Daawo: Jabhada ONLF oo magaalada Godey Kusoo Bandhigtay Saamaynta ay leedahay

Godey ( Kalshaale ) Jabhada ONLF ayaa magaalada Godey waxay ku Qabsatay Shirwaynaha Afraad ee ONLF, Kaasi oo markii ugu horaysay si Nabad gelyo ah oo daah furan ay ugu Qabsadeen Gudaha Itoobiya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa shirkan ka qayb galay Wufuud ka soctay Soomaaliya, Jabuuti iyo Weliba dawlad deegaanka Soomaalida, waxaana hadalo ka jeediyey Madaxda ugu saraysa ee Jabhadda ONLF.

Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Sakariye oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, Isagoo u jeediyey Dar-daaran kala duwan Hogaanka Jabhadda.

Jabhadda ONLF oo markii hore Halgan dagaal ku jirtay, ayaa hada go’aansatay inay Qalinka iyo Si Nabad gelyo ah Xaquuqda dadka deegaanka ku Raadiso, Waxaana shirkan ay muujisay Saamaynta iyo Cududa ay ku leeyihiin deegaanka Soomaalida.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 28)

  1. Dabshid says:

    Dadkaas Soomaaliyeed ee u halgamahayo Soomaaligalbeed “” Ninkii ARGAGIXISO ku sheegay si uu ugu qanciyo Axmaaro ” miyaa Xoriyo Geeyo

    Ninkii Qalbi-Dhagax diyaarad ka saarey Caasimaddii Soomaaliyeed, ee ka dajiyey Caasimaddii AXMAARADA ” Miyaa Xoriyo Geeyo ”

    – shira oo gogosha balaariya, Sanad ka dibna XAMAR ayaad ku shireysaan.

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      Dabshid, bal aan ku maqalne MA waxaad taageertay ninki yiri Xamar tegimaayo?. ALLAAH damaqaaga Somalinimo raqiisana!!! Xamar ma waxaa leh Farmaajo/Khayre Mise waa Caasimaddi Ummadda Somali???. WBT

  2. Ahmed Najaad says:

    Dabshid
    Qalbi dhagax Hawiye baa ka soo qabtay baraxlay ayagaana dhiibay.
    Amar farmaajo kama shaqeeyo baraxlay iyo Garowe toona. Dawlad xoog badan oo meel walba ka soo qaban karta qof ha nooga dhigin.
    Barnaamishka qalbi dhagax dadka dhan waa fahmeen. Waxaa iska kaa shaday siyaasiyiin hawiye ah sida duliga xun ee sanbalooshe iyo niman tigree ah iyo qalbi dhagax kaftigiisa oo qayb ka ahaa.
    Ujeedado waxay ahayn in la yareeyo taageerada shacabku farmaajo u hayo.
    Waana la fahmay filinkaas.
    Caafiyo

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      Ahmed Najaad, BRAVO waad ku sugtay Daanyeerka Sanbaloolshe waxaad ka sheegtay waa run. Β°Adeer anaa adeerkiisa ee Cid kale waxba haka dhegaysan. WBT

  3. Dabshid says:

    MUDDO KORORSI SOO MAAHAN WIXII DHIBKA KEENAY

    Taariikhda Doorasho kursi LOOGA DEGO ayaan kuu sameyn rabnaa JAALLE FARMAAJO.

    – Nuuca doorashada AA ? wax dhaamo Nuucii doorashadii QABYO ONE, haka sugin QABYO TWO inew Soo kordhiyaan.

    – Waxaan u maleyn inay dhahaan FACEBOOK AYAA LA ISKA DOORAN.

    https://www.caasimada.net/xog-beesha-caalamka-oo-df-dul-dhigtay-amar-laga-rabo-in-ay-ku-fuliso-30-cisho/

  4. Dabshid says:

    Ahmed Najaad

    Sidii nin yar ayaad u hadlaysaa

    Xamar ayaa ninka diyaarad laga saarey, ee GALMUDUG DIYAARAD LAGAMA SAARIN.

    – XAMAR FARMAAJO AYAAN U DOORANEY EE SANBALOOLSHE U MAANAAN DOORAN.

    * Tankale Sanbaloolshe ma waxaad ku heysataa – hadalkii ahaa ilaa -Somaliland soo laabaneyso TUULOOYINKIINA NAGA JOOGA.

    ” War ninku wuxuu idinlahaa is Qurxiya Orod laguma jirikaree.

  5. Dabshid says:

    Ahmed Somali

    Qalbi-Dhagax caruurtiisa ayaa Xamar joogto oo degan oo ku dhalatey, asaguna waa magaaladiisii uu joogey intaad adigu Dhagax iyo Qurbe carareysay,

    Wuxuu imaan doonaa Sanad ka dib, hadda waxaa Xamar maamulo QURBO-JOOGTA XANAAQSAN.

    ” Ninkii Dilay ayaad leedahey ha isku SAWIRO MUJAAHIDKA ”

    – Adigu maxaad qadarin ah oo aad Caasimadda u heysaa, soo maahid ninkii lahaa Wiil aan adeer u ahey ayaan Buuhoodle ka keeniye 4.5 noogu qeybiya DEGMOOYINKA XAMAR.

    – Qalbi-Dhagax waa nin la diley oon WADKIIS GALIN.

  6. farxiyo says:

    Dabshid.
    Ninkii gabyey wuxu yidhi.
    RAG HADAAD COLAAD LEEDIHIIN CIIDANSE U WEYDO.
    HADBA WAXAD KU CIILBIXI KARTO ,BAA KUU CAWO ADDUUN AH.
    24/7, waad calaacaleysaa ,awood aad nidaamka jira,wax kaga qabatona ma lihid,
    Markaas ilaa yoomul-qiyaam oohintaa Ku jir.

  7. Dabshid says:

    Farxiyo

    Nidaamka, Maamulka iyo lugahuba soo aniga maahan.

    Warkaygu waa midka odagaadu subax walba dhaho, NA FARXIYOOY sidaan kadaa reerka,

    Oo lacagta noo yar yaree, oo aniga ii ogolow inaan – Xaas yar meelahaas ka Raad sado

    Farxiyo ma waxaad dhaheysaa, Oday Calaacalka iga daa – ee lacagta Shopping ka soo kordhi, Diracyadii waa qaaliyoobeene,

    * Canshuurta eedo Batuulo in Facebook lagu dhiibo anigu waan diidey FARXIYOOY.

  8. farxiyo says:

    Dabshid.
    Farmaajo waa masuulkii dalka ,maaha askari waardiyeeya jeelka iyo saldhiga booliska.
    Ragii masuuliyada loo dhiibey ,ee sanbalooshe,goobe,iyo qaar kale oo badani waa ragga jilaafeeyay dawladan,iyagoo ka maseyrsan waxqabadkeeda.
    Qalbidhagax laftiisu halgankuu Ku jirey dhab Kama aheyn,waayo onlf garoowe iyo hargeysa ,ayaa sidii xoolihii raxan raxan
    Looga dhoofinayey, markii lasoo waayey
    Wuxu u hambalyeeyay Somaliland,putland.
    Wuxu ilaahey/hilmaamey,ragiisii tigreega laga gatey.
    Xitaa muu muujin wax yar oo damqasho ah.
    Axmed madoobe wuxu ahaa ninkii Kala caydhiyey dadkii u mudaharaadayey Qalbidhagax,wuuna tegay kismaayowuuna taageray dhuxuleyste.
    Markaa aniga aragtideyda odeygaasi isagaaba jaajuus tigree ahaa.
    Laguma sheegi Karo halgamaa.
    Far baa Ku godan.

  9. Dabshid says:

    Farxiyo

    Mid adeerkaa ah oo gabadh Ceyr ah qabo, ayaa inan yar ku soo guursadey LAASCAANOOD

    Markuu London ku soo laabtey ayaa islaantii Habar-Gidir is waashey, labadooduna waa XAGJIRKA AQWAANKA,

    Waaba kan gogol dhigtey, oo wadaadadii isugu yeeray,

    – Walaashey,Aqwaanteyda aan jeclahey, waxay diidey waxay NAFTAYDU JECLAATAY,

    hadde inay sidaas ii necebtahay ma moodeyn, ee ha ii sheegto wixii ku kalifey.

    Yaab, ayaduna waa CIYAAL MARKO CADEY oo maahan INDHO FAGIIG GALGADUUD.

    HAYE walaal raali iska ahow oo iska key CAFI hadaad – NAFTAADA U DIIDEY INAN YAR OO Ay jeclaatay.

    Kk

    Indho adeyg ayaad hadda waddaa adna

  10. farxiyo says:

    Sixid.
    Ilaahey=ilaawey.
    Markii lasoo daayey.

  11. farxiyo says:

    Dabshid.
    Soomaalidu waxay tidhaahdaa.
    *laba is qabatey ,hadaad aragto,balankii hore baa ka xumaa*.
    Wax kastiba waa heshiis .
    Aniga iyo xamxamle,intaanaan shirko noqon
    Waxanu Kala qoraney dastuurka qoyska,oo buugiisu jikada yaalo.
    Qodobada Ku qoran waxa ka mid ah.
    1).ilama guursan kartid,hadaad guur damacdo aniga waad I fureysaa.
    2). Dhaqaalaha farxiyaa maamuleysa 45%.
    Markaa anigiyo xamxamle difaac baa noo Kala xidhan,inkastoo ayaamahan odeyga iyo caruurtu Shir Ku jiraan,in mooshin leyga keenona waan ka baqayaa.
    Dabshid,lacag deyn ah makaa helayaa,oo aan mooshinka Ku Kala furfuro.

  12. Garqaad says:

    Waxa meesha ka muuqdo sow xildhibaan zakiriye Maaha.

    Sow kii itoobiya necbaa melamoow jeclaaday walaaloow.

    War ileen tanoo kale.

    @farxiyo. Kkkkkkkkk.

    Fanny.

    Mooshinka marka lagaaga adkaado isoo sheeg. Waxaan kuu hayaa heshiis furan oo moxog iyo waambe ah.

  13. farxiyo says:

    Garqaad.

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  14. Mr BaHaL says:

    Kuwani waaxay la midyihiin jabhadihii somaliya diirtay ee Usc,Snm,ssdf iyo spm.
    Hadii lagu siidaynlahaa somalida Kililka way diiran lahaayeen.waxaa ka horjooga maamulka Ethopiya.

    Hadba marka ay wadanka qolo kale qabsato ayay iska soo xaadiraan.

    Iska soo faraxashaan kk

    Haatan waxaa loo sheegay inay dadkooda dhinac ka racaan.
    Ogaadeen iyo Kablalax meesha loogama baahna,sidaa ayaa lagu wargaliyay.

    Dalmida

  15. Mr BaHaL says:

    Waar somaliya – hadiiba xasan iyo shariif Dameer u soo raaceen hayska dhimato.

    Hadii kolb Tuug Tolkii Geesi ugu yeedhaan iska biqlaynayo,sidaa haku dhimato somaliya.

    Hadii kale xilka somaliya wuxuu noqondoonaa mid lagu heshiiyo cidda madaxwaynaha noqonaysa.

    Wadankani kolba Tuug ordaya oo wadanka iska fuulfuula sida Dameerka lama yeelidoono.

    Dalmida

  16. Garqaad says:

    Mr bahaloow.

    Kuwaas dameeraha soo raacay ayaa keenay in la wada hadlo. Oo dadku ku dodaan waxaas ayaa fiican iyo waxaas ayaa xun.

    Ayaga ka hor wax la yiraa somaliya oo rejo laga yeesho ma aysan jirin. Dee meel rag kusoo tacab iyo tiir beelay ayaad rabtaan in aad ugu biqleysaan sidii raggii lahaa.

    Xoogaga wadaniyiinta cusuboow taag taagsada somaliya uma baahno baahala higlo.

    1 sano ayaa idiin haray iska biqleeya waxaan balan ku qaaday in aan laydin sii arag.

    Xoogaga wadaniyiinta cusub ayaa quustay

  17. Garqaad says:

    Gacan gelintii Qalbidhagax, xasuuqii Baydhabo iyo weerarkii 17 Dec lagu soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir waxay ka mid yihiin xusuusta ma hadhada ah ee aan marna ka tirmi doonin diiwaanka madaxda maamulka maanta jira. Waxa inna haligay waxaa ka mid ah dulmiga oo laga aamuso inta uu ilinka nooga soo gelayo. Dad baan arkaa dulmigan oo idil ka aamusnaa, markiise la taabtay qaylo afkii yeeray.

    Qof walbo oo somali ah waxaa la gudboon in uu ka hor tago dulmigu in uusan albaabka uga soo gelin.

    Dowladda maanta jirto hadeey wax faa.iida ah leedahay. Waxaa laga dareemi lahaa reer Muqdisho.

    Dowladda maanta jirto hadeey faa.iido leedahay waxaa qosli lahaa reer hiirshabeele.

    Dowladda maanta jirto hadeey faa.iido leedahay waxaa laga dareemi lahaa. Koofur galbeed. Waxaa dareemi lahaa reer galmudug.

    Waxaan hees kacaan iyo dulmi diiday oon ka dagaalamay anigoo 14 jir ah.

    Maanta anigoo 40 iyo 50 u dhexeeyo ma qaadan doono. Waxaan ku diiday 14 jirkeygii.

    Ninkii garan waayo in uu siwanaagsan sharciga ugu dhaqmo. YAAN lala sugin in uu idin dilo.

  18. Mr BaHaL says:

    Garqadow

    Wax kale la kaalay.

    Waxan u malayn cadiifada ayaa kugu badan.

    14 jir ayaa lagugu qalday oo aad qori la oroday oo laysay walalaaha somaliyeed.

    Maanta 30 sano kadib inaad ku hadasho luuqadii cidlada ku dhigtay waa nasiibdaro.

    Ma iswaydiisay waxa qarax ku koobay Muqdisho?

    Walaalkaagii kuu hiilinlahaa ayaad dishay.Geesigii ku badbaadin lahaa ayaad dishay ama baxsaday.Nin rageeedkii dadkaasi badbaadinlahaa ayaad dishay ama eryatay.Waxaa isku soo hadhay xaabadii,Duligii,Tuugii iyo Doqonkii.

    Waa sidaa awgeed waxa aad qaraxa ugu jirtaa inta kale gaajo ugu dhimanayaan.

    Hadii somaliya ka bixiqaydo Tuug jeclaysiga hayka dhimato – saa wayba dhimandoontaa oo waxay sii maraysaa 30 sano,laakiin haba israacdo oo sidaa ha lagu waayo.

    30 sano kadib ayaa lagu hadlayaa af isku id ah,

    Dalmida

  19. Garqaad says:

    Mr bahaloow.

    30 kadib in aan dib u doorto daanyeerkii aan raacdeeyay igaarkisii ayaaba ka dhigan in aan u darsaday raacdadii walaalkeyga kale. In aan aqbalay dadku in aysan kala maarmin laakiin Ninkii aan sidaas u doortay haduu garan la.yahay maxaa xal noqonaayo sow Maaha in lays jiidjiido.

    Farmaajo xaqiiqdii waxaan u dooranay dadka in uu mideeyo.
    Waxaan u dooranay hargeysa iyo muqdisho in uu isu soo dhaweeyo.
    Waxaan u dooranay in uu dekadahaha bosaaso kismaayo iyo muqdisho mideeyo.
    Waxaan u dooranay reer muqdisho in ay ka raystaan xasan sheekh aka xumuljadiid.

    Laakiin murtunku sidaan moodnay noqon waayay.

    Farmaajo waa madaxweynihii ugu liitay ee tariikhda dalkaan soo maro.

    Tan kale Anigu waxaan doonayaa somaliya aan laysku dulmin.

  20. Mr BaHaL says:

    Garqaad

    Waxba maad raadcaynin e noloshaadii ayaad burburisay,sii somaliyeedna waad dumisay.
    Qabyaalada ayaa kuu sheegaysa inaad wax raadcaysay,laakiin meesha aad somaliya dhigtay waa meel aduunka ka yaxyaxo waxa ka jira.

    Haatan,sheekado ayay kaa noqon Formaajo iyo sheekadii Faysal cali waraabe.waa inay noqotaa;sidee loo wajahaya mustaqbalka.

    Meesha waxaa yaala Mustaqbalkii caruurta somaliyeed.

    Ha la soo ordin oday Reerkiina ah,misana Tuug ah.Horta xalka raadi markaa ayaa la iswaydiin cida somaliya ku haboon.

    Ma waxan ayaad rabtaa inay Somaliya ku soo noqdaan?

    kk

    Dee adna caruurtaada ayaa ku waayi mustaqablkooda.

    Go a Head.

    Dalmida

  21. farxiyo says:

    Garqaad..
    Hal sano markey u dhamaato farmaajo,inshlh waa leysu joogaa.πŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”«πŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”«πŸ”«πŸ”ͺπŸ”ͺπŸ”«πŸ”«πŸ”ͺ
    Waxanu nahay diyaar.

  22. Garqaad says:

    Farxiyo.
    Hhhhhhhhhhh.

    Huuno hadaad doorasho qabataan eed guuleysataan. Waan idinku qasbanahay. Laakiin hadaad Indha adeeg keentay. Ceelasha biyaha ayaan ilma geysaneynaa. Waa waxaan kala qaadno.

  23. Mr BaHaL says:

    Garqaad

    Ceelaha biyaha ciidanka ayaa la wareegaya.kk

    Ksimaayo ayaa kuugu dhaw kkk

    Arimahu ma sahlana.

    Dalmida

  24. Garqaad says:

    Mr bahal.

    Anu waxaan aqanaa doorasho.
    Anu waxaan u soo halgamay wexey ahayd in aan nina dhihin dadka Anigaa u fiican.

    Anu xasan shariif iyo farmaajo. Midna reerkeyga biil siinmayaan mana kale jecli laakiin waxaan aqanaa Ninkii waqtigiisu dhamaado in uu tartamo ama tanasulo.

    Qolyihiinaan ku tamaayo wixii halkaa nawada dhigay. Meel fadhiista idinka hadii dhib dhoco waxba idinkama soo garayaan.

    Dadbaan ka maqlaa garqaad dabayaqyo ayuu dhistay oo maanta dagaal madonaayo itoobiyaanku markuu xamar imanaayay dabaqyadu wey dhisnayeen taas halla ogaado.

    Tan kale Mr bahaloow. Adiga iyo farxiyo wixiinu waa dood belaa mecno ah waayoo waxaadan waxba ku darsan ayaad nagu muujineysan.

    Fadlan dadka aad canshuurta siisaan la dooda la xisaabtama. Annaga iyo farmaajo isu kaaya daaya kuleey Annaga wax isa siina xisaabtana Naga dhexeyaa.

    Dalku waa woqooyi iyo koofur.

    Maalintii aan wax isku darsano dood isugu kaaya keena

    Waadna xiijiseen.

  25. Mr BaHaL says:

    Garqaad
    Guyihii aad Naga dhacday noo soo Celi.
    Caasimadana Ka Samir,Dee markaasi ayaan kaa hadhaynaa.

    Adigu magaca aad doonto sheego.

    Inta aad hΓ ysato wixii Somaliyeed lagaa yeelmaayo sheeko uu kii soo dhiibay faysal Cali waraabe.
    Dalmida

  26. Garqaad says:

    Mr baha.
    Hhhhhhhhh.

    30 Ayaan somalinimada difaacay markaad cararteen.

    30 Ayaan biilkiina bixineynay.

    Ilaa weli waan idin haynaa. Weli ma dacwo ayaad noo qabtaan.




MUUQAAL: Foosiya Yuusuf oo si kulul uga Hadashay Hadalkii Sheekh Shariif
- Nov 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam oo Xilal kala duwan kasoo ...
MUUQAAL: Faysal C. Waraabe oo ka hadlay Muranka Doorashada iyo Weerar uu ku Qaaday Muuse Biixi [Daawo]
- Nov 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada ...
Puntland oo Dooratay Gudoomiye Baarlamaan oo Cusub iyo Gaas oo ka hadlay !
- Nov 14, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Xildhibaan Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka ee Puntland ...
MUUQAAL: β€œMuuse Biixi inuu Tolkii maamuli kari waayo cidna ka yeeli mayso, Halka Abiye qaatay Bilad”
- Nov 14, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeye oo Warbaahinta kula hadlay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare iyo dagaalkii Boosaaso, Xog Ku saabsan Xiisada ka Taagan iyo Sida wax u dhaceen !
- Nov 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare ayaa Warbixin ku lafa Guray dagaalkii ka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!