Daawo: C.raxmaan Cirro oo Banaanbax Ku baaqay Berri, Iyo Jawaab uu siiyey Muuse Biixi + Arinta DF-Somalia

Hargeisa  ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro oo m Warbaahinta kula hadlay Hargeisa, ayaa  ugu baaqay Taageerayaasha Xarunta Xisbiga inay maalinta Berri ah isugu soo baxaan Hargeisa, gaar ahaan Xarunta Xisbiga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaa cadaatay inaan Muuse ku hadhin, Wax aan ahayn Muran iyo Garnaqsi aan dhamaad lahayn, Maanta talladu  waxay u taalaa Waxgaradka umadda,  Waana in la isugu yimaado Madal Qaran, Waxaan u sheegayaa Taagerayaasha Xisbiga Wadani in maalinta berry ah isugu yimaadaan Xarunta Xisbiga Wadani ee magaalada Hargeisa”.  Ayuu yidhi Cirro.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Cirro wuxuu ka Jawaabay Hadalo maalintii shalay kasoo yeedhay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, Kuwaasi oo sheegay inay Dumin karaan Somaliland, iyadoo Xisbiga Wadani iyo Taageerayaashii lagu eedeeyay inay Xidhiidh la leeyihiin DF Soomaaliya.

“Waxaan ummadda u sheegayaa in Muuse iyo Gacanyareyaashiisu Arinta DF Soomaaliya u Adeegsadaan ku Cel Celinta Arinaasi kala Qaybinta Bulshada Somaliland, Iyadoo Muuse ay Shaqsi ahaan u dheer tahahy inuu u jeedo Beel gaar ah oo Reer Somaliland ah, Isagoo  dadka kala Qaybinaya , Arintaasi oo  Sun ku ah Qaranimada Somaliland”.

“Shalay Muuse Wuxuu ka qayb galay Carwo Caafimaad, Waxaa laga filayey inuu ka hadlay Arimaha Caafimaadka, iyo Xanuunadii dadka dilay, Hasayeeshee Waxaa muuqata inaan Muuse Xog-ogaal u ahayn Dastuurka iyo Xeerarka Somaliland”.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 10)

  1. Mr BaHaL says:

    Mr Ciro,meeshu dawlad maaha.Reerbaa haysta oo qalad ayaa dhacay.
    Wxuu qalad ku dhacay markii ciidanka laysku daray.

    Puntland ciidankeeda qabiil ayuu u kala fadhiyaa.waa ta keentay in la kala qaato marka laysku yara xoog sheegto.Waa arin fiican.

    Reer Puntland arintaasi in aan ciidanka laysku darin way ku saxsanyihiin sida aan qabo.

    Tan somaliland ciidanki ayaa laysku daray waa hore,waa lays baadhay kkkkk

    Haatan ciidankii ayaa u gacan galay qabiil oo waxaa loo hayaa wixii ay noolaaln lahaayeen.

    Waxbaa ka dhacay.

    Waa laysju dawladeeyay.

    Sorry for no Jeegaan Tribes.

    Waa in ay qori qaataan xalka kaliya ee lagu helikaro sinaan.

    Dalmida

  2. Dabshid says:

    Xeelaysigii Daanta Siilaanyo loo sameeyay, waa in loo sameeyo DAANTA MUJAAHID C/ RAXMAAN TUUR.

    * Hogaamiyaha soo socdo waa GAR-XAJIS ama GAR-ADAG ayey ku dambeyn SNM.

  3. Dabshid says:

    Dee horta Guddoomiye Cirrow adiguna garta ama garnaqsiga MUUSE BIIXI QAADO, MAXAA YEELAY ISAAQA KA SHAQEEYO XAMAR 70% WAA GARXAJIS

    ilaa 8 Position oo muhiim ah ayuu Garxajis ka maamulaa Xamar

    ilaa 4 Guddi oo guddiyada Parliament waxaa maamulo Garxajis ** Fowsiyo iyo Xusseen Carab Ciise ‘ Ugu sareeyaan.

    anigaa aqaano ilaa 10 dhalinyaro ah oo DEKEDDA XAMAR AY GEYSAY DUMAASHIDEEN Fowsiyo.

    Marka hadalka Muuse waxaa waaye, QEYBTII ISAAQ EE KOOFUR ‘ Looma dhama.

  4. Garqaad says:

    Halkaa waxaa ka jiro nidaam dowladeed oo looga dayan karo.

    Halkaa qofku codkiisa ayuu kuu ciil baxaa oo kama sheqeyso xildhibaan lagu keenay 4.5 iyo beeso.

    Halkaa siyaasigu waa xur oo wuxuu doono ayuu dhaliilaa. ma jirto habeen madoow in guriga LAGUUGU soo dhoco oo aragtidaada laguu dilo.

    Madaxweyne biixi. Xoog kuma imaan oo cod shacab ayuu ku yimid wuxuuna xaq u leeyahay 5 sano ee loo doortay in uu dalka maamulo.

    Midkaan CIRRO. La yiraa Maaha hogaamiye waa miskiin waa in uu xisbiga wadani meesha u baneyaa oo meesha hogaamiye yimadaa.

    Aqoonyahanka. Dhalin yarada ah. Ee

    Khadar cabdi xuseen. haloo dhiibo hogaanka xisbiga wadani.

  5. Garqaad says:

    Sorry. Khadar xuseen cabdi ayaan ula jeedaa.

    Xoghaayaha ururka wadani.

    War ninkaa meesha haloo dhiibo.

  6. NuurkaNederland says:

    ARINKU SAAS MAAHEEWAY KA HOOSTAY CIRRO.
    LKN KU CELCELINTA BIIXI EE HADAL HAYNTA & XAJIIMAYNTA DFS & FARMAAJO WAXA U SABAB AH MUUSE WAX KALE OO UU SHACABKA U DHEEGO BAAN JIRIN OO WAX QABADA MARKAA WAA INUU KAHADLAA WAX SHACABKU KA DHAGAYSAN KARAAN MARKAA WAA INUU FARMAJO,DFS,KAHADLAA AMA WADANI KU XAJIIMEEYAA!!!.
    MUUSE HADUU WAX QABTAY WAQTIBA UMA HELEEN KAHADALKA DFS & FARMAAJO EE WUXUU KUNMASHQUULI LAHAA KAHADALKA WUXUU QABTAY.LKN WAX UU QABTAY OOUU KA HADLO BAANBA JIRIN WAA TAAS TA SABABTA MARKUU MUUSE HADLABA INUU FARMAJO & DFS ISKUQAADO AMA WADANI KU XAJIIMEEYO DFS.IWM.

  7. Dusha says:

    BaHaL

    Kkkkkkkkk……Garxajis ha cabaaduu ka badin waayeey…..oo yaaba u juuq oranaya, hadduusan maqal mayracanaysa didin karin…waxaa jira in Soomaalidu keliya ay isku afgarato violence ga iyo dagaalka….iskuma afgarato doodda, garnaqsiga iyo runta….waa muskilad weeyn….waa sababta soomaaligu u dagaalamo, halkii uu gartiisa sheegan lahaa…..mushkiladdu waxa weeye haddaad garnaqsatid, oo dood sheegatid, yaaba kaa hoos qaadaya….waxaa keliya oo soomaaliga gartiisa la xaqsiiyaa, marka laga baqayo, ama la ogyahay in haddii aan xaqiisa la siin inuu dagaal ridayo….waa mushkilo…

    Waan la qabaa sida BaHaL u dhigay, khaladka Soomaaliland ka dhacay waa in reero lagu khiyaamay, qaramayntii ciidamada….reeraha la khiyaamay waxaa laga ilaaliyey inay ciidamada markooda hoggaanka sare ka qabtaan, kadibna waxaa lumay isu miisaaniintii beelahu ciidamada ku dhex lahaayeen…..

    Waa run arrintaas waxaa ka badbaaday oo in badan oo maamuladii Puntland soo maray isku dayeen fashiliyey reeraha Puntland…waxaa hadda soo baxaysa inay beeluhu arrinkaas ku saxnaayeen….waxaa soo baxaysa inay roontahay inta dowlad dhexe oo soomaaliyeed oo dalka oo dhan awood ku leh la helayo, in laga taxadaro inaan beeluhu isu awood sheegan oo isu dowlad sheegan…..

    Sababta ay u wanaagsantahay waa iyadoo arrintan awoodda ciidan ee beeluhu ay salshig u tahay awood qaybsiga dhaqaale iyo mansab ee beelaha….beeshii la ogyahay inaysan awood ciidan lahayn waa la qadinayaa….cabashadeedana loo joojin maayo, marba haddii la ogyahay inaysan qori meel ka jabin karin….

    Tusaale….marka Soomaaliland beeli cabasho muujiso….waxa keliya ee loo oggolyahay waa inay cabashadaas waddo….ilaa goorma….kkkkkkk….waa weligeed….markii cabashada looga jawaabi waayo…hadday tallaabo dheeraad ah isku daydo iyo inay waxeeda si kale ku raadsato waa looga darayaa….waxaa laga dhigayaa wax la xiro iyo wax la dilo…..in badan bay tanoo kale dhacday….oo soomaaliland cabashadii uga jawaabtay xarig iyo dil….waxaa cajiiba in Soomaaliland siyaasiyiinteedu yiraahaan….soomaaliland waa dimuqraadiyad beeluhu arrinkooda cabasho haku muujiyeen….dee soow cabashada in dowladdu xalliso oo ka jawaabto maaha….taasi ma dhacdo..
    Somaaliland cabashada beelaha ma xalliso…isha uun bay ka dawaataa….beeshii marka la dhagaysan waayo wax kale ku dartana jeelka iyo xabbad baa loogu jawaabaa….

    Sababta qaabka ciidanka Puntland u dhisan yahay ay uga duwantahay waa in beelaha Puntland ay ku gorgortamaan oo dowladda ku daba maroojiyaan awoodda ciidan ee ay ku dhex leedahay ciidamada….waxaa kaloo weli jira in beelaha Puntland ay awood muuqata weli kuwada leeyihiin ciidamada, oo aan beelo ciidamada laga sifayn…oo aan tabashadooda iyo cabashadooda la iska indha tiri karin….

    Qaabka beelaysan ee ciidamada Puntland u dhisan yihiin waxaad moodaa inay caawiso oo taabto wax qaybsiga, iyo caddaaladda, waxay ka hortagtaa in dhaqaalaha iyo awoodda beeli isku koobto….waa gorgortan aan la iska indha tiri katin, waa qaab dowladda lagu soo jeediyo….waa qaab looga hortago in dadka qaar iska naaxaan, qaarna saboolaan….wakhtiga hadda lagu jiro waa sax…..taas caksigeeda ciidanka soomaaliland wuxuu xoojiyaa dowladda, wuxuu cabburiyaa tabashadii jirtay in xoog lagu aamusiyo….beeluhu ma haystaan leverage ama gorgortan ay dowladda dabada ku maroojin karaan hadday cabashadooda ka jawaabi weeydo…..bal kawarrama kee labadaas system dimuqraadiya….dimuqraadiyadu wax kale maaha waxay ku salaysantahay wax qaybsi iyo isu miisaan awoodaha..wax kale maaha waa isu miisaanaan dhaqaale, awood iyo bulsho…..meel aan intaas inyarina ka jirin maaha dimuraadiyad…..warraaqo santuukh lagu rido kadibna qofku yiraahdo anaa guulaystay wax walba anaa leh, anaa iri, waxna iigama dambeeyaan, waxna iigama horreeyaan….

    Tusaale…maalintii dhowayd beelaha Bari waa cawdeen, waa garrameen, Deni markuu Boosaaso tegay cabashadooda ayeey u muujiyeen….arrinta la isku hayey dhaqaale iyo mashaariic bay ahayd…
    Mashaariicda waxaa xoogooda haystay shakhsiyaad Bari ka soo jeeda..Deni iyo saaxiibadiis waa iska indha tireen cabashada beelaha Bari…why because waxay rabeen Deni iyo saaxiibaxiis inay isku qaboojiyaan mashaariicsaas lana wareegaan….Deni iyo saaxiibadiis inay wax gargortan, tanaasul iyo dabaca ka muujiyaan arrintaas waa diideen….maxaa dhacay….maxay u baxsadeen beelihii Bari…..seebay xaqoodii u difaacdeen…maxaa caawiyey…oo u hiiliyey….su’aasha waad ka wada dheregsantihiin waxaa caawiyey ciidamadoodii ay Puntland ku dhex lahaayeen….jawaaabta la afgartay oo dowladda gaartay waxay ahayd tii ciidamada baho Bari bixiyeen….nimankii lala hadli waayey oo hadba geed fadhiya dhinac laga dhaafayey hadda jilbahaa la haystaa….walaalayaal reer Bariyoow Puntland yaan la burburin waxaad rabtaan waa la idiin yeeline….ka jawaaba maxay ku kala duwanyihiin cabashada baha Bari iyo tan Garxajis…..NB…malihi Garxajis dagaal ha bilaabeen laakiin waa in luuqad uu fahmayo Biixi ay kula hadleen….waa in sida Deni, Muse Biixi uu yiraahaa walaalayaal Garxajisoow Soomaaliland ha inaga burburinina wax walba waan oggolahaye..haddii kale ilaa yoowmul qiyaame cabasho isaguna dhoosha ha idinka eego…..waxaan bogaadinayaa raganimada iyo geesinimada ay baho Bari muujiyeen iyo sida ay xaqooda iyo qaybtooda u difaacdeen…waxay u hiiliyeen wax qaybsiga, wax wada lahaanshaha iyo caddaaladda Puntland….

  8. mohamuud says:

    wallee sacad muuse waa boqortooyo,wixii afkaa kala qaada afkaa laga duqaynayaa xabad iyo xoog waxaan ahayn africa kama shaqeeyaan,ninkaa muuse waa libaax very strong man amuu soomaaliya qabsadaaba

  9. Dusha says:

    Soomaalidii waa xumaatay…waa dhaqan beddelentay……siyaasiyiin xun baa kacay…siyaasiyiin keligood naaxa ayaa kacay….siyaasiyiin calooshooda ka fakaraya ayaa kacay….siyaasiyiin hantida doowladda iyo tooda aan kala aqoon ayaa kacay…..siyaasiyiin kursiga dantooda shakhsigaa u raadinaya ayaa kacay…siyaasiyiin awoodda kursiga lagu aaminay, tooda shakhsiga uga faaiidaysanaya ayaa kacay…waa mushkilo…waa sunno xun….calaamadahaas aan siyaasiyiinta soomaalida ku tilmaamay waa ka muuqdaan: Hargeeysa, Garowe, Xamar, iyo Kismaaayo….waxay u egtahay inay kala koobi garaynayaan musuqmaaduqa, iyo ku tagti falka hantida dadweetnaha….ma jiro siyaasi soomaaliyeed oo ka leexanaya sunnaddaas ee boobka hantida dadweynaha, oo la imaanaya hoggaamin daacada, oo xalaala…arrintaas soomaalidu meel ay joogtaba waa inay ku baraarugtaa….

  10. Dusha says:

    Waxaan haynaa Deni oo leh laaluush baan bixiyey madaxweeyne ayaan ku noqday, laaluushkii aan bixiyey ayaan rabaa inaan soo ceshado…marka si aan lacagtii iga baxday ee aan madaxweeynaha ku noqday u soo ceshado waa inaan qandaraasyada la wareegaa….ma saasaa, oo awalba in laaluush la bixiyo si xukunka loo helo soow xaaraan maahayn….ma xaaraantii aad xukunka ku heshay baad xoog iyo xaaraan kale ku daraysaa….oo waa lagaa yeelaa…in lagaa yeelo iska daaye, xukunka aad laaluushka ku heshay in lagaa ogolaado, baa khalad ahayd….makaa hayno lacag ee kuwaad siisay u doono….mise iyagaa mid kale kaaga fadhiya…..halkaas baynu maraynaa…in lacag maafiyo laga qaato…loona ballanqaado markaan xukunka lacagtiina ku helo, baan hantida dadweynaha intaan boobo baan lacagtiinii idiin gudayaa….halkaas baa siyaasiga soomaaliyeed marayaa…..kor iyo dowladda dhexena ka daran…..dowlad baa lacag laaluush loo bixiyo loo doonanayaa, kadibna dowladdaas qaanta leh baa loo rahmanyahay…..amarkeeda lagu shaqaynayaa…halkaas baa la marayaa…




SAWIRRO: Laascaanood oo Marti gelisay Bandhiga Caalamiga ah ee Buuggaagta
- Dec 10, 2019
Laascaanood ( Kalshaale ) Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa maanta waxay ...
Garoowe: Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo Maanta laga Xayuubiyey Xildhibaanimadii
- Dec 10, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Baarlamaanka Puntland waxaa maanta la hor keenay mooshiin xasaanad ka qaadis ...
Puntland oo war kasoo Saartay dagaalka Khasaaraha gaystay ee Gobolka Mudug
- Dec 10, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale)  War Saxaafadeed ay baahisay Madaxtooyadda Puntland ayaa loogu hadlay Colaada khasaaraha badan gaysatay ...
KENYA : Weerarkii lagu dilay 11 Qof ee Wajeer iyo Ninkii Hogaaminayey oo la shaaciyey
- Dec 10, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa shaacisay magaca Ninkii hoggaaminayay Weerar Jimcihii la soo ...
Muuqaal: Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo Wixii dhacay
- Dec 10, 2019
Minneapolis ( Kalshaale ) Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!