MUUQAAL: Dr. Gaboose oo Eedaymihii ugu Cuslaa usoo Jeediyey Muuse Biixi, Xaalada S.LAND Iyo Arimo Xasaasi ah

Hargeisa ( Kalshaale ) Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo Muddo dheer kadib Warbaahinta maanta kula hadlay Magaalada Hargeisa, ayaa eedaymihii ugu Cuslaa u Jeediyey Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Wuxuuna ka hadlay Arimo kala duwan oo Xasasi ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Nasiib-darro, in muddo ahba waxa ka hana-qaaday geyigeenna siyaasad kooxaysan oo ku qotonta kala qaybinta iyo kala irdhaynta umaddan walaalaha ah. Kooxdani waa ku adeeganaya isbaahaysiga siyaasadeed ee JEEGAAMAYSAN oo ah shaadh ay keligood ku macaashaan. Waxaan ku nuux nuuxsanayaa inaan marnaba beelaha ay kasoo jeedan loo aanayn karin ereygaas iyo siyaasadda guracan ee ay hal-abuurkeeda leeyihiin.

Badanaa inta haldoor, milgo iyo maamuus leh oo ka soo jeeda beelahaas oo karaamo iyo waxqabad ummada u soo kordhin lahaa, xayndaanba siyaasadda looga tuuray maadaama aanay la aragti ahayn..” Ayuu yidhi Dr. Gaboose.

Wuxuu ka hadlay Xaalada  Somaliland isagoo sheegay inaysan Danteedu ku Jirin Naxli dadka Soomaaliyeed la kala dhex dhigo.

“Qaddiyadda Somaliland oo ah mid aan u soo halgamey, aamminsanahayna in ay danteennu ku jirto, ku midho dhalimayso in naxli la kala dhex dhigo bulshada reer Somaliland iyo shacabka kale ee Somaliyeed, mana aha in ay noqoto mid hir-gelinteeda lagu baadigoobo ciil, cadho, iyo xiqdi, dhibaatadii loo geystey reer Somalilandna looma aanayn karo dad shacab ah, balse waxa geystey, ay tahayna in lagula xisaabtamo Taliskii Maxamed Siyaad Barre, sida aan maanta dhibka Xukuumadda Muuse biixi iyo kooxdiisu geystaan aan beel iyo cid kale toonna loogu aanayn karin..” Ayuu Hadalkiisa Raaciyey Dr. Gaboose.

Ugu dambayntii Wuxuu Tallooyin Dhaxal gal ah usoo Jeediyey  Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 11)

  1. Barwaaqo says:

    Qaddiyadda Somaliland oo ah mid aan u soo halgamey, aamminsanahayna in ay danteennu ku jirto, ku midho dhalimayso in naxli la kala dhex dhigo bulshada reer Somaliland iyo shacabka kale ee Somaliyeed, mana aha in ay noqoto mid hir-gelinteeda lagu baadigoobo ciil, cadho, iyo xiqdi, dhibaatadii loo geystey reer Somalilandna looma aanayn karo dad shacab ah, balse waxa geystey, ay tahayna in lagula xisaabtamo Taliskii Maxamed Siyaad Barre, sida aan maanta dhibka Xukuumadda Muuse biixi iyo kooxdiisu geystaan aan beel iyo cid kale toonna loogu aanayn karin..” Ayuu Hadalkiisa Raaciyey Dr. Gaboose.

    100% sax weeye hadalkaasi, Sideen Dabshid, Garqaad and LOP u eedayn karaa?

  2. Dabshid says:

    Barwaaqo

    Walaal waa sidaas, Dictatorkii wuxuu geystay lama hilmaamikaro marnaba, HADANA LOOMA AANEYNKARO DHIBANEYAAL KALE.

    Suntii iyo System xumaa ee dowladdii Shuuciga ayaa wali ka muuqdo maskaxda masuuliyiinta maanta.

  3. Mr BaHaL says:

    In la caayo somaliya iyo 60-kii waa waxa kaliya ee Beesha Isaaq lagu maaweelinkaro,kaasi oo soo socday 30-kii sano ee ina dhaafay,yeelkeede waana midka kaliya ee lagu dagaal galiyay waagii hoosta lagaga jiray Jaale Mangistu Ibn Amxaara.

    Somaliland dawlad la yidhaa ma jridoonto – saa waxay dhimatay intii aanay dhalanin.

    Qabiil lagu dagaal galay dawlad lagama dhigikaro.Waase laga yaaba inay noqoto maamul goboleed fiican oo xoogwayn hadi ay hesho hogaan fiican oo Bulshada runta u ku dhaqa.

    Waxay u badan tahay inay noqoto 3 maamul goboleed oo nacasyo ah.

    Sida uu Gaboose sheegay 60-kii waxaa jiray in laysku fahmi waayay qaabkii loo tagilahaa Koonfurta,taasi badalkeeda lays garab yaacay.Maanta ayay ka xuntahay 60-kii.

    Dalmida

  4. Jabhad says:

    Dr gaboose si gobanimo leh ayuu u hoga tusaleyey

    mamulka muuse biixi xaqiiqdu waxay tahay intuu

    Muuse yimi in si wayn ay u kala fogadeen dadkii ku

    Hoos nola mamulka muuse

  5. Garqaad says:

    Halkaas waxaa ka jirto xurnimo. Oo madaxda wixii la doono ayaa laga sheegaa.

    Xaqiiqdii somaliland wexey koofur ka horeysaa 30 sano.

    Bal u fiirso sida loo dhaliilaayo madaxweyne biixi oo runta loogu shegaayo.

    Mr gaboose haduu xamar joogi lahaa saqdhexe ayaa guriga loogu dhici lahaa oo asaga iyo wixii la joogo la qaarijo ayaalaysku dayi lahaa.

    Mr gaboose sigabanimo leh ayuu u hadlay laakiin waa in uu mid ogadaa. Madaxweyne biixi waxaa doortay shacabka reer somaliland oo xura. Wuxuu xaq u leeyahay 5 sano in lagu xishmeeyo.

    Dadbaa jira Mr biixi ku xumeynaayo laakiin dadkaasi kama fikirayaan somaliland oo xura. Maanta muuse ayaa joogo oo horay hadalo xun uga tageen ee hallagu xumeeyo ayey isleeyihiin laakiin sidaas xaalku Maaha. Somaliland Mr biixi 5 sano ayuu joogayaa waana iska tegayaa ee waa in loo fikiraa Somalilandta mustaqbalka.

    Halkaa wax laguma doorto 4.5
    Halkaa mid yaroo qurbaha cayr ka qaadanaayay ma imaan karo.

    Halkaa shacabka ayaa doortaan qofkeey ayagu doonaan.

    Waa in aan somaliland wax badan uga dayanaa.

    Viva somaliland.

  6. Guulwade says:

    Sool iyo sanaag waa inay ka tashadaan. Jegaanta. Ama hartiland .khatumoland. puntlabd noqdaan waayo jegernata. Ilaa 60 taganyihiin .hees. hebla aa yiri. Fanaan hebel yiri. Colood. Shisheeye. Raac .somali nacayb. Qabyalad. Hargaysa burco Anaa leh. Qaran baan ahay. Habar yonis. Yasida. Caare cararay. Cali khalif bahdilaad.Marka wacay rabaan. In ganacsiga kahelaan deganada somali hadana somali cayaan. Bisada hargaysa kafiican shacabka muqfsho. Cayda muslimiinta mooday citiraafka lagu helo. Ingiriska yurub Americaa africa carab diideen muda dher. Somali cadawged lasaftaan ka farxiyasn. Lacagta yar helaan jaadka tikreega sheekhii hadla xabsiga kibir. Hartiga mesha isaga tagaan xataa xididka xidhaan.

  7. Garqaad says:

    https://youtu.be/mHltgjxZ4N8

    Daroodku 2013 sidaan ayey ahayeen. Tolow 2020ka maxaa iska bedelay.

    Wiil qardho. Maxaad ula yaabeysaan. Cabdirizaaq xaaji xuseen ayaa sidaan aaminsan.

    Xuskii xasuuqa darood ayaa quustay

  8. Garqaad says:

    Sorry cabdirizaaq xaaji xuseen walaalkii ayaa ula jeedaa

  9. Aarka hargaysa says:

    Gaboose waxa uu noo akhriyay waa 8 dii qodob ee shirkii gacan libaax ee layidhi habar awal iyo habrjeclo ma arkikarno oo uu waliba fadhiyay shirka ma maantuu dhashay gaboose kkkkkkkkkk

  10. Aarka hargaysa says:

    Gaboose waa ragii kadanbeyay in matkii dorashada lagahelay ciro in ladagalamo oo jabhad lasameeyo markii albaab kastaa isasoo xidheen ayuu iska oohinayaa

  11. Aarka hargaysa says:

    Wuxuu hadhcad kubiiray xisbigii reerkooda wuxuu uhadlayaa caare oo inadeerkiiya wuxuu qabanqabiyay shirkii gacan libaax hadadaa huteelkii reerkooda ayuu shir jaraa id kuqabtay yaa lawalayaa marka




MUUQAAL: Foosiya Yuusuf oo si kulul uga Hadashay Hadalkii Sheekh Shariif
- Nov 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam oo Xilal kala duwan kasoo ...
MUUQAAL: Faysal C. Waraabe oo ka hadlay Muranka Doorashada iyo Weerar uu ku Qaaday Muuse Biixi [Daawo]
- Nov 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada ...
Puntland oo Dooratay Gudoomiye Baarlamaan oo Cusub iyo Gaas oo ka hadlay !
- Nov 14, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Xildhibaan Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka ee Puntland ...
MUUQAAL: “Muuse Biixi inuu Tolkii maamuli kari waayo cidna ka yeeli mayso, Halka Abiye qaatay Bilad”
- Nov 14, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeye oo Warbaahinta kula hadlay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare iyo dagaalkii Boosaaso, Xog Ku saabsan Xiisada ka Taagan iyo Sida wax u dhaceen !
- Nov 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare ayaa Warbixin ku lafa Guray dagaalkii ka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!