Gudoomiye Dhoobo-daareed oo Si kulu uga hadlay Dagaalkii Garoowe !

Laascaanod ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo-daarood ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Garoowe oo sababay dhimasho iyo dhaawac, kadib markii ciidamo amar ka heystay madaxtooyada Puntland ay weerar ku qaadeen xarunta baarlamanka balse  iska caabin ay kala kulmeen ciidankii ilaalada ka ahaa Xarunta.

Dhowr qof oo uu ku jiray ganacsade xarun ganacsi ku lahaa goobtaas ayaa ku geeriyooday, iska horimaadka Xalay Fiidkii ka dhacay magaalada Garoowe, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen, Wuxuuna Gudoomiye Dhoobo daareed ku eedeeyey madaxtooyada Puntland iney weerar qaawan ku soo qaaday xarunta golaha wakiilada, ayna qaadi doonto masuuliyada wixii dhibaato ah ee ka yimaada.

ALLAA MAHAD LEH

Anigoo ku hadlayaa magaceyga iyo magaca Golaha Shacabka e Dowlada puntland waxaan Dhamaan shacabweynaha Soomaaliyeed iyo kan Puntlandba uga tacsiyeynayaa dhibaatada caawa ka dhacdey Xarunta Golaha Baarlamaanka dowlada puntland, ka dib markii xukuumadu weerar qaawan oo xaqdaraa ku soo qaadey xarunta Golaha kaasoo galaaftey nolosha dad rayid iyo askarba leh.

Madaxtooyada ayaa ciidankii loogu talo galey inay u adeegaan bulshadooda u adeegsatey iney ku weerarto kuna leyso, taasi ayaa muujineysa in madaxtooyadu ka shaqayneyso Sharaf daro soo gaarta sumcada iyo sharafta dowlada Puntland, iyadoo weerarkani muujinayo abaabul balaaran oo lagu afduubayo hanaanka wanaagsan ee uu shaqeynayo baarlamanka dowlada puntland lana Doonayo sidii xoog gacanta Loogu dhigi lahaa xarunta uu ku shaqeeyo si looga dhigto meel wixii la rabo laga samaysan karo.

Ugu dambeyn waxaan Dadweynaha reer puntland u cadeynayaa in weerarkii caawa lagu soo qaadey xarunta baarlamaanka uu yahay dhaawac weyn oo soo gaarey Hab maamuuska caasimada iyo sharafkeediiba ayna mas uuliyada dadkii ku dhintey iyo kuwii ku dhaawacneyba qaadanayaan cida ku tala gashey in xarunta Golaha ka sameyso rabshadaas amni soona handadey ilaaladii xarunta laheydna sababta khasaarahaas lixaadka leh.

Wabilaahi Towfiiq.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 19)

  1. Land of Punt says:

    Shalay waxaa la lahaa Cagmadhige waa buunbuuninayaa ee isma hayaan madaxda Puntland ilaa dhiig la iska daadiyey.
    Waa in parlemanku shaqadooda qabsadaan oo daanyeertaan dadka ka horleexiyaan.
    Deni waa dabaal aqli xun haddii in xoog parlemanka u isticmaalo damcay.
    Cid dagaalka bilowday ma aqaan laakiin ciddii ciidan u dirtay ciidan kale oo hub sita ayaa masuuliyadda leh.
    Deni Salfuuc kadaruu noqday.

  2. Land of Punt says:

    Ninkii dabinka meegaaray oo goodir malaynayey sagaaradii majaha suratay baa meesha ka dhacday.
    Meesha madax bisil in hogaamiso moodi jiray, ileen meesha bisado ayaa la doortay.
    War Diano doona oo Deni iyo Ahmed Kharaab dadka ka hor leexiya.

  3. Mr BaHaL says:

    Wayana’s Countries:waxay siyaasad ahaan ku xidhanaayeen Tegreegii jabay.
    Somaliland,Punland,Jubland iyo wixii soo raacaa waxay ahaayeen – Wayana’s Coutries.May ahayn wax jira Tegreega ka hor.Jiritaankooda dhaqaale iyo siyaasadeedba wuxuu ku xidhan Tegreegii jabay.

    Waa wadankii Somaliya oo Tegreegii wadamo ka dhex sameeyeen,kuwaasi oo loogu yeedho;wadamadii Wayanaha.

    Haatan,waxaa biloow ah kala yaaca meelihii ay wadamo ka dhigeen Abasiyankii ay colaada xuni ka dhaxaysay Somalida.

    Helo,Wayana’s Administration – Aka dawlada Puntland kk

    Hubka iska dhiga oo ku kala taga meesha.
    Kuye;Golihii shacabka ayaa la soo weeraray kkk

    Waxaan ku qaatay in Golihii shacabka Somaliyeed la soo weeraray.Waxaan is-dhi,ma Alshabaab ayaa ka dhex toostay?

    Distoorkii Kismaayaa yaabay.

    Dalmida

  4. Khaatumo haanoolaatoo says:

    Horta majjeertenku xukun jecela waxay dalka u duminayaan dadkana u xansuuqayan
    Kursi jacayl doorkan majerteen waxa kaso baxay kii ugu caqliga xumaa yaa u sheega
    Inaan xoog wax lagudonin e siyaasad dal ìyo dad lagu hogaamiyo hada ninkani wuxu
    Joogay dhowr bilood dabeecad xumo iyo doqonimo xad dhaafa ka muuqata faroole
    Daaha dabadiisa ka maamula waaka god kuriday
    Maanta dhulbahante iyo wersangeli waxay haystaan jaanis ay puntland kaga mid
    Noqonkaraan ama kaga tashankaran iyago
    Midaysan waayo waxay haystaan dal iyo dad
    Ay ku gorgor tamikaraan haday doonaan
    Waxay dhisan karaan maamul ay ku midaysanyihiin o gooniya o ay kaga mid
    Noqonkaran dowlada federaalka ah
    Xaqodana ku dhacsan karaan iyagon cidina wakiil ka ahayn in midnimo iyo feker
    Midaysan lala yimaado WTB

  5. Guulwade says:

    Kacaa kii oo wadanka xukuma waa kuwii amxarada utagay. Waxay damceen inay yirahadaan kursiga somali anaga leh saa aabo siyaad ka hoos kacay. Kadib 3 inqilab sameeyaan. Waa lagu fahmay I loo uu ssdf dadka qaaday. Kkk maanta wataa baarlmaanka laweeray.
    Snm lamid wakuwas jegaanta inta kale ku amar kutaalayso. Ogada snm ssdf waxay kasimanyihiin qabyalad oyo. Kibir iyo gaalo jacayl dani. Haduu baarlamka weeraray. Waa in xilka laga qaada. Kulahaa askar baa joogtsy baarlamaanka hadaan na naga joogi lahaa cidnkii galgala. Loogu takagalay garoowe dagaal kkkk faroole ciidsnkiiloogu takagalay sool .leelkase ku xasuyqay. Reer aan ogahay maguuro habiqlayso. Gudoomiyha baarlamaanka garoowe miyaa laga xiga. Warsangali farmaajo hoostsga gobalkooda. Waa guul .Maxamuud saleebaan. Puntlsnd lawada leeyahay maraban waxay rabaan in loo heeso kkkkk

  6. Guulwade says:

    Kacaa kii oo wadanka xukuma waa kuwii amxarada utagay. Waxay damceen inay yirahadaan kursiga somali anaga leh saa aabo siyaad ka hoos kacay. Kadib 3 inqilab sameeyaan. Waa lagu fahmay I loo uu ssdf dadka qaaday. Kkk maanta wataa baarlmaanka laweeray.
    Snm lamid wakuwas jegaanta inta kale ku amar kutaalayso. Ogada snm ssdf waxay kasimanyihiin qabyalad oyo. Kibir iyo gaalo jacayl dani. Haduu baarlamka weeraray. Waa in xilka laga qaada. Kulahaa askar baa joogtsy baarlamaanka hadaan na naga joogi lahaa cidnkii galgala. Loogu takagalay garoowe dagaal kkkk faroole ciidsnkiiloogu takagalay sool .leelkase ku xasuyqay. Reer aan ogahay maguuro habiqlayso. Gudoomiyha baarlamaanka garoowe miyaa laga xiga. Warsangali farmaajo hoostsga gobalkooda. Waa guul .Maxamuud saleebaan. Puntlsnd lawada leeyahay maraban waxay rabaan in loo heeso kkkkk

  7. Land of Punt says:

    Gaal baa god iigu jira ee gudinta ii keena miyaa.🤬
    Puntland in madaxda ugu saraysa khilaaf jiro ååå cadahay, ååå på xalin, in gacan kan hadal gaartay ayaa qalad ah laakiin khilaaf waa caadi, haddii kale wax ma saxmeenba.
    Agoontii Kacaanka idina mashxaradda naga yareeya.
    Dalkeed la shirtagin sow dalkiinii Muuse Biixi bakoorad kuma dhex sito.
    Bal horta dal la imaada, må cidbaad rabtaan in dalkooda ku xukuntaan.
    Nr Bahal ma ila socdaa, car buuraha Borama kasoo deg. La noolow daanyeertaada, car kastuumo bluega xiro.

  8. Aarka hargaysa says:

    Waar xilkiiba waa laga qaaday laangaabka warsangali isagaa baarlamaanka kusoo ururiyay ciidan beleed aan haybtoodala aqoon tag badhan

  9. xaange says:

    Puntland sidii loo doortay Gudoomiye Dhoobo
    Wuuxuu Puntland iyo Barlamaanka dhexdiisa ka wadey khalkhal gelinta iyo majara habaabinta hadafka iyo siyaasada Puntland.
    Wuxuuna in dhawaalaba u xaglinayey dhankaa iyo muqdisho oo qolada N&N ayaa kharash badan kusoo siisay arintaa.
    Wuxuu arinkaasi soo bilowday xiligii uu khayre Puntland joogey ee uu gaadhiga kula faqayey diidayna in xubno Barlamaanka ka mida ah oo warmoogayaal ahaa loo diidey inay dhanka Khayre iyo Dhoobo ku faqayaan inay u gudbaan.
    Laakiin Dhoobo ma oga in Puntland ay leedahay asxaab iyo sirdoon waxa xamar ka socda diqiiqad walba ula soo socdsiiya madaxda kale.
    Maalinkii Deni Barlamaanka ka baxayey Dhooba hoosta wuxuu ka watey mooshin.Waxay balantu ahayd in Deni la caayo oo idaacadaha laga soo daayo si loo tuso in Deni Khaladaad iyo cilado loogu yeelo.
    Taa markii ay dhici weydey ayaa dad odoyaal ah laakiin aan kuwa muctarifka ah ahayn ee ah kuwa xaajooyinka ragga aan laga qayb gelin ee mawlaca iyo fadhi ku dirirada aan dhaafin in lagu sheego odoyaal dhaqameed Deni diidan oo reer bari ah.
    Taa Deni wuu ka daba tagey wuxuuna meel isugu yeeray kuwii la yiqiiney ee muctarifka ahaa. Waxayna sheegeen inaan wax is badala dhankooda ka jirin xukuumada ay taageersan yihiiin balse rag Baarlamaanka jooga ay been kusoo buufinayaan.
    Halkaa markii lagu guul darraystay ayaa dhanka saxaafad ku sheegta laaluushka ku shaqaysta iyo cagmadhige loo soo dhiibey in Deni burush xaar leh la mariyo si bulshadu u rumaysato haddii mooshinka Dhoobo wado hirgalo.
    Laakiin nasiib wanaag xildhibaanada 98% waxay taageersanaayeen Madaxweynaha.
    Markuu taa ogaadey ayaa Dhoobo Barlamaankii fasax geliyey isagoo waliba aan weli quusan ee 2 nin oo isaga la safnaa u diray inay hayadaha dowlada cilado kasoo saaraan si ay u dhahaan wax baa la lunsaday ama waxbaa khaldan. Laakiin taa badalkeed Dhoobo ayaa miiska la saaray. Markuu intaa ogaadey ayuu istafkiisii ku yidhi Baarlamaanka wixii soo ag mara rasaas huwiya. Waana arinta xalay dhacday laakiin Baarlamaanku wuu eryayaa Dhoobo marka la isu yimaada Deni wuxuu haystaa aqlabiyada Baarlamaanka

  10. farxiyo says:

    LOP.
    Caqliga majeerteen wad u jeedaa,iney xgaxaganayaan qofkii juuq yidhaahda.
    Putland 1998 iyadoo maxamuud salebaan isku hot fadhiyo ,talona isku Mari waayey
    Anagaa dhisney oo garab qabaney,ee taas ogow.
    Maantana anagaa idinka tashanay,idinkaana naga daba-yuusaya,oo dawladan badhkeed NAGU laaluushay.
    Anaga ma waxad na moodeysaa dhoobodaared
    Oo warsangeli lugaha hayaan,habaryahay
    Habartu dhashey walaahi inaaney NAGU qaadaneyn saacad,hadaanu idiin soo jeesano.
    Afsoomaali waxad ka taqaanaa agoontii kacaanka.
    Wlhi blhi tlhi,kacaanku adiguu Ku garab qabtey adigoo beyhoof ah xabadna wax Ku tari waayey,ayaa gogoshii ergo daarood lagu dhigey.
    Dekada iyo eerbootku saw xaalmarintii
    Daarood ismacil,Ku qasbeen siyaad barre maaha.
    Maxaadse muuse biixi ka shegaysaa,saw kaalgacayo-badhaxley,jifo yar oo sacad ihi
    Kuguma maquunin,oo maamul uma sameysan.
    Wada hadli taqaanaan,faani taqaanan,laakiin
    Ilaahey baan Ku dhaartee,hadey xabad noqoto,ineydaan gabac iyo eyl ka sokeyn.
    Lop.fuleygu wax ka daandaansi badan,hadhowna wax ka orod badan.
    Janankii caruurta caanaha u doonayey,market qabteen libaaxyadii sacad siciid miyaad ilowday.

  11. Jabhad says:

    waloow xalay fiidkii taliyaha qaybta nugaal iyo ilaalo

    Khaas u ahayd dhoobo darood si kama ah rasaas

    Iskugu fureen…. xalay soo jeed badan iyo garnaqsi

    DHEER ka dib waxaa lagu gulaystay in cidanka

    Amniga …. si nabad gelyo ah uga saran xarunta

    ilaladii dhoobo …. xaladu waa degan tahay dhib ma

    Jiro …. amniga garowe iyo puntland waa qayb wayn

    oo ka mida somaliya waana in la ilaaliyo siyasada is

    Diidan waa qayb ka mida nolosha adamaha horay u

    Jirtay wayna jiri doonta ….. lakiin wax kasta waxaa

    Ka muhiim san badqabka iyo nabada shacabka mel

    Walba oo ay joogan ….. sidan xogta ku hayo

    Malmihii siyasada ama hogamintii dhoobo way isa

    Soo jarayan waxayna u eg tahay inuu jaal la noqon

    Doono …. siyasiyiin badan oo horay uga hayamay

    Siyasada puntland … xogtu waxay lee dahay inuu

    Qayb ka boqon doono siyasiyiinta ku howlan

    mamulgoboledka golis oo uu hormudka ka yahay

    Cali khalif

  12. farxiyo says:

    Car iyo wir majeerteenow hadaad xiniinyo leedihiin axmed karaash xabad Ku rida.

  13. Jabhad says:

    Kkkkkkkkk

    Farxiyo yaa la hadli kara karaash war xalay saqdii

    Dhexe ergo daarood isagaa hormuud u ahaa waa

    Libaax aragti dheer

  14. Kalsame says:

    Hagbadda qolada fasalkan qaadatay meeshiiba way waaleen.

    Su`aasha taagani waa Sanaagtii la tashkiilinayay sidee loo soo xera galin?. Khaatumo iyo Cali Khaliif dooddoodii ahayd meeshu waa xero jufo leedahay soo sax maanta ma noqon?.

    Marmarsiiyaha ah Xamar baa laga soo kaarikeeyay waa ruwaayad, waxa meesha yaal waa aniga unbaa go`aanka leh, marti edeb leh inta kale ha ka ahaato.

    Alloow noo tawaani oo talada ha naseejin.

  15. Dabshid says:

    HAGBADDA Maamulka Max’uud Saleemaan waxaa sabadkaan qaatey REER QARDHO, ninkii rabo inuu Ciid ku shubo laga yeelimahayo.

    Tankale Waa iney KORJOOGTA EXILE Aqlaaq ku joogto GAROWE.

    -EXILE REER WAQOOYI HALOO TARXIILO HARGEYSA.

    buuq iyo Qeylo uma rabno 6da Maamul ee South Somalia.

  16. Land of Punt says:

    Farxiyo
    Naa ma waalan tahay…kkkkkkk!
    Bal horta in geesiyad tahay oo Dhabayaca aad jiiri karto kasoo qaad, laakiin ma iswaydiisay maanta maxaa Puntland iga yaal oo ugu dhaaran anoo Dhuloos ah…
    Warsangeli dhul bay nagu darsadeen, adinka maxaa Puntland idinka yaal?
    Bal ii sheeg tuulo Dhabayaco idinka joogto oo ugu bootayso….kkkkkkkkk yaab.
    Xooga buuraha Xargaga LOP igu xirayso.. Mee dhulkii Maxamud Garaad iyo Ugadhyahan..kkkkkk
    Harti Isaaq gumeeyey waa dhuloos… marti bootaynasa haddaan neef la ii qalin..kkkkkk😅

    Orod dhulkaagii difaaco ama waxka ahow at least dhulkaaga.
    Puntland lee u bootaysaan, mee dhulkaagi…?
    Tolnimo idiin haynay laakiin hadda walaa xowla soo dhaafteen.
    Majeerteen waa misaakiin: walaale ku haya oo cidwalba iska xambaarta macal jareer iyo Eelaay hadhow caruurta ka qarxiya, laakiin waa dad marka xanaaqaan madaxa jari yaqaan.
    Taas yey ku dhaafin…geel wasad.😤

  17. Land of Punt says:

    Dabshid ayaan ku raacsanay, dhulkiinii Waqooyi iyo Muuse Biixi ayaa looga heesaa ee Deni maxaa idin kugu jira? good quetion!

    Tolnimo idiin xeerinaynay laakiin cadow burburkaaga ku farxaya oo marka dhibkaaga maqlo mashxaradin oo in ku dilo raba, ma garan sabab u dugsato, Hadda walaa xowla soo dhaafteen.
    Walaahi bilaahi in sidaan tolnimo ahayn..
    Fucking Dhabayaco, aqli xumaa!
    Cadow dugso, ma doqonimo ka weyn ayaa jirta.
    Harti anaa wasa..I am Puntlander and nothing else.
    🥺

  18. Land of Punt says:

    Farxiyo
    Xitaa waad garan weydeen; Dhabayaco waa in lug kula jirno, waagii Tukaraq Puntland joogtay waxaa la oran jiray, waa meesha Puntland cabshuurta ka gurtaan oo milaayiin Dolar kasoo gasho, kuwo geelwas ayaa run mooday oo Isaaq ku shaqaysto oo meeshii dagaal ka riday..kkkk..meeday Lacagtii…kkkkk
    Way garan waayeen kontroolka haddii laga raro Tukaraq dee tuulo Ciise Maxamuud loo rarin oo shaqo ka helin, Tukaraqna waxay noqon tuulo laga guuray, waxaan Dhabayaco kula gorgortano ma harin….Dhuloos waa marti..taas ogow..
    Warsangeli ayaaba tuulo calan Puntland suran yahay ku bootayn kara, idinka yaaba idiin dhagaysta marka hadlaysaan …..!
    Warsangeli in xitaa Xoog Garowe isticmaaaan ku fekereen.
    Anigaa ayaa Dhuloos run idiin sheegin..
    Puntland tuulo kuma lihidin….ka shaqaysta ama ka taga.🧐
    Yaa la horjoogaa in ka baxaan Puntlan?
    Welcome….
    Who the fuck beleive Hartism/Darodism I beleive Somalism.
    I beleive puntland and federalism, not clanism.

  19. Wagad wyrah says:

    Dagaalka farmaajo iyo Maxamud Saleebaan maxaa wiilka warsangali ka ha ka xaaxaabo waakaa shaqo la’aantu dhacday AR FARMAAJO II GEEYAAAAAAA KKKK




MUUQAAL: Foosiya Yuusuf oo si kulul uga Hadashay Hadalkii Sheekh Shariif
- Nov 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam oo Xilal kala duwan kasoo ...
MUUQAAL: Faysal C. Waraabe oo ka hadlay Muranka Doorashada iyo Weerar uu ku Qaaday Muuse Biixi [Daawo]
- Nov 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada ...
Puntland oo Dooratay Gudoomiye Baarlamaan oo Cusub iyo Gaas oo ka hadlay !
- Nov 14, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Xildhibaan Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka ee Puntland ...
MUUQAAL: “Muuse Biixi inuu Tolkii maamuli kari waayo cidna ka yeeli mayso, Halka Abiye qaatay Bilad”
- Nov 14, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeye oo Warbaahinta kula hadlay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare iyo dagaalkii Boosaaso, Xog Ku saabsan Xiisada ka Taagan iyo Sida wax u dhaceen !
- Nov 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare ayaa Warbixin ku lafa Guray dagaalkii ka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!