DF-Soomaaliya oo Bixinaysa Ruqsadii ugu Horaysay ee Shidaalka [Warbixin]

Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Bisha December ee sanadkan ay bixineyso ruqsaddii ugu horreysay ee shidaal baadhis ah lana siinayo sharikadaha ka shaqeeya soo saaridda shidaalka.

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka xukuumadda Soomaaliya C/Rashiid Maxamed Axmed ayaa hadalkan shalay ka sheegay shir looga hadlayay shidaalka Afrika oo ka dhacay dalka Koofur Afrika.

Cabdirashiid ayaa sheegay in Bisha December ay dowladda Soomaaliya bixineyso ruqsadda 15 Xermo oo shidaalka Soomaaliya ah.

Waxaa uu Wasiirku sheegay in xog ururin horay looga sameeyay 15ka Ceel lagu ogaaday in ay ku jiraan 30 Bilyan oo Barmiil, islamarkaana ay ka faa’deysan doonto Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shirka ka sheegay in ceelashaas shidaalka ee ruqsaddooda la bixinayo Bisha December ay aad uga fogyihiin biyaha Soomaaliya ee ay Kenya muranka gelisay islamarkaana dacwaddeeda taallo Maxkamadda ICJ.

Arrintan ayaa suuragelineysa in sharikadaha ExxonMobil iyo shell ay dib ugu soo laabtaan dalka kaddib burburkii dowladdii Kacaanka.

Labada shirikadood ayaa bishii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ku wareejiyay lacag dhan $1.7Milyan oo doollarka Mareykanka ah oo la xiriirta arrintan,waxaana dhiman sharciyada iyo heshiisyada.

“Marka wax kasta la waafajiyo sharciga, labada sharikadood sida ugu dhaqsiyaha badan ayey dalka ugu soo laabanayaan ayuu hadalkiisa raaciyay”Wasiirka Batroolka Soomaaliya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 14)

  1. farxiyo says:

    Farmaajo waryaa I dhegayso .
    Baatrol iyo diririg lahaane,car ninkii awood leh ,haygu yimaado holhol.
    Wadan aan nabadgelyadiisii LA sugin,baa shidaal laga baadhayaa.
    Dhulbahantoow difaacda shidaalkiina holhol.
    Aqoonsiga SSC iyo baadhista shidaalkeena isku xidhan.
    COLKA WADHAF MA LAGU DAYEY.

  2. Dabshid says:

    The forming of a theory.

    Waraaqo la cash gareysto iyo shirkado shacabka West Share looga soo aruursado, kadibna qeyb loo tuuro KAXAMAASHE ( kadibna lagu qaameeyo Shacabka Soomaaliyeed).

    – Oil Hunters’ Speculation iga dheh

  3. Dabshid says:

    Farxiyo

    Kkkk

    Ma waxaad leedahay marka hore TUBO PETROL ah halagu soo leexiyo Baraakadeyda Yar ee Taleex.

  4. Ali Zubeer says:

    Farxiya

    kkkkk

    Ina adeer maxaa isku xidhay samaynta iyo aqoonsiga Khatumo State of Somalia iyo Farmaajo/Khayre.

    Waxaan aaminsanahay in Khaatumo State oo ku ladhan Pudhlyan dhabayaco iyo Iidoor Somaliland inay baylahaasi dhigeen raggii Khaatumo State lahaa.

    Khaatumo dadkeedii ayaa ka dhigay gobollada Sool iyo Sanaag meel ay kiraystaan labadaa maamul deetana ku dul shaahaan.

    Khaatumo State of Somalia waxay u xidhan tahay reer Khaatumo oo iska leexaya nijaasta horgalayaasha isaga goosha Hargaysa iyo Garowe.

    Caku xudduntii dalka isku xidhaysay oo weli agoon ah. Markii ay ubadka Darwiishta iska tuuraan heeryada labadan maamul ee nifaaqa iyo beenta ku caan baxay midnimada Soomaaliya ayaa si dhab ah u curan doonta insha Allah.

    Midda Patrolka waa iska sheego lagu marin habaabinayo masaakiinta Soomaaliya.

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  5. Ubax ismail says:

    Ascww
    Ali zubeer walaale horta reer khaatumo ka wey rag shaah lagu cabo waxa socdaana waa siyaasade dadku waa wada dhashay oo ninkoodii maalintaas liita ninna cidla uga tagi uu maayo ee waxa wadankeenii ka dhacay ayaa ah sima oo dadkii intoodii badneyd isma dhaqaala dhaamaan, midaanka shidaalka la sheegayana la arki doonee hadiiba ay tahay wax jira, mida kale Ilaaheen swt wuxuu qur’aankiisa ku yir magacyo xun xun ha iskugu yeerina marka taasi innaga reeban.

    • Ali Zubeer says:

      Ubax Ismaaciil

      Asa

      Waa runtaa waa in magacyada xun laysugu yeeedhin. Ogow istithnaa baa jira oo ah in ruuxa la dulmiyo mooyee loo oggolayn cid kale. Laa yuxibbullaahul jahra bisuui illaa man thulim.

      Marka Iidoor dee waa magac dhabayacana cay maahaan oo waxaa la mid ah cag dheer.

      Laakiin taladaadu waan kaa qaatay huunno wa shukran

      Viva Soomaaliwayn
      Down all Somali traitors

  6. xaange says:

    Soomaalidu waa dad cawaan ah shidaal baa la soo saarayaa oo waliba Hobyo ilaa Kismaanyo inta u dhaxaysa ayaa laga soo saarayaa ninka aaminsan waa qof caqli dhimman ah.
    Meesha waxa la kala dillaalayo waa Datada baaristii shirkaddii Spectrum ay samaysay lagulana heshiiyey inay 12 block oo ugu mihiimsan qaadato.
    SOM OIL oo Khayre iyo qolyo kale dillaaliin ka yihiin ayaa xoogaaga meeshaa laga helo duul duul kasoo gaadhayaa oo khasnaddooda lagu ridan

  7. Jabhad says:

    Horta shidalkan la shegayo hal ceel oo ka mida waa

    In la soo saro si looga baxo walahowga caydha iyo

    Gajada ……. shalay waxaa la isoo shegay in

    Dalkeena laga qadayo diidmadii hubkii wawaynaa

    Xoga dalkoo dababad gashaman watan arkaa

    Dalkoo midoobay iyo miinoyinyoo la saaran arkaa

    Celashii shidalkoo la soo saaran arkaa Gu.gii

    Guusha somali oo curtaan arkaa

  8. C/Raxmaan says:

    War inleen tanoo kale ! Xamar , Afgooye iyo Balcad looma Kala safrikara , badda korkeedana waxaa laga qodanayaa shidaal . Yaa la dagayaa

    Wadan ay isku haystaan xoogag kaladuwan , kuwaasoo ay intooda badan hubeysanyiin sidee looga soosaarikaraa shidaal ? DEYNSO qaar ka mid ah erayada mucaaradka , oo halkaas ka raadi runta . Hadduu erayga mucaaradka noqonwaayo run TOOBIYAHAAD haysaa , ee CAYNAANKA HAY , hay , hay .
    @@@ Xaange waxuu ku shiday TOOSH WEYN . Anigana waan la qabaa fikirkaas , waliba BAAC baa iidheer . Baacaasoos igu haya welwel . Waxaan arkaa kooxo duudxamaal Soomaaliyeed oo loo tababaray , hubeeyey , mushaariyey gumaadka shacabka Soomaaliyeey . Duudxamaaladaasi caruurtooda iyo xaasaskooda waxaa la dajinayaa CALOOSHA dhexdeeda ! Shacabweynaha Soomaaliyeed waxay u kalabaxayaan :
    – Duudxamaal
    – Dan-kamagale.
    – Lasoodile .
    – Durduriye.
    – Duur-kujire.
    – Dayacane.
    – Dibadjoog.
    – Wardoon.
    – Daroogeysane .
    – Iyo ducufadeenaas .
    Fg : Sababta la iskugu dhafi la yahay oo loohawlgelin la yahay ciidanka Soomaaliyeed ( Geesiyiin + Karti + dulqaad ) waa qorshe la isla ogyahay . Waan HURUDNAA , ee Soomaalaay aabihiin WAXEEYE ( Waa gaddii Xamxamle’e ) ama u diyaargarooba guumeysi dhaqaale , din iyo dadnimo ka oo liita kii midab-kalasooca ama aynu u tashanno dalkeenna .

    ——— Qorshaha isku tashiga iyo katashiga —–
    – Xaaqinka qaata oo xaaqa guryihiina !

    Black water ayaa BAWDKEENA yuurarto .

  9. C/Raxmaan says:

    Akhyaarta xagey wax ka qaldanyihiin ?
    -Ceelka ?
    -Wadaanta?
    -Shubaha?
    Horaha ?
    -Darka ?
    ———— Wadaanta ? Ka xaggee ?
    -Xarigga ?
    -Dalool?
    -Jeexniin?
    -Yaraan?
    -Weynin/culeys iwm.

    —— Duudxaalka iyo Alshabaabka keebaad ku goosataa ? Ma la cayaarikaraa cayaar aan la isku goosaneynin . Hadey tahay maya , ma waxaad ku goosaneysaa HABARKUULEY , mise Farxiyo Xamxale ! jawaabta adi lee waaye.

  10. Kalsame says:

    Shidaalkan awoowayaasheen ka baahnaayeen, abkawyaasheen ka baahnaayeen, oo aabbayaasheen ka baahnaayeen ee baddeenna iyo berrigeenna ceegaaga, annaga inteennii wad ku simo iyo carruurteennu waa inayna ka baahnaan lana soo saaraa.

    Hal ceel baa kurteen inagu wada filan oon waliba dibedda u dhoofinaynaa. Maxaad ku diiddantahay in aad ku naallooto nabad iyo qaninnimo.

    Waa run way adagtahay ilaa uu dalku xasilo in hawshaa la galo lkn kol dhow wuu xasili in shaa Allah.

    C/Raxman

    Ninyow ma mustaqbalkaad ka timid?. Time machine baa yaabay.. kkkk

  11. Jabhad says:

    hobyo ——- Ilaa baraawe ——- ilaa raskenbooni

    celasha ku yaala bada iyo beriga ….. beriga iga foge

    Habar qaba yalkii baa ku badane iga fogee qaarked

    Ii durji dhinaca ku toosan baraawe iyo hobyo hal cel

    Ii eeg iina duleeli Aan cidanka ku biishee dalkana ku

    Qabtee intey faradheerta qabyaalad ku mashquul

    San yihiin haa hada sow baryadii reer galbedka

    KAMA raysan u jihayso celasha bardhere iyo holhol

    gutooyinka kala jihay….. dadka dhibkale ma qabin e

    Dayac iyo dowlad la. aan unbaa haysay … war waxa

    Ilaah idin siiyey wax ka cuna oo dowladnimada

    Taageera

  12. Mr BaHaL says:

    Intii nabad iyo nolol ah iyo inta Mucaarid ah waan salaamay.

    Reer Gabre calaacalka hayska yareeyaan,waa nacasinimo hadii oohin uun ku jirtaan.

    Wax qabadka ayay ka ooyayaan.Waa dad masgaxda ka dhintay.

    Gabroow na soo gaadh.Muqdshi naga qabo.Kaalay garta noo qaad.

    Shidaalak waa la soo saarayaa oo dad shaqaynaya ayaa hogankii qabtay.

    Indhihiina fura kkkk

    Maba aaminsana somali ayaa wax qabsan karta.

    Gabre ayaaa u garqaadi jiray kkkk

    Baryada ayay caadaysteen.

    Dalmida

  13. xaange says:

    1 Ninkii qarax soo sheega 100 kun baan
    siin

    2 Ninkii dhaawac kasoo gaaro anagaa damaan
    qaadayna

    3 Ninkii ku dhinta magtiisa ayaan
    dhiibaynaa

    4 Hantidii ku burburta inagaa dadka u
    celinayna

    5 Safarada maalaa yacnigaa waan joojin

    6 Waddooyinka ayaan furayaa

    7 Siyaasadu waa xal raadin khayaamo maaha
    ballan ka bax maaha beena maaha
    Xal baan raadin Ahlu sunna yaa
    khayaamay?

    “The punishment of a liar is that he is never believed, even when he speaks the truth”




MUUQAAL: Foosiya Yuusuf oo si kulul uga Hadashay Hadalkii Sheekh Shariif
- Nov 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam oo Xilal kala duwan kasoo ...
MUUQAAL: Faysal C. Waraabe oo ka hadlay Muranka Doorashada iyo Weerar uu ku Qaaday Muuse Biixi [Daawo]
- Nov 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada ...
Puntland oo Dooratay Gudoomiye Baarlamaan oo Cusub iyo Gaas oo ka hadlay !
- Nov 14, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Xildhibaan Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka ee Puntland ...
MUUQAAL: “Muuse Biixi inuu Tolkii maamuli kari waayo cidna ka yeeli mayso, Halka Abiye qaatay Bilad”
- Nov 14, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeye oo Warbaahinta kula hadlay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare iyo dagaalkii Boosaaso, Xog Ku saabsan Xiisada ka Taagan iyo Sida wax u dhaceen !
- Nov 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare ayaa Warbixin ku lafa Guray dagaalkii ka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!