Dawladda Talyaaniga oo ka Farxisay Soomaaliya iyo Heshiis Lacag badan ku baxayso

Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa kala saxiixday heshiis lagu fulinayo mashaariic kala duwan taasoo ku baxayso lacag gaadheysa 3 Milyan oo Euro.

Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Soomaaliya Drs. Fowsiiya Abiikar Nuur oo u saxixiday dowlada Soomaaliya heshiiskan ayaa sheegtay in dhaqaalahan iyo mashaariicda kaleba ay dowladda Talyaanigu ugu tala gashay in wax loogu qabto Caafimaadka Dadka Soomaaliyeed.

Amb. Alberto Vecchi Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadayaan taageerada Caafimaadka oo ka koobnaan doonta kuwa Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

“Waan sii wadi doonaa taageerada dhinaca Caafimaadka ee Dadka Soomaaliyeed waxaana uga mahad celinayaa Wasaaradda sida ay noola shaqeyneyso” ayuu yiri; Amb. Alberto Vecchi.

Dowladda Talyaaniga ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay qalab loogu talagalay Hooyada iyo Dhallaanka oo ka mid ah adeegyada uu Isbitaalka Martiini bixiyo.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in qalabkan uu wax badan kusoo kordhin doono Isbitaalka, iyadoo uga mahad celisay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiyaan bulshada Soomaaliyeed.

“Soomaaliya iyo Talyaaniga xiriir qoto dheer ayaa ka dhaxeeya waana ku mahadsan yihiin taageerada dhinac walba ah, qalabkan wax badan ayuu ku kor dhin doonaa shaqada Isbitaalka iyo Dadka adeegga u baahan”ayay tiri Wasiir Fowziya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay maamulka iyo gacan ku haynta Cibitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho biloowgii Febraayo ee Sanadkan, waxaana haatan adeegyo Caafimaad oo bilaasha ah uu u qabtaa dad ka badan 40,000.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin,
    Daanyeero Somali kulahaa “talyaani oo ka farxiyay Somaliya” waaba umad sida caruurta oo kale iyo daanyeerada u mooday dowladnimada dan in eey tahay tuugsi.

    Naagtaan Gaaljecelka ah, ee iyadaba u eg qaxootiga ee laleeyahay waa wasiir caafimaad, iyada ayaaba u baahan caafimaad, oo eey ka muuqataa dayacaad. Daanyeerad. Qabiilkeeda Gaaljecel waa dadka ugu badan ee argagixisda alshbaaab ciidanka u ah, iyadana labadaan ninn ayeey sida sandwich ka dhex u gashay. Waana ku taageersanyahiin argagixisda alshabaab xataa in eey wasto labadda nin ee cadaanka ah, laakiin, Somalida kale ee ilaa hadeer aanan fahmin in alshabaab yahay urur lagu baabi’nayo, looga aargudanayo qabiilada qaarkood ayaa kasii daanyeertaan.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  2. RAAMALEEY says:

    CADAADO alshabaan CADAADO majoogto OO WAXAA jooga dadkii uudhshay tankale horta Adiga tahay nin reer CADAADO AH mise magaca WAA bug brother

  3. Cadaado says:

    Raamaleey,
    Waan kusalaamay. Maya, bug ma’ihi, magaca waa rasmi.
    Waa runtaa oo alshbaab majoogaan Cadaado, waligoodna ma’imaan. Sababtoo ah, waan is fahansanahay qorshahooda iyo qorshaheena. Daanyeerta kale ee Somaliyeed ayaana fahamsiin la’nahay maadaama eey yahiin dad caqli daanyeer ah, oo 20 sanno eey ku qaadaneeyso in ey fahmaan wax qofka caadiga ah uuu ku fahmaya 20 daqiiqo.

    Argagixisada alshbaab qabiilada ka galay danbiyada tirrada badan qabiilo kale oo Somaliyeed iyo dalka Somaliya ayeey aheeyd in eey ciqaabaan, oo ka gudaan waxii eey galeen, kabacdina joojiyaan. Laakiin, waa joojin waayeen kadib markii eey ciqaaben qabiiladaas, oo laga guday waxii eey sameeyeen waxeey aheeyd in aanan waxba lagu siyaadin. Laakiin qabiiladii isticmaalay alshabaab ayaa hadeer qaan lagu leeyahay, oo xadkii ka tilaabay, Markooda ayaa iyaganna laga aargudan. waana nasiib darrada Somalida heeysata, oo ah in aanan lakala aqoon “ciqaabta iyo dambiga in eey isku qalmaan”.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




MUUQAAL: Foosiya Yuusuf oo si kulul uga Hadashay Hadalkii Sheekh Shariif
- Nov 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam oo Xilal kala duwan kasoo ...
MUUQAAL: Faysal C. Waraabe oo ka hadlay Muranka Doorashada iyo Weerar uu ku Qaaday Muuse Biixi [Daawo]
- Nov 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada ...
Puntland oo Dooratay Gudoomiye Baarlamaan oo Cusub iyo Gaas oo ka hadlay !
- Nov 14, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Xildhibaan Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka ee Puntland ...
MUUQAAL: “Muuse Biixi inuu Tolkii maamuli kari waayo cidna ka yeeli mayso, Halka Abiye qaatay Bilad”
- Nov 14, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeye oo Warbaahinta kula hadlay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare iyo dagaalkii Boosaaso, Xog Ku saabsan Xiisada ka Taagan iyo Sida wax u dhaceen !
- Nov 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare ayaa Warbixin ku lafa Guray dagaalkii ka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!