MUUQAAL: Taliyaha ciidanka Booliska oo ka hadlay Dilkii Almaas Elman [Daawo]

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa maalintii shalay gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho lagu dilay Almaas Elman Cali oo aheyd gabadh Soomaaliyeed oo ka shaqeeneysay Arimaha xaquuqda aadanaha sidoo kale horey usoo noqotay diblumaasiyad sare.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Almaas Elman oo ah gabar kasoo jeeda Qoys Soomaaliya dhaxdiisa caan ka ah.

Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya in xarunta Dambi baarista CID-da ay furtay gal dacwadeed ku aadan dilka Almaas Elman iyo sida uu u dhacay, waxa uuna xusay in baadhista ka qeyb qaadanayaan saraakiil khubaro ah.

Dilka Almaas Elman oo ka dhacay gudaha xarunta Xalane oo ah goob amaankeeda si weyn loo ilaaliyo ayaan wali la ogeyn sida uu u dhacay, waxaana gabadhan xabad ku dhacday xili ay saarneyd gaari dhex marayay gudaha xarunta Xalane.  

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 11)

  1. Jabhad says:

    taliye mahadsanid….. waxan kaa rabna.. in kiiskaas

    Si wanagsan Loo baaro oo ay marxumada hesho

    Cadaalad abeheed oo dadka somaliyeed gaar ahan

    Dhaliyarta wax bari jiray kuna caan baxay qoriga

    Dhiga qalinka qaata waxaa la dilay 1996 ..waxana

    Dilay ururkii USC oo marka didana in qoriga la dhigo

    una arkayey nin nabadeed… hatan anago dowlad

    Ah ma aqbali karno in gabadhisi la dilo qoyskana

    la dhibateyo…. geridan inta badan dadka somaliyed

    Way taabatay samir iyo iimaan

  2. Dabshid says:

    Gabadhaan waxaa assassination u sameeyey GUMEYSTAHA CAD OO AY KU SHIDEY TOOSH TOBAN QAAD AH.

    Sida caadigaana inteysan dilin qofka ayey sii sameeyaan -QAABKII LOO DILEY OO MIISKA SIISAARAN.

    – Waan baari kuye , horta xitaa ma tagikartaa GOOBTII lagu diley.

    Hotel iska jiif 6 bilood

  3. Garqaad says:

    Wiiftaa ku dhacday Maaha wax la sheegi karo.

    Gabadhu ayaan dhexdaas ah ayey dowladda dhaliishay malaha siyaasad ayaa loo dilay.

    Xaqiiqdii waa geeri xanuun badan.

    sheekh keenyaawi ayaa yaabay

  4. farxiyo says:

    Garqaad.
    Miyaanu qabri Ku sugeyn?

  5. Dabshid says:

    Farxiyo

    Kkkk

    QABRI AA, SAADABA XASSAN DILEY qabri majirin markaas.

    -Axsan waxaad dhahdaa FARMAAJO VILLADA MA DHAAFO,

    Oo wixii qori wato oo waxdilo waa isla reer Goof

    Farxiyo iska daa meel kale Askarta Villa Xamar joogto WAA ONLY HARTI ABGAAL – waliba C/lle

  6. Dabshid says:

    Gabadhaan waa xaqiiq inuu CADAAN DILEY, waxey ogtahey dhibaatada ay dalka ku hayaan

    Gumeystaha Madow iyo Midka Cad

  7. xaange says:

    Shaki kuma jiro in dilku ahaa mid ku talagal ah oo lagu fuliyey qori sharp shooter ah oo meel dheer looga soo toogtey marxuumadaas.Shikai kuma jiro hubka caynkan ah inuu soomaaliya ku yaryahay oo goobtuna ahayd goob ciidamo ajaanib kaliya ay joogeen.
    Shaki kuma jiro inay gabadhu xogo haysey maadaaba ay xeradaa lama galaayda ah muddo ka dhex shaqayneysey galaangal farabadaba ku dhex lahayd.
    Laakiin waxaa is weydiin mudan yaa ka dambeeyey dilkeeda oo fuliyey.
    Kan hadlaya ee leh wax baan baadhayaa isaga iyo xitaa kuwa ka sareeya amarkoodu mmeeshaa kama shaqeeyo.Ee inta wax ma garatada ah ayuu niyada uguu qaboojinayaa wax baan baadhayaa

  8. Laalays says:

    Waxaa kasii daran odaygan taliya booliska ee ku leh “gaadhi baanu samaynaynaa” isagoo xalane gudihiisa geli karin. Ook

    Mee hoera “baadhitaankii” lagu waday dilkii Yariisoow?!!!

  9. Garqaad says:

    Farxiyo salaan sare marwo.

    4 qofoodba waxaa loo dilay arima siyaasadeed. Waadna ogaan doontaan maalin maalmaha ka mid ah.

    1 wariye cawil daahir.
    2 guduumiye yarisoow.
    3 almaas elman.
    4 hodon naleeye.

    Farxiyo abaayo wixii danbi ah alla hanaga cafiyo laakiin warar lagu kaloon yahay oon helaayo wexey ii sheegeen. Gabadhaan in ay toogteen. Xoogaga wadaniyiinta ee dowladda u qaabishan dilalka qorsheysan.

    Dadkaasu wexey dadka u dilaan sidii alshabaabka oo kale weliba wexey xiriir la leeyihiin alshabaabka.

    Aqbaaraadka sifiican ayaan u helaa weliba xogagta dhabta ah.

    Mardhaw dad badan ayey dili donaan xoogaga wadaniyiintu.

    Hadda mardhaw waxaan rejeynayaa in muqdisho laga abuuro dad kale oo ugaarsado xoogaga wadaniyiinta. Xoogagaasu hadda wexey ka howl galaan degmada madiino wadajir degmada karaan. Degmada yaqshiid.

    3 maalin ka hor waxaa madiino lagu 3 ka mid ah xoogaga wadaniyiintu. Karaan waxaa lagu dilay 2 ka mid ah.

    Thuma walaahi.farmaajo iyo kheyre wax ficiican naguma soo kordhin.

    Ciyaal faa cali ayaa quustay

  10. Laalays says:

    Oeps, qoraalka-yga sare adit kiisu ma fiicna 😁

    Nuxurka qoraalka waxa weeye; odaygan sidee dilka gabadha u xalinayaa isagoo Xalane geli karin? Xalina kari waayay dilkii Yariisaw een aqalka Banaadir dhexdiisa ka dhacay?

  11. Mr BaHaL says:

    Gabashaasi Ilaahay ha u naxariisto.

    Laakiin mid ayaan idiin sheegayaa,maxaad iskaga dhigaysaan rag Dumarkooda iyo caruurtooda ilaaliya?

    Maxaad iskaga dhigaysaan rag sharafta dumarkooda ilaalaiya?
    Maxada iskaga dhigaysaan rag nabadgelyada dumarkooda masuul ah?

    Tii dhimata Ilaahay ha naxariisto,tii la kufsado waa nasiib keeda.Dii badbaadana waa nasiibkeeda.

    Waar dhuusada kala taga meesha.

    Wadaadkiina iyo waranlihiina lama kala yaqaan.Tuugiina iyo sheekhiina lama kala yaqaan.

    Nacasnimada naga daaya.

    Dalmida




SAWIRRO: Laascaanood oo Marti gelisay Bandhiga Caalamiga ah ee Buuggaagta
- Dec 10, 2019
Laascaanood ( Kalshaale ) Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa maanta waxay ...
Garoowe: Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo Maanta laga Xayuubiyey Xildhibaanimadii
- Dec 10, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Baarlamaanka Puntland waxaa maanta la hor keenay mooshiin xasaanad ka qaadis ...
Puntland oo war kasoo Saartay dagaalka Khasaaraha gaystay ee Gobolka Mudug
- Dec 10, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale)  War Saxaafadeed ay baahisay Madaxtooyadda Puntland ayaa loogu hadlay Colaada khasaaraha badan gaysatay ...
KENYA : Weerarkii lagu dilay 11 Qof ee Wajeer iyo Ninkii Hogaaminayey oo la shaaciyey
- Dec 10, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa shaacisay magaca Ninkii hoggaaminayay Weerar Jimcihii la soo ...
Muuqaal: Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo Wixii dhacay
- Dec 10, 2019
Minneapolis ( Kalshaale ) Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!