MUUQAAL: Isbahaysiga Mucaaridka oo Shir ku yeeshay Muqdisho iyo Shariif oo mar kale Dhaliilay DF

Muqdisho ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu Qabtay Munaasabadda daah furka Madasha Xisbiyada Qaran,  kuwaasi oo dhowaan ku dhawaaqday inay yeesheen Hoggaan ay ku mideysan yihiin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Munaasabadda oo lagu qabtay Hoolka Sahal, waxaana ka qeyb galay  Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheikh Shariif, Madaxdii hore ee Dalka Xasan sheekh, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Munaasibadan ayaa u muuqatay mid Isbaheysiga Mucaaradka ku muujinayaan cududooda siyaasadeed, iyo madasha ay ku mideysan yihiin.

Shiikh Shariif Guddoomiyaha Madasha oo khudbad jeedinayey ayaa sheegay inay shaki weyn ka qabaan ciidamo uu sheegay inay ka tirsan yihiin Nabadsugidda kuwaas oo la qoro habeen isla markaasna loo daabalo laba dal.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 9)

  1. Mr BaHaL says:

    Waar ninkani saw maaha ninkii “ma ogi”?

    Wadan uu Madxwayne ka yahay ayuu yidhi,ma ogi Badda la sheegayo e ila dhaafa,.

    Dee waabu ku waashay meesha.Adeer maad shaqo kale raadsatid,mise waxba ma taqaanid,mana xoogsan kartid/

    Marka aad Madaxwayne soo noqoto Jaamcadaha ayaa Lecture laga bixiyaa ama samafal ayaa laga shaqeeyaa.

    Unukaa yaabnay.

    Dalmida

  2. Garqaad says:

    Madaxweyne shariif aabehii somaliya kusoo celiyay wadadii laga leexiyay. 1969

    Waa aabihii somaliya doorasho ku qabtay 1967 kadib.

    Waa aabihii itoobiyaanka ka saaray somaliya.

    Hadii dowladdii siyaad barre aan laga aamusi laheyn ee la qaban lahaa meeshaan miyaan maanta tagnaan laheyn.

    Waa in aanan maanta fiirsan qaladaadka madaxda hadda taalada hayso. Waa in aan qabanaa dhahnaa war ka jooga wado qaldan ayaad ku socotaan. Waa hadaladii. Madaxweyne shariif.

    dad aan ogeyn meel laga yimid iyo meel loo socdo waa in aan dalka loogu simin.

    NIN SOO HOYDAA WAX HOYN RABEE MAHAAY HIIGSATAAN HUBSAA.

    Wadanayiinta cusub ayaa quustay.

  3. Caamir says:

    Sharif la soogamayoow
    Walaahi Aadan madaxweyne Aad noqon
    Mar baa laguu il duufay
    Soomaali wey ka qowmameysaa
    Shariifoow.ma istaahishid godoomiye
    Waaxeed
    Amiga kaama dhigeen gudoomiyaha Mahadaay
    Tallo. Merk iska fariiso Somaliya wey Socotay Igaar Farmaajo ladhaho sa shitay
    Dowlad nimey Cagta saartey

  4. Land of Punt says:

    Sheik Shariif Sheik Ahmed…..taas waa magaciisa maxkamadda Islaamiga..
    Magaciisa runta ah, waa helay…kkkkkkk
    Waa nin runtii aan caawa ku bedelan lahaa Farmaajo…waayo waa daacad ku shexjiray dhibkii Xamar ka dhacay…
    Daanyeertaan N&N oo qurba kasoo yaacday jeebka buuxsan oo ku noqon wadama Passaporkooda haystaan…..
    Xasan Sheik. Geedi iyo Sheik Shariif, Ina Cabdishkuur ayaa ka mudan N&N..waa daanyeer tuugo ah.
    Farmasjo waa ciyaal Kacaan rapist ah, Khayre tuug Wardhiigley mooska ka xadi jiray…..
    I don’t trust them

  5. Garqaad says:

    Madaxda xisbiyadu wexey leeyihiin sharciga hallagu dhaqmo.

    Madaxda xisbiyadu wexey leeyihiin wado qodxo badan waan soo aragnay ee yaanan dib naloogu celin.

    Madaxda xisbiyadu wexey leeyihiin doorashadu kama dib dhici karto hadii wAqtigeeda la gaaro.

    Madaxda xisbiyadu wexey leeyihiin. Anigaa xukunka haayo oo waxaan doono ayaan sameynayaa laguma gaari karo halka loo socdo.

    Anu waxaan dhihi lahaa halla dhagaysto madaxdii hore warkooda. Dalka ayey madax kasoo noqdeen. Wexey leeyihiin qaaya aragnimo.

    Xoogaga wadaniyiinta ayaa quustay.

  6. Dabshid says:

    Madaxweyne Shiikh Shariif waa aabaha Soomaalida Cusub

    Waa ninkii Dhamaan Beel-daaqeyaasha Soomaaliya Xamar isugu keenay, Waqtigii Kala Guurka kadib

    Waa ninkii reer Qurac ugu tagey goofkooda ee dhahey wixii la isku diley ayaa lagu heshiin ee kaalaya Xamar

    Waa ninkii labaad ee doorasho Xamar ku qabto AADAN CADDE KADIB OO DOORASHADII ugu dambeysay Xamar ku qabtey 1967

    Waa ninkii 3aad ee si doorasho ah kursiga uga degay, Aadan Cadde iyo C/qaasim kadib

    Yes WAA NINKII MELES AXMAAR XANAR KA SAAREY,

    – AABAHA SOOMAALIDA CUSUB waaye shiikhu

  7. NuurkaNederland says:

    SHARIIFKA & XASAN SH LABADUBA WAA EBER!!.
    SOMALINA WAY FAHANTAY..HA JIIQLAYSEE HAW JOOJIN

  8. Land of Punt says:

    Dabshid
    War taariiqda ku rafanaysid iska daa, ma ciyaal baad u sheekaysaa.
    Xamar Mooryaan ayaa ayeeyooyinkii deriskooda ahaa kufsaday, Xamarna ayagoo yaacaya oo qaar madow ilaa Mahadaay xitaa gaari soo fuulin Xamar Cadde ku habsaday sida diqsiga.
    Yaa is dilay, shacab xukun millitary la dagaalay ayaa markii asartii jabtay, dugaag magaaladii fiiqdeen macal fiiladii korontada dhulkka ku jirtay.
    Dhuusada meesha kalabax, Xamar oo 1000 sano rag qurxiyeen, inta maataddii ku hartay layseen ayaad magaaladdii fiiqateen.
    Somali wax ka dhacay adduunkii la yaabay.
    Cawaan diirato ah ha ii ammaanin.
    Shariif Tuke dadka ceebtaas ka xun ayuu ku jiraa.

  9. Mr BaHaL says:

    Somaliya ayaa ah meel kursiga lagu yimaado Qolama ayaad tahay.Xataa maaha – nadiif ma tahay iyo waligaa wax maad xaday,sidaasi kama jrto Somaliya.Waa inaad ahaataa Tuug oo aad noqotaa Hawiye ama Daarood.Intaa waxaa dheer inaad xumaan oo dhan ku dhaqanto:
    Waad noqoto,iskaga tago,Jabhad noqoto,dadka layso,Ethopiya tagto,biyaha u qaadid,Casmara tagtid,ka soo orodid,Gaal oo dhan la cashaysid,ka tagtid,Kenya tagtid,Beesha caalamka aad u yeedhid,Somaliya oo dhan aad iibgaysid.

    Tolkaana Geesi kuugu yeedhan.

    Maba garayaan waxa Geesiga la yidhaa.

    Hadii aanay taasi jirilahayn ninkan Sheekh shariif xataa Xildhibaan ma soo hawaysteen.

    Nasiib daro meeshu waa Somaliya.Waxaa ka taliya xoogga sharcidarada.Qabiil iska socda oo isku bahaysta xaaraanta.
    Way adag tahay inuu nin ka dhashay Daarood ama Hawiye oo nadiif ah uu fursad u helo inuu Madaxwayne noqdo.Waxaa ka badan oo meeshu u xidhan tahay Tuugta waawayn oo wata Tuugta Qabiilada yaryar ee kale.

    Ma lihi labadan Reer oo kaliya ayaa Tuug ah e Somalida oo dhan ayaa dhaqan ahaanba u dhisan Tuuganimada.Laakiin labadan Reer ayaa noqday isbahaysiga qabiilka kuwa ugu xoogga wayn,taasina waxay u noqtay fursad ay Somaliya Abaheed foodka la cabsiiyaan.

    Labadan nin haatan hogaanka qabtay ayaad moodaa inay ka duwan yihiin Tuugta Reerahan Somaliyeed,iyagana waadi arkaya waxa ku dhacaya.Shariif Dacay ayaaba laga kari laaya’ay kkk

    Wax qabtaa ma jiro,dabar xidha lama hayo.Waa soo taagan yahay kk

    Dalmida




MUUQAAL: Foosiya Yuusuf oo si kulul uga Hadashay Hadalkii Sheekh Shariif
- Nov 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam oo Xilal kala duwan kasoo ...
MUUQAAL: Faysal C. Waraabe oo ka hadlay Muranka Doorashada iyo Weerar uu ku Qaaday Muuse Biixi [Daawo]
- Nov 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada ...
Puntland oo Dooratay Gudoomiye Baarlamaan oo Cusub iyo Gaas oo ka hadlay !
- Nov 14, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Xildhibaan Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka ee Puntland ...
MUUQAAL: “Muuse Biixi inuu Tolkii maamuli kari waayo cidna ka yeeli mayso, Halka Abiye qaatay Bilad”
- Nov 14, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeye oo Warbaahinta kula hadlay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare iyo dagaalkii Boosaaso, Xog Ku saabsan Xiisada ka Taagan iyo Sida wax u dhaceen !
- Nov 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare ayaa Warbixin ku lafa Guray dagaalkii ka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!