Cabdiqaasim Salaad Xasan oo si adag uga Hadlay Hadalkii Sheikh Shariif iyo Xaalada Soomaaliya

Qaahira ( Kalshaale ) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan ayaa ka hadlay sida uu arko hadalkii Sheekh Shariif uu ku sheegay in dowladda laga saarayo Xamar, Wuxuuna xusay in hadalka Shariif Sheikh Axmed uu ahaa mid laga haboonaa.

“Hadalkaas ma Qumana, Madaxweyne horena inuu sidaas u hadlo ma haboona, hadii qalad dowladdu gasho waxuu dalku leeyahay baarlamaan iyo gole sare oo aan beel gaar ah lagu sheegi karin, iyaga ayaana laga rabaa inay la xisaabtamaan dowladda, mana fiicnayn in madaxweyne hore uu dowladda u dhaarto oo uu yiraahdo saasbaan yeelayaa mana haboona in lagu hadlo wax dalka oo dhan dhibaato u keeni kara” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiqaasin.

Mar uu ka hadlay in dalka ay doorasho ka dhici karto waqtiga loo asteeyay ayuu sheegay inuu aad ugu rajo weynyahay inay dalka doorasho ka dhici karto.

“Madaxdii horay u soo maamushay dalka aadbay u dadaaleen haatana dadaal ayaa ii muuqda, doorasho inay dalka ka dhacdana waa lagama maarmaan waana qabaa inay dhici doonto, arinta doorashada labada gole ee baarlamaanka dalka ayey u taalaa”.

Mar wax laga weydiiyay in Xukuumaddu ay baarlamaankii gacanta ku dhigtay sidoo kalena ay caburinayso, ayuu Cabdiqaasin ku jawaabay, “Xukuumaddi ayaa baarlamaankii dalka gacanta ku dhigtay hadal quman maaha, boqolaal qof oo Soomaali ah oo umadda u shaqeya oo Kitaab gacanta u galiyay ayaa qolo gaar ah u shaqeyneysa wax la sheego iyo wax la qaadan karo midna maaha, iyaga ayeyna u taalaa oo u dhaartay inay dalkooda iyo dadkooda u shaqeynayaa”.

Cabdiqaasin Salaad mar uu ka hadlay dagaalka ay ciidamada dowladdu kula jiraan Al-Shabaab ayaa waxa uu yiri, “Had iyo jeer waxaan aragnaa ciidanka dowladda oo dagaal kula jira Shabaab, waxayna Al-Shabaab faa’iido ugu jirtaa inay Ilaahey ka baqaan ay iska daayaan dadka ay baabi’inayaan iyo waxa ay qarxinayaan, dhow goor ayaan fariinteyda u diray Shabaab xaqdaro ayey dadka ku leynayaan, hadda waxaan leeyahay qofkii qof dila isagoo xaqdarro ku dilaya waxa uu la mid yahay isaga oo dadka dhan dilay, ha akhristeen Qur’aanka”.

Ugu dambeyntii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan ayaa sheegay in mar walba uu usoo duceeyo  dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay inay is cafiyaan oo tafaraaruqa iska daayaan gacmahana is qabsadaan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 25)

  1. Cadaado says:

    Daanyeer, Cabdiqaasim, waa nacas, waa doqon daanyeer ah. Waana munaafaq. Waxyaabaha uu ka hadlay, we ah in uusan position ka qaadan amaba uu si blah blah ah uga hadlay, waxeey tilmaan u tahay sidda uu daanyeer u yahay fulaygaa.

    Mid mid ayaan u kor istaagi karaa inta wax uu ka hadlay laakin it ain’t worth my time. Qofkii aanan caqli daanyeer laheeyn wuu fahmi karraa in ninkaan uu cadeeyn u yahay sidda uu u egayahay qabiil fashilmay.
    Dalmida.
    God bless Somalia

    • hodan says:

      Asc,,nigu waxan la yaabay labadan nin ee sita cadaado iyo dabshid waxa ka qaldan,wax walba oo dowladu samayso waxay u arkaan xumaan, ma arag intaa aad wax qoraysiin idinkoo dhinaca wanaagsan wax ka arkaaya, ma wanaagsana in aad marwalba negative ahaato xataa nafsiyan uma fiicna qofka,waxan idinkula talin lahaa intaan dhakhterka dadka waalan la idin gayn joojiya xumaantan joojiya hadii aad drags qaatatiin subxaanalaha qof lama arag ka sheekaynaya xumaan iyo dagaal iyo qabiil wax dhacay 3o sano ka hor waa dabshide waxa gaaladu tidhaahda forgive and forget wixii dhacay hadi kale aday dhibato ku keeni,, kan cadaado sita cid walba dayeer baad ku sheegta qof adiga ka dayeersan ilaahay ma abuurin,wixii dayeer ah baa dadkal kale dayeer ku sheega so stop,ma ogin xaalkaga lakiin waad liidata ilahay haku gargaaro you need help,,mida kale Somalia manta maalin ay ka fiican tahay ma jirto so anigu waxan aragna class half full halkad idinku ka aragrtiin galss half empty,ilaahow Somalia barwaaqada u siyaadi oo dadka xun naga qabo aamin aamin

  2. Hiilqaran says:

    Masha alaah abdiqaasim salaad ayaa lagu tilmaamikaraa madaxweyne hore because u madhaqmayo sida labadaan moryaantaa oo isdaba socda guul iyo gobanimo mr abdiqaasim

  3. farxiyo says:

    Cabdi qaasim salaad ,mahadsanid.
    Sharafi korkaaga ha ahaato,kuwii kuu diidey madaxtooyada inaad gasho,weeye.
    Dawladnimo ma rabaan ,shacabna u tudhimaayaan,ujeedkoodu waxa weeye maxaan cunaa,maxaan dhacaa.
    Insha-allaahu, dalka iyo dadka,iyo diintaba,ilaahey baa ka badbaadin dhagartooda.

  4. Hiilqaran says:

    Abdiqaasim waa nin yaqaan dowlad nimadu sideey u shaqeeyso lakiin shariif sookudey muxuu kayaqaanaa dowladnimo kkkk moryaan foqal moryaan

  5. farxiyo says:

    Cadaado.
    Salaan ka dib walaal.
    C/qaasim salaad ,si run ah buu u Hadley.
    Cadaado wlhi blhi tlhi,anigoo naag ah ayaan u hadleen siduu shariif u Hadley.
    War shar iyo kheyr waxad sameyneysoba,waa inaad sir yeelataa.
    C/qaasim salaad ma jiro nin ka qabyaalad badani,waa ninkii tuutaha u xidhey dagaalkii kismaanyo,Cali khaliif galeydh oo ahaa reysalwasaarihii xiligaa,sababtuu xilka Ku waayey waxa ka mid aheyd arinta kismaayo oo ay. isku khilaafeen.
    Balse maanta,si wanaagsan buuu u Hadley.

  6. Land of Punt says:

    Cabdiqasim Salaad Booy, waa nin og waxa Somalia ka scda oo Kacaankii 21 sano u shaqeeyey.
    Asaga hooyadiis waa Mareexaan, aabihiisna Marexaan baa aano qabiil u dilay.
    Markii Carta loo doortay Madaxweyne waxaa u diiday in madaxyooyada qalo Mooryaan Cayr iyo Sacad oo dhexdoodana isdilayey, Saleebaan talo, ogadaan ha taliyo waa laga diiday, Abgaal Habargir oo markaas Xamar xoog ku haysta wax uma ogolayn.
    Cayr iyo Ina Deylaaf waxay ku yiraadeen Cabdiqasim: Dowlo iyo sheekadii reer abtigaa xaa dan noogu jura, gurigaaga ku jir hadaad naf rabto, haddii waa ku buufaynaa..!!!
    Cabdiqasim waa ninkii aasaasay walaalaha Galguduud, ilaa maantana in boorka ka jafo raba Walaalaha Galguguud.

  7. Land of Punt says:

    Cabdiqasim iyo Sheik Shariif waxaa wadanisan Sheik Sharif.
    Shariifka waxaa ka xanaajiyey ninkii uu shaqo siiyey asagoo Hotel jiifa in yiraado Xamar ka bixi kartid oo Kismaayo iyo Beldweyne ma aadi kartid oo weliba ka dhabeetyey.
    Shariif Tuke qorsha uguma jirin in Xamar loogu xoogsheegan..kkkkkkkkkk
    Duurka tuuray: Thuma Walaahi, Thuma bilaahi ku waashay…kkkkkkkkkkkkk
    Sheik Shariif wuxuu ku jiraa ragga in Somalia hogaamiyaan la jeclahay…
    Aniga ma arko wax Somali ka haylaynayo Shariifka inkasta oo hadda siyaasad bartay oo in tuug noqdo dhici karto..qurbo-joogtaan Passaporka ajnabi wata oo Mafia ah kolay wuu dhaamaa Shariifka.

  8. Garqaad says:

    Aad iyo aad waa runtiis. Madaxweyne cabdi qaasim. Anigoo garqaad ah oon xitaa mukulaal xukumin. Inta idaacad soo istaago sidaas uma hadleen. Waa laga yabaa in aan kalshaale ku baala xoofteeyo madaama ciduba aysan ii heedin laakiin live walleey ka tahay sidaas uma hadleen.

    3 jeer uma dhaarteen in aan saraayo dowladda sharci ah oo wadanka masuul ka ah.

    Xaqiiqdii anigu dadka garab istaagay ayaan ka mid ahay. Sheekh shariif madaama aan daremaayo in la xumeeyo Dee sanamkii yaraana uu ii muuqdo laakiin hadalkiisu wax la aqbali karo Maahayn.

    Dadka qaarbaa u fasirtay in uu qabiil ahaan dowladda ugu ribeynaayay laakiin dadkaasi waa xanuun sanayaan.

    Sheekh shariif waa xanaaqay. Xanaaqii ayaana ka tan badiyay horaana loo yiri nin xanaaqay laga badi.

    Sheekhu munaafaq Maaha oo waa iska calool xaaran yahay.

    Ka bootiya odaga

  9. Land of Punt says:

    Cabdqasim waa ninka isku deyey in walaalaha Galguduud in dalka xoog ku qabtaan, Jubbland iyo South West, gobolada dhexe oo dalka isku xira gacan bir ah ku qabtaan Cayr iyo Mareexaan.
    Isaaq la maslaxeeyo oo madaxa loo salaaxo arimaha dibedda la wareegaan.
    Majeerteen madaxa ka tumo oo Siyaad Bare i qarso noqdo.. Bari u diro rag Shaabuug la dhaca.
    Shabuugii Cali Yusuf la dhexmaray gobolada dhexe, waa balan in Bari geeyo.
    Ilaahaa naga qabtay dowlad Cabdiqasim oo xoog leh, aniga ciyaalkii u mashxaraday ku jiray iyo dowlad baa noo dhalatay…kkkkkkkkkkkk
    Cabdiqasim intaan meel kale aadin oo caro gubin isla Cayr ayaa naga qabtay….thanks Cayr..
    Kkkkkkkkkkk😃

  10. Garqaad says:

    Idinka unbaa laydinka hayaa madaxweyne cabdi qaasim shalay kismaayo ayuu darood tuute ugu xirtay. Calashaan waa qof xun. Iyo maanta waa nin nadiif ah madaama uu farmaajo dowladiisa difacaayo.

    Madaxweyne cabdi qaasim weligii kismaayo ma wareerin walaalaha galguduud cabdi qaasim ka hor ayey kismaayo joogeen. Ee waa uun nin hawiye oo xukun haayay ayaad colaad ugu haysaan. Maantana waxaad u amaaneysaan waa uun difaaca uu difacaayo dowladda igaarka darood hogaamiyo. Marka qabyaaladdu heerkaas ayey nala gaartay.

    NIN walbo ina adeerkii xumaan iyo samaan haku garab istaago.

    Cadaado unbaan intaas garan.

  11. farxiyo says:

    Garqaad.
    C/qaasim ma difaacayo farmaajo we nacasnimada shariifkuu LA yaaban yahay.
    Waar nimanyahow sidee wax u fahantaan?
    Adigoo shaley ahaa,hadaad maanta boo maxaadareyso waanu Ku dhegaysaneynaa waanuna Ku amaaneynaa ileyn ilaahey baa kusoo hanuuniyee,laakiin qasab waanu sheegaynaa inaad budhcad ahaan jirtey kkkk.
    C/qaasim,wuxu LA dagaalamay maamuladii daaroodka,waaa Arin jirta cidkastina way ogtahay inuu tuute u xidhey kismaanyo
    2000,oo ciidan ah tolkiina u badan geeyay kismayo.
    Wax LA huuriyo ma jirto taariikhdu wey qoranthy.

  12. Garqaad says:

    Farxiyo.

    Kismaayo miyaa maamul ka jiray 2000?

    Tan kale maanta waa fiican yahay madaama uu hadalkii shariif canbareeyay.

    Dowladda maanta dalka ka taliso sow ma jeclaan laheyn gobaladoo dhan in ay gaarto? amarkeedu ka sheqeeyo?

    Shalay markuu madaxweynaha ahaa waxaad leedahay darood ayuu la dagalamaayay maxaad ugu fahmi waysay in uu ahaa madaxweynihii dalka doonayana in uu dowladda gaarsiiyo gobalada oo dhan?

    Hadalkaaga ayey ku jirtaa shalay in uu qabyaladiiste ahaa.

    Ma waxaad iigu shekeyn shalay markuu madaxweynaha ahaa qabyaaladiiste ayuu ahaa maantana isagoo shacab ah qabiili Maaha.

    War farxiyooy baahasha waalla fahmaa ee yara Naga baandheey ina adereey.

    Madaxweyne cabdi qaasim. Qof wanaagsan oo dowladnimo jecel ayuu weligii ahaa. Weliba inkaarta maanta hiraab haysato waa tii ay isaga ka galeen.

    Waa madaxweynihii. Yiri Aniga laydhihi maayo shisheeye ayuu dalkiisa iyo dadkiisa u adeegsaday.

    Waa Ninkii ayadoo madaxtooyadii loo diiday ee weliba awoodo in uu xooga ku fadhiisto dhahay dhiig uma dadaadinaayo ee halkaa ayaan iska joogayaa.

    Waa Ninkii itoobiya sanka ka qabsaday warkoodana diiday.

    Waa Ninkii markuu madaxweynenimada ku guulaystay dhahay habartii gaasha aheyd kuma salamaayo ee halkaa iiga hambalyeey.

    Doqon doqonodhashay ayaa heshay maahee madaxweyne fiican oo waaya arag ah weligii dowladnimo kusoo dhex jiray ayuu ahaa.

  13. farxiyo says:

    Garqaad.
    “Nin meeli u cadahay,meeli ka madow”.
    Sanadkii 2000 kuma dhihin ee 2000oo ciidan ah baan Ku idhi.
    Garqaad,waxan Ku weydiiyey adeerkaa xasan shiikh goboladee xukumi jirey?.
    Muqdishose ma wada xukumi jirey?.
    Kkk kuyeh shariif buuu cambareyay,kkkk
    Shariifku isagaa is toogtey,cidna waxba ma yeeli Karo*lugta ninkii isku dhuftaa,isagaa u dhutiya*.
    Farmaajo iyo kheyre ,shar iyo khayr waxay sameeyeenba shacabkii doortaa u jeeda.
    Cajiiiiiiiiiiiiiiib.

  14. farxiyo says:

    Garqaad .
    Ninyahow maalintaas waad joogtee,maad ka celisid raggii u diidey villada.
    Adduunyoooooooy.

  15. Garqaad says:

    Farxiyooy.
    Hhhhhhhhhhhhhhh.

    Sidaadan hadda farmaajo uga celin Karin tolkaa joogo garoowe iyo laascood. ayaanan Anna raggii xiligaas dulmaayay uga celin kari waayay.

    Noo kala qaad.

    Farmaajo iyo kheyre Anigaa ah dadkii doortay waxna kama faa.iidin. adigu waxaad wanaagooda iyo xumaantooda ka sheekey kartaa markeey kusoo gaaraan.

    Hadda waxaagu waa uun garqaad daalis.

    Sheekh shariif. Hadalkiisa waad la yaabtay. Laakiin waxaa ayadana wanaagsaneed wixii lagu sameeyay in aad la yaabto. Waa hadaad dhexdhexaad tahay.

    Anu wixii lagu sameeyay qalad weynbaan u arkaa. Hadalkiisana qalad kasii weyn ayaan u arkaa.

    Weli madaxweyne cabdi qaasim ayaan la qabaa hadalkiisu hadal masuul maaheyn.

    Dee farxiyooy waanu googosaneynaye. Si kale how qaadan. Hhhhhhhhhhh.

    Tooreey iyo bustoolad ayaa yaabtay

  16. Farah cabdibaal says:

    Waan mahadinayaa madaxweynihii hore oo Somalia Cabdiqasin s xasan si fiican buu u hadlay oo siyaasad iyo wadaniyad ku dheehan tahay iyo dalkiisa oo uu jecelyahay baa ka muuqata hadalkiisa wasnu u ducaynaynaa hadaan somali waanu kuu ducaynaynaa hadaan shacabka nahay!!!!!!

  17. Farah ahmed abdibasl says:

    Waan mahadinayaa madaxweynihii hore oo Somalia Cabdiqasin s xasan si fiican buu u hadlay oo siyaasad iyo wadaniyad ku dheehan tahay iyo dalkiisa oo uu jecelyahay baa ka muuqata hadalkiisa wasnu u ducaynaynaa hadaan somali waanu kuu ducaynaynaa hadaan shacabka nahay!!!!!!

  18. Ali Zubeer says:

    Madaxdii hore ee Soomaaliya waa inay siyaasadahan beelaysan meel ka fadhiistaan. Shariifka shaki kuma jiro inuu ceeboobay.

    —————————————

    Dabshid says:

    November 16, 2019 at 9:16 pm

    Labadii dal ee Midoobey 60kii

    1.

    Midna hal maamul ayaa ka jiro

    Midna LIX maamul ayaa ka jirto.

    2.

    Mid dadkaa wax doorto/codeeyo- one man one vote

    Midna XILMADHIBAANADAA codeeyo, ayagaa wax doorto

    3.

    Mid Caalamkaa Aqoonsan

    Midna waa Aqoonsi suge

    * Sidaan maysku Qabnaa, mise waan Qarsanaa”

    Dabashid

    Waar nin yahow waan ogaa inay qabyaalad ku dishay, imminkaa waad caddaysatay ku celcelinta beenta Iidoor. Ogow taariikhda Soomaaliya adiga lagu waydiin maayo ee daba socodka Iidoor ha ku ceeboobin…………

    Laba dal baa midoobay kulahaa.

    Miskiin

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  19. farxiyo says:

    Garqaad.
    Walaal googoosi maahe,fekerkeena baynu cabireynaa.
    Shiikh shariif in loo diido safarka waa khalad,waa madaxweynihii hore in LA xushmeeyo xaq buu u leeyahay ,laakiin wuxu Ku khldan yhy hanjabaaada,iyo durbaanka qabiil ee uu garaacayo,waxnse u arkaa in siyaasiyiinta hawiye qub-moos u tuureen.
    !!!!!!!!!!.

  20. Garqaad says:

    Farxiyo.

    Muxuu sheekh shariif ku garaacay durbaanka qabiil?

    Ma ii sheegi kartaa qabiilka uu u jeeday iyo qabiilka uu u hadlaayay?

    Wuxuu la hadlaayay waa dowladda nabad iyo nolol. Qabiilka maxaa meesha keenay?

    Nabad iyo nolol miyaa qabiil ah?

    Qaladbeey aheyd in uu ku dhaarto dowladda ayaan saaraynaa. Taas waan isla fahanay.

    Hogaamiye koxeed ayaan magaladaan ka saarnay.

    Itoobiyaan ayaan ka saarnay.

    Dowladdu waxaan kusoo jilba muruxnay in ay dumiso ka yeeli meyno ayuu ahaa hadalkiisu.

  21. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin markale,
    Farxiya Xaxmale si gooni ah ayaa kuu salaamay walaashay.
    Maya, abaayo adiga oo dumar ah sida aad rabto waad u hadli kartaa, hadii uu madaxweeyne Shiiq Shariiq sidaas uu rabbo u hadlay. Labadiinaba xor ayaad tahiin. Laakiin, madaxweeyne Shiir Shariif waa daanyeer sida aan horray u sheegay. Waxuu lamid yahay Ahmed Macalin Fiqqi, iyo Abdirahmaan Abdishakuur, oo dhamaantood shalay dhahayay “aryaada Farmaajo ii geeyaa” ee maantayna ka qeeylinayaan. Waa kaas caqli daanyeerniamda aan sheego. Waxaa kaloo daanyeer ah Abdiqaasim Salaaad Xassan, oo markii horeba garac sheegato ahaa, oo hadeer Mareexaankii uu u shaqeeyn jirray u shaqeeyo. In uu garac yahay waligiis wax talo iyo tusmo uma sheegin qabiilka uu sdia beenta ah u sheegto ee Ceeyr, 24 saacna waxuu u guulwadeeyn Mareexaan uu mooday in eey soo noqonayaan sidii horre oo eey wadanka ugu dheeldheeleen. Cabdiqaasim iyo Ahmed Somali waa eey dhiman iyaga oo aanan arkin “nostaliga” da heeysa.

    Garqaad, salaan kabacdi, kkkkkk waa runtaa wax badan iyo “intaas” ma’ogi. Laakiin, waxaan hubaa in aan ogahay qabiil fashilmay sida uu u egyahay. Waxaan kaloon ogahay, durbaanka iyo kacaanka lala ordaya, in uusan xaafadaha Xamar isaga oo dhaafin uu dhiman doona.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  22. Khalil says:

    Kkkkkk

    War shariifku qaab diimeed buu itoobiyaan,alshabaab iyo moryaanba kaga saaray magaalada asaga oo maryooley oo dhanba dhiniciisu tahaye, tii umbuu rabaa inuu kuwanna kaga saaro hadii ey moryaan noqdaane,wadaadka shaarka laga wasakhaynayo halaga daayo nimayahow 😂😂😂😂😂

    Dhibka maryooley haysta qaab qabiileysan baa hadal kasta loo fasiri, car yaa hadla oo nabad gala bey hada taagantahay kkkkkkkk

    sanbalooshaa quustay

  23. Somalijecel says:

    @Garqaad waan ku salaamayaa.LOP iyo MJ mararka waan la yabaa waxaan is dhahaa kolay may waalna,waa doqomo.
    Cabdiqaasim ayaa sameeyay walaalaha galgaduud kkkkk Somalida waa dad waalan wuxuu ku eedaynaa abtigay,wuu kari la yahay waa nin Hawiye ah mucaarad baan ku ahay ma arko isbahaysigii aabbe Malez.
    Abdiqasim intuu ka odayeeyay arrintaa illahay ayaa og.Waliba markii danbe isagoo arka in isbahaysigii sodare iyo hawaasa Tigree loogu adeegayo ma arkaan kuwii Somalida dhexdooda wey la taaban yihiin kkk.
    LOP Abdisaaqim hooyadii waa cabsiiye kale ee bahada kale ee walaalihii ayaa reer Dalal dhaleen.
    Sh shariif waa laga gardarnaa ta Balad Wayne,ta Kismaayo wuu qaldanaayeen.
    Siduu u hadlay ma fiicnayn

  24. mohamuud says:

    waa nin dawladihii hore ka haray, wax badan ka yaqaan nidaamka dawladeed, wuxuu ogyhay wixii lasoo maray,hadda waa qaxooti masar degan wuxuu ogyahay xanuunka qaxootinimada, weli ma arag madaxweyne qaasim oo wax aan umadda u fiicnayn sheegaya ,xiligiisiina wuxuu ahaa xili aad uadag oo dadku aanu bislayn ,mr qaasim taariikh baa kaa hari wallee ,waryaan wax ladumin ee wax hala dhiso waa halhayskiisa




Puntland oo war kasoo Saartay dagaalka Khasaaraha gaystay ee Gobolka Mudug
- Dec 10, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale)  War Saxaafadeed ay baahisay Madaxtooyadda Puntland ayaa loogu hadlay Colaada khasaaraha badan gaysatay ...
KENYA : Weerarkii lagu dilay 11 Qof ee Wajeer iyo Ninkii Hogaaminayey oo la shaaciyey
- Dec 10, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa shaacisay magaca Ninkii hoggaaminayay Weerar Jimcihii la soo ...
Muuqaal: Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo Wixii dhacay
- Dec 10, 2019
Minneapolis ( Kalshaale ) Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo ...
MUUQAAL: Qisada Gabadha hore u heshay billadda Nabadda, ee Maanta la Horgaynayo Maxkamadda Adduunka
- Dec 10, 2019
Istanbul ( Kalshaale ) Qisada Gabadha hore u heshay billadda Nabadda, ee Maanta ...
DHEGAYSO: Dagaalkii u dhexeeyay Maleeshiyo Kasoo jeeda Galmudug iyo P.land oo dib u Qarxay iyo Khasaaraha
- Dec 9, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka laga helayo deegaanno hoostaga degmada Jarriiban ee gobalka Mudug ayaa ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!