Deg deg: Alshabaab oo Qabsaday Qaybo kamid ah Sanaag iyo Wararkii ugu dambeeyay

Ceerigaabo ( Kalshaale ) Dagaalyahanno ka tirsan kooxda Alshabaab oo hubeysan ayaa la Wareegay Gacan ku haynta Deegaanka Gacan-Maroodi oo hoostaga degmada Yubbe ee gobolka Sanaag.

Ciidamada Alshabaab ee la wareegay deegaanka Ganac Maroodi ayaa la sheegay inay  kasoo Ruqaansadeen  dhinaca Buuraleday Calmadow,   waxaana horay ugu sugnaa Maleeshiyaad deegaanka ah oo isaga baxay.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka ayaa sheegay in Maleeshiyadda  Alshabaab ay dhaq dhaqaaq cusub ka bilaabeen halkaasi, una jiheysteen dhanka degmada Yubbe oo qiyaastii 50 KM bari ka xigta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, Waxayna dhufaysyo ka samaysteen aga’gaarka waddo hawlbowle ah oo halkaasi ku taalla.

Deegaanada ay xiisadu ka taagan tahay waxaa horay ugu dagaalamay ciidamada maamullada Somaliland iyo kuwa Puntland, kuwaas oo weli isku hor fadhiya deegaano ka kala tirsan Gobolka Sanaag.

Alsshabaab ayaa dhowaan weerar ku qaaday degaanka Af-Urur ee gobolka Bari halkaasi oo dagaal culus ku dhexmaray iyaga iyo ciidanka difaaca Puntland haddana Al-shabaab ayaa dib looga riixay degaankaasi.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Mr BaHaL says:

    Degaanka,markiisa horeba waxaa haystay qabiil.Wax faaiido ah laguma qabin.Qabiil ayaa ku xaarxaarayay xida adhiga.Haatana waxaa qabsaday alshabab.Waa uun kud ka guur oo qanjo u guur.

    Dalmida

  2. Dabshid says:

    Oo aawey Ciidamaddii Somaliland, may dadka ka qabtaan UGUS.

    UNISOM OO WAQOOYI TIMID AYAA II MUUQATO.

    * Sida Koofur ayaa la idiin talin, hadaadnan hadda tashan.

  3. NuurkaNederland says:

    Nuurka.
    POLITICAL ANALYST.
    Khabiir Ku Taqasusey Waxa Looga Yeero ARGAGAXISADA.
    .*.*.*.*.*.*.*.*.*.*.*.*.*.*.*.*.*.*.*…

    HORTA ISWEYDII WAA MAXAY ALSHABAB,ISIS!?.
    ALSHABAB WAA MARAYKAN.
    MARAYKANA WAA ALSHABAB.
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    WAX XAGJIR & ARGAGAXISO LA DHAHAANA MA JIRAANE WAXAASE JIRA KOOXO ISU EKAYSIIYA XAGJIR,ARGAGAXISO OO KA AMAR QAATA CIA,MI6,MOSSAD,SIS.iwm.
    OOLOO SAMAYSTAY CEEBAYNTA DIINTA ISLAAMKA & IN LAGU BURBURIYO DUNIDA MUSLIMKA.
    ISAID:TERRORIST isn’t Muslims.we Knows.
    iweydii aniga.




SAWIRRO: Laascaanood oo Marti gelisay Bandhiga Caalamiga ah ee Buuggaagta
- Dec 10, 2019
Laascaanood ( Kalshaale ) Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa maanta waxay ...
Garoowe: Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo Maanta laga Xayuubiyey Xildhibaanimadii
- Dec 10, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Baarlamaanka Puntland waxaa maanta la hor keenay mooshiin xasaanad ka qaadis ...
Puntland oo war kasoo Saartay dagaalka Khasaaraha gaystay ee Gobolka Mudug
- Dec 10, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale)  War Saxaafadeed ay baahisay Madaxtooyadda Puntland ayaa loogu hadlay Colaada khasaaraha badan gaysatay ...
KENYA : Weerarkii lagu dilay 11 Qof ee Wajeer iyo Ninkii Hogaaminayey oo la shaaciyey
- Dec 10, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa shaacisay magaca Ninkii hoggaaminayay Weerar Jimcihii la soo ...
Muuqaal: Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo Wixii dhacay
- Dec 10, 2019
Minneapolis ( Kalshaale ) Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!