DAAWO+Akhriso: Muuse Biixi oo Eryay Wakiiladii ugu Badnaa iyo Kuwa uu magacaabay

Hargeisa ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Eryay inta badan wakiiladii Somaliland u fadhiyay dalalka dibeda, isagoona kuwo cusubna u magacaabay xilalkaasi, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wakiilada uu maanta caydhiyay Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa loo aaneynaya kadib markii uu gaabis weyn uu ku yimid ololihii aqoonsi u helida Somaliland, kaasi oo ay dalalka caalamka kaga baadi goobeysay Ictiraaf.

XIL KA QAADIS

Ku: Maxamuud Cabdi Dacar, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub

Ku: Ayaan Maxamuud Maxamed, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska

Ku: Sulub Warsame Xuseen, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway

Ku: Cabdalla Muuse Axmed, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Ku: Cali Maxamed Axmed, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Yaman

Og: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir,  Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal iyo Marwo, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilka Qaran.

MAGACAABID

Markaan Arkay:   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey:    Ahmiyadda Wakiillada Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay:     Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:  In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:   La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

1. Cabdi Cabdillaahi Xirsi Maxamed – Wakiilka Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska

2. Salaan Xasan Kayd Cabdille – Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub

3. Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle – Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya

4. Maxamed Maxamuud Aadan Samatar – Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway

5. Axmed Jaamac Xasan Shire – Wakiilka Somaliland ee Dalka Koonfur Afrika

6. Mustafe Yuusuf Ismaaciil Cali – Wakiilka Somaliland ee Dalka Jarmalka

7. Cali Axmed Cismaan – Wakiilka Somaliland ee Dalka Sucuudi Carabiya

8. Axmed Cali Salaad Maxamed – Wakiilka Somaliland ee Dalka Yaman

9. Barkhad Maxamuud Kaariye Samatar – Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Itoobiya

Waxaan uga mahad-celinayaa Wakiilladii hore ee Somaliland muddadii ay hayeen xilka Qaranka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 17)

  1. Land of Punt says:

    Muse Biixi haybad madaxwynenimo ayaa ka muuqata.
    War ninkaas halala shaqeeyo.
    Buuq iyo is jiidjiid xagee lagu gaarin ama dagaal.
    Garxajis toogadiina sugta.

  2. Dabshid says:

    Waa dhaqanka Harti Daarood in
    Kuwa Xamar biilka ka qaato AMAANAN MADAXWEYNAHA VILLA HARGEYSA iyo Caasimadda Labaad ee Hargeysa

    Wuwa Hargeysa Biilka ka qaatana AMAANAAN
    MADAXWEYNAHA VILLA XAMAR iyo Caasimadda 1aad ee Muqdisho.

    – Sidoo kale waa Caado inuu DOOLIGU/JIIRKU KU XAARO JUUNIGA UU BARIISKA KA CUNAY.

    * Governor Galeyr ayaa dhahay Harka Caasimadaha hanaga Saarina.

  3. Dabshid says:

    Hawiye waa Habar-Gidir
    Isaaqna Waa Garxajis
    Dhulna waa Ciid/caro

  4. Maxamud says:

    Ictiraaf raadinta isaaqa u ekaa nabad iyo nolol oo awood karaadisa askarta shisheeye si eey uga adkadan qofkasta oo fikir kudiidan ictiraafku waa dadkaaga oo aad hambal unoqoto musuqana kala dagaalanto.

  5. Idoor Liqe says:

    Ictiraafkii ma Wakiil qabiil buu ku soo dhamaaday kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Alla maxaa dumar iyo ciyaal badan la khalday ictiraafka daaqada saaran . Sheekadaas waa soo dhamaatay hada .

    Dhamaan isaaqa aadaya waxbarasho ama Ganacsi waxay ku safran Passport ka dalkeena Somaliya .

    Madaama aan Partnership ka ahay Gaadiidka
    Iskaga goosha Gobolada Puntland iyo Waqooyi Galbeed Somaliya (Hargeisa ) iyo Togdheer , waxaan arka Gabdho badan oo isaaq ah una socda Garoowe si Passport-ka u qaataan . Waliba Fursada aan ka Faideystay oo Gabadh baan ka Guursaday kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. Idoor Liqe says:

    Cawaankii Denni oo Caawa weeraray xaruntii Baarlamaanka , Garoowe Caawa waxay la ciirciifeysa Maleeshiyaad Hubeysan ka dib markii kooxdii aaranjaan la Jabiyey . Denni saacadaha soo socda Garoowe waa laga saaraya si xoog ah , waxaana la wareegaya xukunka Ahmed Karaash . Afarta sano soo socda madaxweynaha waa Karaash , kuxigeenkiisuna Waa Asad Diyaano .

    Bye bye Denni

    Faroole baa Yaabay

    • Mo says:

      iidoor liqe

      Axmed karaash hadduu tabar leeyahay ha xoreeyo laascaanood!! hadduusan awoodin hadalku waa ka xiran yahay! meesha waxaa ka muuqda faragelin iyo khalkhal gelin ka imaanaysa villa somalia, karaash iyo dhoobo xoogaa baa jeebka loogu shuba, waxaa la siiyey lacag ay u baahan yihiin reer baladweyne!!

  7. Idoor Liqe says:

    Wararkii u dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa xaqiijinaya dhimashada hal askari oo katirsan ciidamada Ammaanka, Dhaawac sadex qof oo labo kamid ah ay shacab yihiin oo waxyeelo kasoo gaartay dagaalka kadhacay xarunta baarlamaanka Puntland.

    Waxaana soo xaqiijiyey wariye ku sugan goobta Cafimaadka oo booqday goobaha caafimaadka Ee magaalada Garoowe ayaa xaqiijiyey Dhaawac sadexda qof iyo dhimashada halka Askari, waxaana muuqata in ay talaabadan ka dhigan tahay ficilo aan wanaagsaneyn.

    Cidda gacanta ku haysa xarunta baarlamaanka Ayaa warar is khilaafsan ka soo baxayaan, Waxaana wararka qaarkood sheegayaan in ay si Difaaceen ilaalada baarlamaanka oo diiday in laga qabsado xarunta.

    Sidaas oo kale, dad goobjoogayaal ah oo ku Dhaw xaafadaha xarunta baarlamaanka Puntland ayaa sheegaya in luuqyada xarunta ku dhaw ay ku jiraan dad dhaawac ah, iyadoo aan la awoodin in gurmad loo fidiyo.

    Majiraan war kasoo baxay xagga Xukuumadda iyo guddoonka baarlamaanka Puntland, balse Warar madax banaan ayaa sheegaya in Weerarkan lagu qaaday xarunta baarlamaanka Uu ahaa mid ka yimi saacad kahor shir usoo Dhamaaday Madaxweynaha Puntland iyo qaar Mamid ah golihiisa wasiiradda.

  8. Idoor Liqe says:

    Hadii mar kale Denni soo weeraro xarunta Baarlamaanka oo ay joogaan maleeshiyad Hubeysan, Ahmed Karaash wuxuu diyaar u yahay isna inuu Weeraro Guriga Denni . Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Madaama Denni iyo Karaash wada Degan yihiin madaxtooyada , midba midka kale ayuu iska eegaya lkn weerarku waxay sheegayaan in Ahmed Karaash ka maleeshiyad iyo Tikno badan yahay Denni Taas oo sababeysa in Denni Garoowe laga baacsado saacado kooban.

  9. Idoor Liqe says:

    Habartii aan uusan jirin ee uusatee meelo khatara iska gubtay caawa siciid deni maku haysaan hhhhhhhh habeenaan

    Mid reer Laascanood qoray qoraalkaas walahay waan qoslay . Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  10. farxiyo says:

    Iidoor liqe.
    Waar inaadeer meynaga hubtaa?
    Waxanoo xikmad ah xageed ka keentay?

  11. Land of Punt says:

    Iidoor Liqe
    kkkkkk
    Meeshii Garoowe ma Dhuloos ayaa inqilaabay.
    Sow tan dhabayacada laga badiyey inqilaab.
    kkkkkkkk
    Daanyeer Geelwas ah, inta dhulkaakii Iidoor kaa soo raray ayaa mooday in Garoowe leedahay.
    Marti kugu raagtay, way ilowdaa in marti ahayd.

    • farxiyo says:

      LOP.
      Garoowe 40% Dhulbahante ayaa dega.
      Dhulbahante ma inqilaabine miskiinka warsangeli ee aad u awood sheeganeysaan tolkiisa idin baacsadey,walaahi warsangeli
      Waa rag,geesiyaal reer ayeeyahasy.
      Nejiskiiseynta lahaa ee LOP haduu dhuusamareeb sii ordayo aan qaxwadeyda iska cabo.
      Sala-calaa-nebi.

  12. Land of Punt says:

    Iidoor liqe
    Caawa maxaa dhantan..kkkkkkk
    Sxb Puntland iyo Garoowe Somali oo dhan lagama xigo, laakiin waan u talin ama inqilaabin..kkkkkkkk
    Taas waa sheeko kale.

  13. Aarka hargaysa says:

    Meesha sowdinkii lahaa dowlad baa kajirta wamaxay cidamada ninba gaarka uhaystaa waar meshan puntland waa siduu faysal cali waraabe shegayay ayaaba runa waxba meesha kamajiraan hawiyahaa lawalaa

  14. Ali Zubeer says:

    War criminal Muuse handaraab waa nin keligiisa qayliya oo iska mirqaansan.

    Tallaaban waxay markhaati ka tahay inay ka taallo oo uu ku sigan hayo inuu Muqdisho iska tago.

    What a waste

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  15. warda says:

    Muuse runta shalay lo sheegay Hadi u in uun caqli leyahay waxbu ku qaadan




MUUQAAL: Foosiya Yuusuf oo si kulul uga Hadashay Hadalkii Sheekh Shariif
- Nov 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam oo Xilal kala duwan kasoo ...
MUUQAAL: Faysal C. Waraabe oo ka hadlay Muranka Doorashada iyo Weerar uu ku Qaaday Muuse Biixi [Daawo]
- Nov 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada ...
Puntland oo Dooratay Gudoomiye Baarlamaan oo Cusub iyo Gaas oo ka hadlay !
- Nov 14, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Xildhibaan Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka ee Puntland ...
MUUQAAL: “Muuse Biixi inuu Tolkii maamuli kari waayo cidna ka yeeli mayso, Halka Abiye qaatay Bilad”
- Nov 14, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeye oo Warbaahinta kula hadlay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare iyo dagaalkii Boosaaso, Xog Ku saabsan Xiisada ka Taagan iyo Sida wax u dhaceen !
- Nov 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare ayaa Warbixin ku lafa Guray dagaalkii ka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!