DAAWO: Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo Tababar Jabuuti loogu soo xidhay

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa dalka Jabuuti tababar loogu soo xidhay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya, waxaana munaasabada tababarka lagu soo xirayay ciidankan ka qeyb galay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa qaatay tababaro la xariira sugida amaanka iyo sidoo kale kahor taga rabshadaha, waxaana ciidankan munaasabada tababarka loogu soo xirayay kusoo bandhigeen dhoolo tusyo cajiib ah.

Munaasabada tababarka loogu soo xiray ciidankan katirsan booliiska Doomaaliya waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo katirsan dalka Jabuuti , saraakiil ajaaniib ah iyo sidoo kale marti sharaf kale.

Ciidamadan tababarka loo soo xidhay ayaa la filayaa in lagu soo celiyo Soomaaliya si ay u gutaan waajibaadkooda ciidanimo, waxaana ciidankan qeyb ka noqon doonaan booliiska ka howlaga caasimada iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Dowlada Soomaaliya ayaa ciidamada loogu tababaraa gudaha Soomaaliya iyo dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya iyo Turkiga oo lagu soo tababaray ciidamo aad u badan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Cadaado says:

    Daanyeero.
    Meeqa sanno ayaa meel kasta loo qaaday, oo lalahaa ciidamo ayaa loo tababaray Somaliya. Haddan wax result, natiijo ah lama arkin. Marka, shaki la’aan kuwa daanyeerta ah ee madaxda sheegta ayaa been sheegaya. Karti la’aan iyo caqli daanyeernimana meeshaas Somaliya ah waaba dhaqan.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  2. NuurkaNederland says:

    WAXAYBA U EG YIHIIIN POLICE-ka RABSHADAHA KA HORTAGA LKN SOMALIYA HADEER UMA BAAHNA POLICKA RABSHADAHA KA HORTAGA EE WAXAY U BAAHAN TAHAY CIIDAN ADAG OO MEEL SAARA ALSHABAB,ISIS.
    HAYEESHEE WAXAA SMALIYA KA HOR TAAGAN IN CIIDAMO LOO DHISO WAA USA,UK,WAA IYAGA KUWA CUNAQABATAYNTA KU HAYA SOMALIYA,WAAYO?SIDAASAY IYSGA UGU BADISAA!!LKN WAXAY HADANA NOOGU SHEEKEEYAAN SOMALIYA BAANU CAAWINAA,WAXAASE AYAAN DARO AH KA KADHAGAYSTA WARKAAS!!!!.

    ISKA JOR:
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICES.
    ALSHABAB+UN+AMISOM+CIA+MI6+NISA=ONE.
    SOMALIYA WAA MASHRUUC NINKII MALE U HAYSTOOWE.
    MAYDKAA LA KALA GADANAYAA NINKII MALE U HAYSTOOWE.
    MIINADA & QARAXAA LA KALA IIBSADAA NINKII MALE U HAYSTOOWE.
    DHIIGAA MALAYIN LAGU HELAA NINKII MALE U HAYSTOOWE.
    DADKUNA WAA WADA MEYD QOSLAYA NINKII MALE U HAYSTOOWE.




Puntland oo war kasoo Saartay dagaalka Khasaaraha gaystay ee Gobolka Mudug
- Dec 10, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale)  War Saxaafadeed ay baahisay Madaxtooyadda Puntland ayaa loogu hadlay Colaada khasaaraha badan gaysatay ...
KENYA : Weerarkii lagu dilay 11 Qof ee Wajeer iyo Ninkii Hogaaminayey oo la shaaciyey
- Dec 10, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa shaacisay magaca Ninkii hoggaaminayay Weerar Jimcihii la soo ...
Muuqaal: Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo Wixii dhacay
- Dec 10, 2019
Minneapolis ( Kalshaale ) Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo ...
MUUQAAL: Qisada Gabadha hore u heshay billadda Nabadda, ee Maanta la Horgaynayo Maxkamadda Adduunka
- Dec 10, 2019
Istanbul ( Kalshaale ) Qisada Gabadha hore u heshay billadda Nabadda, ee Maanta ...
DHEGAYSO: Dagaalkii u dhexeeyay Maleeshiyo Kasoo jeeda Galmudug iyo P.land oo dib u Qarxay iyo Khasaaraha
- Dec 9, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka laga helayo deegaanno hoostaga degmada Jarriiban ee gobalka Mudug ayaa ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!