bajaajka wada,ka Buska wada iyo ka iska xaashxaashayaba waa Nisa.

    Isku soo wada duuboo,maamulkan cusubi wuxuu jeexay wado loo raaco dawladnimada.

    Kuwii hore waxay ahaayeen Tuug soo shaqo tagay.Walaahi in aan been sheegayn.

    Waraabe la raaciyay adhi.

    Dalmida

  8. mohamuud says:

    waa dil waayo isba dad inuu laayuu rabey

  9. NuurkaNederland says:

    ADEER DAMBIBA MA LEH WAAYO? KII U SOO DHIIBAYBA MUQDISHO BUU KUDHEX LAAFYOONAYAA CADAALADNA LAMA HORKEENEE CADAALADU MA WAXAY KA ADAGTAHAY KUWA YARYAR EE LA QALDAY!!?.
    SAKARIYE WAA ALSHABAB HADEERNA WAA NISA!!!
    MA KAASAA CAQLIGA DAWLADU KU SHAQAYNAYSO!!.
    SHAME ON YOU.




SAWIRRO: Laascaanood oo Marti gelisay Bandhiga Caalamiga ah ee Buuggaagta
- Dec 10, 2019
Laascaanood ( Kalshaale ) Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa maanta waxay ...
Garoowe: Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo Maanta laga Xayuubiyey Xildhibaanimadii
- Dec 10, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Baarlamaanka Puntland waxaa maanta la hor keenay mooshiin xasaanad ka qaadis ...
Puntland oo war kasoo Saartay dagaalka Khasaaraha gaystay ee Gobolka Mudug
- Dec 10, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale)  War Saxaafadeed ay baahisay Madaxtooyadda Puntland ayaa loogu hadlay Colaada khasaaraha badan gaysatay ...
KENYA : Weerarkii lagu dilay 11 Qof ee Wajeer iyo Ninkii Hogaaminayey oo la shaaciyey
- Dec 10, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa shaacisay magaca Ninkii hoggaaminayay Weerar Jimcihii la soo ...
Muuqaal: Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo Wixii dhacay
- Dec 10, 2019
Minneapolis ( Kalshaale ) Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!