DHEGAYSO: Puntland oo War Cusub kasoo saartay Ciidankii Galay Boosaaso iyo Sida looga saaray [Waraysi]
Garoowe ( Kalshaale ) Puntland ayaa markii u horraysay ka hadashay ciidamadii soo galay magaaladda Boosaso iyo Dagaalkii dhimashada iyo dhaawaca keenay ee ka dhacay Kontoroolka Magaaladda.
Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha iyo Faderaalka Maxamed Axmed Kulan ayaa sheegay in Ciidamada soo galay magaalada ay ahaayeen ciidamo gadooday oo ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Puntland, islamarkaana la xaliyay tabashadoodii dibna loogu celiyay fariisamahoodii.
Wasiirk Kulan, wuxuu beeniyay in sababta ciidamadu u soo galeen magaaladda Boosaaso ay la xidhiidhay inay taageerayeen Shirkadda PDG oo dowladda Imaraadku ay kala laabatay qandaraaskii adeeg siinta ciidamada badda Puntland ee PMPF.
13kii November ayaa Ciidamo iyo tikniko uu watay Ciise Yulux oo hore u ahaa hoggaamiye Burcad-badeed waxay weerar ku qaadeen ciidamo Booliis ah oo joogay Kontoroolka magaaladda Bosaso, weerarkaasi oo ay ku dhinteen Labo Askari, kadibna waxay xoog ku soo galeen Magaalada Bosaso.
Qaar ka mid ah isimadda Puntland oo kulan kula yeeshay Ciise Yulux xarunta PDG ee Boosaaso ayaa ku qanciyay in ciidamadiisa ka saaro magaaladda, dibna ugu celiyo magaaladda Carmo.
HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSIGA IYO WASIIRKA
Madaxda dhaqanka ayaa ballanqaaday in wadahadal lagu dhamayn doono tabashada ganacsatada PDG ee laga qaaday qandaraaska.

<
Warkaan qofka aqli leh oo aqriya wuxuu la yaabin: Ninkaan federalka iyo Arimaha gudaha madax sheegtay miyaa xoolo iska hadlay ah mise ninka warkaan soo qoray daanyeer beenlow ah
Wuxuu yiri:
1. Ciidanka eeygaan Yulux oo burcad-badeed ahaa watay waa ciidan gadooday oo Drawiishta Puntland ah oo wax tabanaya waana la xaliyey.
2. Wuxuu yiri odayaasha Bossaso waxay ciidankii ku qanciyeen in shirkadda PGD oo cidanka badda Puntland saadka u qaabilsanaa in lagu qanciyey in waxka qabanayaan tabashada shirkadda.
Suaashu waxay tahay; ma ciidaka ayaa danahooda u doodayey oo wax tabanayey mise nin ku qabiil ah ayey shirkadiisa difaacayeen?
War cad maaha.
Kollay hurguri in dad u dhinteen u arkay. Daanyeer.
Waaba Khalad in Maleeshiyaad sidaas u hubeysan dhex joogaan meel maaamul iyo dowlad ka jirto , xataa any time bay soo Laabankaraan .
Mida kale Shalay markay Carmo ku soo Laabteen shacabkii Camro waxay ruxayeen Calanka dalkeena Somaliya . Denni yogo Puntland Xaafada Ciise riyoole ee Garoowe bay ka shaqeysa .
Haahey
Yaa la gaada
Yaa dabaal åh o duurka lo dira
Ciidanka aad arkaysaan intooda badan waxay ka tirsanyihiin ciidanka PMPF loo la gadoodey nin beeshooda ah oo dhibsaday kontaraada laga qaaday. Sida loo sheegayo oo la leeyahay waa ciidan beeleed waxba kama jiraan.Laakiin waa run inay yihiin beel ahaan beesha cali saleebaan.
Sida ina adeerkay Lop sheegay waa run.
Waxa dowladda Puntland hadda wixii ka dambeeya laga doonayo waa inaanay dhicin ciidan hal beel u badan oo intaa fara le’eg in hal magaalo ay wada jeegaan ee ciidamada la isku qasaa si aan sidan oo kale mar dambe u dhicin.
PL WAY FOOLANAYSAA WAXAYNA DHALAYSAA AK47.
ILLAAHAY HA U SAHLO..WHY?MID=(DENI) XOOLO ILLAAH AH BAA HOGAAMINAYA & KOOX IIMAAN LAAWAYAAL AH(AARAN JAAN) OO AH TUUL AY KU ADEEGATO UAE.
SL & PL WAXAYBA NOQDEEN LABA IMAARADOOD OO HOOS TAGA UAE.(By cash)FAHAMTU