Agaasime ka tirsanaa DF Soomaaliya oo ku Geeriyooday dagaalkii Garoowe !

Garoowe ( Kalshaale ) Allaha u naxariistee ku xigeenkii agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya laanteeda Puntland ayaa goor dhaw u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal magaalada Garowe ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan Puntland.

Cabdikariim Maxamed Faarax “Dhagaweyne” ayay rasaasta ay isku ridayeen ciidamadu waxa ay kula dhacday goob ganacsi oo uu kulahaa meel aan ka dheereyn Aqalka Baarlamaanka Puntland oo ay xalay weerareen ciidamada gaar ka ah ee Madaxtooyada Puntland.

Is-saasayn mudo socotay ayaa afaafka hore ee dhismaha baarlamaanka ku dhex martay ilaalada Aqalka baarlamaanka iyo ciidamo ka socday ilaalada Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo mid ka mida yahay askatii uu dagaalku dhex maray iyo agaasime ku xigeenkii hey’adda socdaalka Soomaaliya faraceeda Garowe, sidoo kalana haa ganacsade caan ah ayaa ku geeriyooday shaqaaqada, waxaana jira dhaawacyo kale.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay cidda heysata xaruntii la weeraray ee baarlamaanka Puntland, waxayna wararkii ugu dambeeyay sheegayaan inay wali ku suganyihiin ilaaladii lagu soo weeraray ee horay u joogtay.

Weerarka xalay lagu qaaday xarunta baarlamaanka Puntland ee Garowe ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu maanta fasax seddax maalmood ah uu xildhibaanada u diray guddoomiyaha baarlamaanka Puntalnd, oo sida la sheegay mooshin laga keenay.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Foosiya Yuusuf oo si kulul uga Hadashay Hadalkii Sheekh Shariif
- Nov 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam oo Xilal kala duwan kasoo ...
MUUQAAL: Faysal C. Waraabe oo ka hadlay Muranka Doorashada iyo Weerar uu ku Qaaday Muuse Biixi [Daawo]
- Nov 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada ...
Puntland oo Dooratay Gudoomiye Baarlamaan oo Cusub iyo Gaas oo ka hadlay !
- Nov 14, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Xildhibaan Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka ee Puntland ...
MUUQAAL: “Muuse Biixi inuu Tolkii maamuli kari waayo cidna ka yeeli mayso, Halka Abiye qaatay Bilad”
- Nov 14, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeye oo Warbaahinta kula hadlay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare iyo dagaalkii Boosaaso, Xog Ku saabsan Xiisada ka Taagan iyo Sida wax u dhaceen !
- Nov 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare ayaa Warbixin ku lafa Guray dagaalkii ka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!