Duqa Muqdisho oo Safarkii Ugu Horeeyay Dalka Dibadiisa [Sawirro]

Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Caawa safarkii ugu horeeyey ugu ambabaxay dalka dibediisa tan iyo markii la magacaabay dhowr bilood ka hor

Wafdiga Gudoomiye filish ayaa u ambabaxay magaalada Durban ee dalka dalka South Africa halkaasoo ay kaga qeyb gali doonaan shirka caalamiga ah ee Maayarada caasimadaha caalamka “Global Parliament of Mayors” (GPM).

“Waxaan caawa u ambabaxay dalka South Africa gaar ahaan magaalada Durban halkaasi oo aan uga qeyb gali doono shirka Global Parliament of Mayors” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka oo xusay in shirkaas looga hadlayo horumarka caasimadaha adduunka iyo sidii ay iskaashi u yeelan lahaayeen.

Waxaa sii sagootiyey wafdiga Gudoomiye Cumar Filish masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, saraakiil kala duwan iyo qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka caasimada.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. NuurkaNederland says:

    SUUDH BAY ISKA SOO WA XIRANAYSAA IYADOO DAADKU HOOS MARAYO.
    DON’T BE SORRY,BUT,WAA RAG KHIYAALI JILAYA OO ISU ARKA MADAX LKN MA OGA MANA DAREENSANA MEESHA & DADKAY XUKUMAAN WAXA AY KU SUGAN YIHIIN,,…DUNIDA SOOW MA ARAGTAAN DALKANA SOOW MA ARAGTAAN. AM I SORRY!!?
    YES,I AM SORRY!!!.

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      SSSSSSS Waxaa hadlay ninkii Somali Ugu Aqoon badnaa Ugu Caqli badnaa Mudane NuurkaNederland ee dhegaysta
      oo wax ka faaìdaysta. WBT

  2. farxiyo says:

    Adduunyooy xaalkaa ba’a.
    Cumaroow ma xasuusan tahay madiina-macmacaanka,sidaad u xasuuqi jirtey dadka.
    Ilaahayoow ceebtayada astur ragaasa na metalaya.
    QANDHO GAWSA-WEYN.




MUUQAAL: Foosiya Yuusuf oo si kulul uga Hadashay Hadalkii Sheekh Shariif
- Nov 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam oo Xilal kala duwan kasoo ...
MUUQAAL: Faysal C. Waraabe oo ka hadlay Muranka Doorashada iyo Weerar uu ku Qaaday Muuse Biixi [Daawo]
- Nov 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada ...
Puntland oo Dooratay Gudoomiye Baarlamaan oo Cusub iyo Gaas oo ka hadlay !
- Nov 14, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Xildhibaan Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka ee Puntland ...
MUUQAAL: “Muuse Biixi inuu Tolkii maamuli kari waayo cidna ka yeeli mayso, Halka Abiye qaatay Bilad”
- Nov 14, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeye oo Warbaahinta kula hadlay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare iyo dagaalkii Boosaaso, Xog Ku saabsan Xiisada ka Taagan iyo Sida wax u dhaceen !
- Nov 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare ayaa Warbixin ku lafa Guray dagaalkii ka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!