Boqorka Sucuudiga oo Casuumad Cusub u diray Boqorka Qatar !

Laascaanod ( Kalshaale ) Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa ku martiqaaday Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani Shir todobaadka soo socda ka dhacaya magaalada Riyadh, xilli xiisad diblomaasiyadeed oo labo sano jirsatay ay u dhaxeyso dalalka Khaliijka.

Shirka 40aad ee Golaha Iskaashiga Khaliijka oo ka kooban lix dal ayaa todobaadka soo socda ka dhacaya magaalada Riyadh, kuna beegan 10-ka bisha December.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xaqiijisay martiqaadka soo gaaray Amiirka, waxaana qoraal boggeeda Internetka lagu soo daabacay ku sheegtay in Amiirka Sheekh Tamim Bin Hamad Al-Thani ay soo gaartay dhambaal farriin ah oo uga timid Boqorka Sacuudiga inuu ka soo qeyb galo fadhiga 40aad ee Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Bishii June ee sanadkii 2017 Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn oo ka mid ah dalalka Khaliijka iyo dalka Masar ayaa xiriirka u jaray dalka Qatar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto Argagixisada, waxaana ay ka xirteen xuduuda ay la wadaageen, ee Badda Barriga iyo Cirka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Puntland oo war kasoo Saartay dagaalka Khasaaraha gaystay ee Gobolka Mudug
- Dec 10, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale)  War Saxaafadeed ay baahisay Madaxtooyadda Puntland ayaa loogu hadlay Colaada khasaaraha badan gaysatay ...
KENYA : Weerarkii lagu dilay 11 Qof ee Wajeer iyo Ninkii Hogaaminayey oo la shaaciyey
- Dec 10, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa shaacisay magaca Ninkii hoggaaminayay Weerar Jimcihii la soo ...
Muuqaal: Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo Wixii dhacay
- Dec 10, 2019
Minneapolis ( Kalshaale ) Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo ...
MUUQAAL: Qisada Gabadha hore u heshay billadda Nabadda, ee Maanta la Horgaynayo Maxkamadda Adduunka
- Dec 10, 2019
Istanbul ( Kalshaale ) Qisada Gabadha hore u heshay billadda Nabadda, ee Maanta ...
DHEGAYSO: Dagaalkii u dhexeeyay Maleeshiyo Kasoo jeeda Galmudug iyo P.land oo dib u Qarxay iyo Khasaaraha
- Dec 9, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka laga helayo deegaanno hoostaga degmada Jarriiban ee gobalka Mudug ayaa ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!